Waa maxay Fiisaha?
Fiisaha waa oggolaansho, oo ay bixiso
Qunsuliyadda ama Wakiil Diblomaasiyadeed oo
awood u leh, kaas oo u oggolaanaya dadka
ajnabiga ah inay soo galaan Aagga Schengen ama
dhulka Talyaaniga; waxaa lagu dabaqaa ama lagu
dhuftaa baasaboorka ama dukumeenti kale oo
ansax ah.
Muwaadiniinta waddan aan ka tirsanayn Midowga
Yurub ama dadka aan waddan lahayn ee doonaya
inay ku yimaadaan Talyaaniga sababaha soo socda
awgood:
● korsashada caruurta , ganacsiga, daryeelka
caafimaadka, dublamaasi, sababaha qoyska,
tartanka ciyaaraha, martiqaadka, iskaa u
shaqeysiga, shaqado shirkad ama dad loo
shaqeeya, waajib fulin , sababo diimeed, dib u soo
noqosho , degaan doorasho, cilmi baaris,
waxbarasho, garoomada iyo deggedaha safaradda
lagu sii maro inta qof uu gaariin goobtu uu socoda ,
sii marid , gaadiidka, dalxiiska, fasaxyada shaqada
iyo iskaa wax u qabso.
Si kastaba ha ahaatee, qofk yimada Talyaaniga
asagoo fiisa wadan looma diidi karo haddii u :
● codsado kana faa’iideysto nidaamka
codsiga magangalyada caalamiga ah;
● da’diisu ka yar tahay 18 jir, iyada oo aan
waxba loo dhimayn xaqa uu u leeyahay in
uu raaco waalidka ama waalidka korsaday
la eryay;
● haysto sharciga ilaalinta ku meel gaadhka
ah sababo bini’aadantinimo dartood;
● wuxuu ka faa’iideysan xaaladaha
ku meel gaadhka ah ee ku xidhan
“xaaladdo gaar ah”;
● qofka dumarka ah uur leh iyo lix
bilood ka dib dhalmada.
Marku qofku maro baaritaanka, maamulka
xuduuduhu waxay u shaabadeeyaan
baasaboorka oo ku qoran taariikhda iyo goobta
uu sii mari doono.
Digniin: haddii aad sheegto been ama dukumeenti
been abuur ah, waxaa lagugu ciqaabi doonaa
sharciga codsigaagana waa la diidi doonaa.
