Dib u habaynta hindise-sharciyeedka tartamada dadweynaha ee shaqaaleysiinta xafiisyada maamulka dawladda 2023: waxaan ka qayb gali kara dadka sharciyada qaxootinimada haysta iyo ajaanibta kale ee xulashada ku soo baxa

Share on facebook
Share on twitter
Share on linkedin
Share on telegram

Dib-u-habaynta hindise-sharciyeedka dadweynaha (Xeereedka Sharciga No. 80/2021, oo loo beddelay Sharciga Lr. 113 ee 6da Agoosto 2021), wuxuu soo bandhigayaa isbeddello muhiim ah si loo horumariyo helitaanka iyo tayada shaqaaleysiinta ee Maamulka Dawladda. Waxaa ka mid ah wararka ugu muhiimsan:
– Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga, dadka haysta aqoonsiga qaxoontinimada iyo muwaadiniinta Midowga Yurub ee leh xuquuqda degenaanshada ama ogolaanshaha joogitaanka muddada dheer ee Midowga Yurub waxay sidoo kale codsan karaan ka qayb galka tartamada dadweynaha ee shaqaaleysiinta xafiisyada maamulka dawladda;
-Waa la dammaanad qaaday dheeri la siiyay waalidnimada, sinnaanta jinsiga iyo qofkii waxbarashada dhibaato kale kulma sababo u gaar ah ;
– Xadka ugu badan ee 6 bilood ayaa loo dejiyay gabagabada nidaamka tartanka;
– Si uu qofka uga qayb gasho tartamada dadweynaha waa inuu isticmaala kaliya websitekan “inPA”, www.InPA.gov.it. Is diiwaangelinta websiteka waa lacag la’aan waxaana ku suurta galin karta oo keliya adoo isticmaalayo hababka aqoonsiga SPID, CIE iyo CNS.

La tasho bogga “SPID: maxaa loogu talagay, Sidee qofka u codsan kara e una isticmaali kara
Websitekan wuxuu higsanayaa inuu hagaajiyo tayada shaqaaleysiinta maamulka dadweynaha iyada oo loo marayo nidaam dhijitaal ah oo cusub oo fududeeya soona dedejiya xiriir u dhexeeya shaqada bixinta iyo baahida shaqado ee dadweynaha.

 Riix halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah

 2,579 Visite totali,  1 visite odierne