WAR MUHIIM AH
Midowga Yurub wuxuu go’aansaday inuu qaato dardaaranka ilaalinta ku meel gaarka ah ee la xiriirta dagaalka Ukraine (dardaaranka 55/2001).
Muwaadiniinta Ukrain, magangalyo-doon, haystayaasha ilaalinta caalamiga ah iyo dadka haysta ogolaanshaha joogitaanka muddada dheer ee degan Ukraine iyo xubnaha qoyskooda waxay xaq u leeyihiin ogolaanshaha joogitaanka dib loo cusboonaysiin karo iyo helitaanka adeegyada soo socda:
• Dugsiga
• Shaqada
• Soo dhawaynta
• Daryeelka bulshada
• Daryeelka caafimaadka
FADLAN OGOW
Talyaanigu wali ma soo saarin wareegtada dhaqangelinta awaamiirtan. Waxaan daabici doonaa habraacyada marka ay diyaar noqdaan.
Dhanka kale, waxaan ku xasuusineynaa in:
• Waxaa suurtogal ah in aad joogtid Talyaaniga 90 maalmood iyada oo aan loo baahnayn fiisaha iyo ogolaanshaha (guji macluumaad dheeraad ah halkan)
• Waxa aad horeba suurtogal u ahayd in aad codsato boos soo dhawayneed ee xarumaha soo dhawaynta ee prefektural (CAS) iyo xarumaha soo dhawaynta iyo isdhexgalka (SAI) ee ay maamulaan degmooyinku (guji halkanñ macluumaad dheeraad ah)