Categories
Asilo e immigrazione Asilo e immigrazione Evidenza Evidenza

Xeerka cusub ee socdaalka 2023: fududaynta so gelidda wadanka si sharci ah , la dagaalanka socdaalka “aan sharciga ahayn” iyo xaddidid sharciga ilaalinta gaarka ah

Wareegto cusub ee socdaalka (Wareegatada  sharciga 20/2023) ayaa dhaqan gashay. Waa  kuwan isbeddellada ugu waaweyn: 

CIQAAB AAD U ADAG OO LOOGU  

TALAGALAY DAMBIYADA LA XIRIIRTA  SOCDAALKA SHARCI DARADDA AH: Waxaa sharciga lagu soo kordhiyay Dembi cusub  ee sabab u noqda “dhimasho ama dhaawac ee  dembiyada la xiriira socdaalka sharci darrada ah”,  kaas oo xukunkiisa noqon doono ciqaabo culus:

  • laga bilaabo 10 ilaa 20 sano dhaawacyo halis ah  ama aad halis u ah oo soo gaara hal qof ama dad  badan;
  • laga bilaabo 15 ilaa 24 sano dhimasho qof;
  • laga bilaabo 20 ilaa 30 sano dhimasho dad badan.

Ka Eryidda ama ka dhoofinta dalka : Looma baahnaan doono Ansixinta garsooraha ee  meel marinta go’aamada cayrinta ee la amray ka  dib xukun ama go’aan la gaaray. 

QOONDADA XEERKA SOCDAALKA : 

  • Siyaabaha cusub ee loo qorsheynayo qulqulka ma imaatanka sharciga ah ee shaqaalaha ajnabiga ah.

Kootada ama qoondada ajaaniibta ee loo  ogolaanayo Talyaaniga in ay yimaadan ee fulin  doono shaqooyinka ee shaqaale ka noqon  doonaan ayaa la qeexi doonaa, ma ahan kaliya  hal sano laakiin waa muddo seddex sano ah  (2023-2025). 

Shaqaalaha rag iyo dumarba ah oo ka socda  wadamada kor u qaada ololayaasha warbaahinta ee dalkooda uguna dhiga khataraha socdaalka  ee aan sharciga ahayn waxa la siin doonaa  mudnaan. 

Wax ka beddelka xeerarka gelitaanka iyo  ogolaanshaha joogitaanka ee shaqooyinka  shaqaalenimo loo qaadanayo ajaanibka Bilawga xiriirka shaqo ee ajaanibka ee shirkadaha  Talyaaniga waa la fududeeyay waxaana la  dardargeliyaa habka soo saarista dukumeenti aan caqabad ku ahayn shaqada shaqaalino , xitaa  shaqooyinka xilliyeedka (shaqooyinka xilliyada  gaar loo baahdo). 

Barnaamijyada tababarka 

Ajaaniibta ku soo guulaystay , ayagoo ku  sugan wadankii ay ka yimaadeen, 

koorsooyinkii tababarka ee dawladda  Talyaanigu iyo Wasaaradda Shaqadu dawladda talyaaniga aqoonsada, waxay  awoodi doonaan inay soo galaan Talyaaniga  si ka baxsan Qoondada wareegtada socdaalka  

Muddada Ogolaanshaha Degganaanshaha  dib loo cusboonaysiiyay: 

Kadib Cusbooneysiinta ogolaanshaha joogitaanka  ee lagu bixiyo shaqada joogtada ah, iskaa u  shaqeysiga ama isu keenida qoyska wuxuu  Ogolaashaha sharciga ahaan doontaa ugu  badnaan muddo saddex sano, iyo ugu yaraan  muddo laba sano. 

TALAABOOYIN CUSUB OO LAGU  

XAKAMEYNAAYO SHARCIGA ILAALINTA  GAARKA. 

Aqoonsiga sharciga ilaalinta gaarka ah, tixraaca  ilaalinta nolosha gaarka ah iyo qoyska ee qofka  codsanaya ayaa meesha laga saaray. 

Digniin: isbeddelku wuxuu khuseeyaa oo keliya  codsiyada la soo gudbin doono 10/03/2023,  marka laga reebo kuwa horeba ballan uga  haystay Xarunta Booliska. 

Ciddii aan weli ballan ku lahayn Xarunta Booliska,  balse soo codsatay ka hor 10/03/2023, waxaanu  u soo jeedinaynaa inaad daabacdo (oo xafido) E mailka codsiga lagu soo bandhigay Xarunta  Booliska. 

FG : Sharciga ilaalinta gaarka ah ayaa la sii wadi  doonta in la bixiyo marka xaaladaha la qiimeeyo  in dib u celinta shisheeyaha ay horseedi karto ”  

cadaadis sababo qabiil, jinsi ,luqad, dhalasho,  diin, fikrado siyaasadeed, xaalado shakhsiyeed  ama bulsho” (ART 19, Paragraph 1 ee TUI). 

Ogolaanshaha sharciga ilaalinta gaarka ah ee  horay loo soo saaray ka hor 03/10/2023 ee loo  aqoonsaday ilaalinta iyo “ixtiraamka nolosha  gaarka ah iyo qoyska” waxaa la cusbooneysiin

karaa sanad kale, mar walbana waxaa loo rogi  karaa sharciga ogolaansho shaqo. 

Su’aalaha wixii ka dambeeya taarikhda  03/10/2023 ee sharciga ilaalinta gaarka ah 

Taladeynu waa in aad la xidhiidho hay’adda  ilaalinta adigoo kala xiriirtid lambarka  bilaashka ah ee dadka magangelyo doonka  iyo qaxootiga Arci (800905570 ama +39  3511376335, ama adigoo u soo qoraya  numeroverderifugiati@arci.it) ama adigoo la  xidhiidhaya qareen lagu kalsoon yahay si aad  u soo bandhigto codsiga sharciga ilaalinta  gaarka , kuna soo lifaaq dukumeenti ama  warbixin faahfaahsan codsiga kaas ah oo  sidoo kale iftiiminaya dhinacyada nolosha  gaarka ah (isku-dhafka shaqada bulshada iyo  /ama xubin qoyska ka tirsan) iyadoo la  tixgalinayo qodobka 5 faqradiisa 6 TU ee  socdaalka iyo farshaxanka. 8 ee ECHR, oo ay  tahay in had iyo jeer la ixtiraamo sababtoo ah  waxaa lagu tilmaamay Qoddobka . 117 ee  Dastuurka.