DIB U MIDAYNTA QOYSKA

Waa nidaam kuu ogolaanaya inaad  xubnaha qoyskaaga ku keento Talyaaniga  si sharci ah oo ammaan ah.

Waxaad codsan kartaa la midoobida  xubnaha qoyska ee soo socda: 

  • xaaska (ninka ama naagtiisa) aan si  sharci ah u kala tagin oo da’doodu tahay  ugu yaraan siddeed iyo toban jir ah, ama  lammaane midaysan oo wada nool  (talyaaniga ama dibadda), ajnabi ah oo  isla markaana aan deganayn Talyaaniga; ● Carruurta aan qaan-gaarin ee 

waalidkood meher la’aan ku dhalay, kuwa  la korsaday, kuwa qof loo wakiishay,  laguna kormera , laakin waxaa shuruud ah  in uu bixiya waalidka mid ka mid ah  ogolaasho, haddu joogo , xataa haddey  yihiin waalidka is qaba iyo kuwa ku dhalay  meher laa’aanba. 

  • Carruurta qaangaarka ah ee ku tiirsan  waalidkooda , haddii ay dhacdo in sababo  macquul ah, aysan u dawoolin karin  baahiyahooda muhiimka ah oo ay gebi  ahaanba naafo yihiin; 
  • Waalidiinta haddey da’dooda 65 jira  gaaray , haddii aysan joogin carruur kale ee dhaleyn waddankii ay asal ahaan ka soo  jeedaan ama ay ka yimadeyn ; 
  • Waalidiinta haddey da’dooda 65 jira  gaarto, haddii ay dhacdo inay sidoo kale  dhaleyn carruur kale laakiin aysan awoodin  inay dhaqaaleyaan sababo ayaga xalin  karin oo dukumentiyo caadeyn leeyihiin iyo  sababo caafimaad aad u culus .

Haddii aad ka yar tahay 18 sano jir oo aad  keligaa tahay, oo aad ka maqan tahay  waalidkaa ama xubnaha kale ee qoyska ee  ku daryeelaya, oo lagugu aqoonsaday  qaxoontinimo Talyaaniga, waxaad xaq u  leedahay in aad codsato in lagu keeno oo  aad wada noolaatan waalidkaa iyada oo  aan loo eegin da’dooda iyo xaaladdooda.

Si loo codsato isukeenida qoyska,ee dadka  haysta sharciga ilaalinta caalamiga ah,  shuruudaha waa : 

  • ogolaanshaha joogitaanka: waa in uu  ahaado mid ansax ah ama lagu guda jiro  dib u cusboonaysiinta. Xaaladdan oo kale,  codsiga waa in lagu sameeyay 60  

maalmood gudahooda intu uu sharciga  dhicin ; 

  • baasaboor ama dukumeenti safar (haddii  la heli karo); 
  • dukumeenti cadeynaya xiriirka  

qaraabanimo, da’da yar iyo inta qofkood u  ka kooban yahay qoyska (haddii la heli  karo). 

Dadka haysta noocyada kale ee  

ogolaanshaha joogitaanka, ee joogtada  ah ee jooga Talyaaniga, waxaa lagama  maarmaan ah in ay u hoggaansamaan  shuruudaha dakhliga iyo hoyga. Wixii  macluumaad dheeraad ah iyo tafaasiil ku  saabsan sharciyada kala duwan ee ay  suurtogal tahay in lagu codsado dib u  midoobida iyo shuruudaha lagama  maarmaanka ah, waxaad arkisan kartaa  faylka gaarka ah ee Melting pot Europa.

CODSIGA NULLA OSTA

Nidaamku wuxuu ku lug leeyahay laba  tilaabo: codsiga Nulla Osta ee xafiiska

Socdaalka ee Maamulka ( Profettura )  awoodda u leh iyo in ay kala socdaan  codsiga fiisaha xafiisyada wakiilka  

Talyaaniga ee dibadda jooga .  

Si aad u codsato Nulla Osta, waa inaad: ● Sameysata aqoonsiga dhijitaalka ah ee   SPID (waxaad ka samayn kartaa Xafiiska   Boosta ee Talyaaniga); 

  • In aad soo iibsato ( Marca da Bollo )   shaambada dakhliga €16.00; 
  • ka gal barta websit-ka adoo isticmaalaya   aqoonsiga SPID 

 www.nullaostalavoro.dlci.interno.it,  foomka ku buuxi online oo geli lambarka   (Marca da Bollo) shaambada dakhliga ee   aad haysato; 

Kadib, waxaa lagaaga so yeeri doona  xafiiska Socdaalka ee meesha aad degan  tahay waxaadna u baahan doontaa inaad  geyso dukumeentiyada soo socda: 

  • Asalka shaambada dakhliga oo  

 faahfaahintiisa lagu muujiyey codsiga; 

  • shaabad dakhli kale €16.00 oo oo lagu   dhejiyo Dukumentiga ogolaashada   ( Nulla Osta) ; 
  • Ogolaanshahaaga daganaanshaha iyo   Koobiga; 
  • nuqul ka mid ah dukumeentiyada  xubnaha qoyska ee dib loo midoobi doono  (haddii la heli karo). 

Xaqiijinta xiriirka qoyska waxaad soo  qaadan kartaa shahaadada isugeynta  heerka qoyska iyo joogitaanka (sidoo kale  qaab is-cadeeyn ah (autocertificazione ). 

Marka aad hesho Dukumentiga  

ogolaashada (Nulla Osta) , waa in aad u  dirtaa ayadoo original ah xubinta qoyska  aad midowi rabtaan si aad u codsado  fiisaha lana xiriiro ergada diplomaasiga ee  talyaaniga ee awooda u leh, isla waqtiga  safaaradda waxay hore ugu heshay  xafiiska socdaalka ( Prefettura ) nulla  ostada oo elektaroonik ah. 

Waxa kale oo aad heli doontaa ogeysiis  qoraal ah oo lagaga soo diray lambarka  telefoonka ee Xafiiska socdaalka ( Sportello Unico ) si aad balaan ugu  sameysato xubinta qoyskaaga. 

Si dhabta ah , laga bilaabo wakhtiga xubinta  qoyskaagu soo galo Talyaaniga, waxaad  haysataa 8 maalmood oo aad la xiriirto  Sportello Unico oo aad weydiisato kulan  lagu qabanqaabinayo codsiga soo saarista  ogolaanshaha joogitaanka.

Haddii aad wax walba si sax ah u sameyso  oo codsiga la aqbalo, 90 maalmood  gudahooda laga bilaabo taariikhda aad soo  gudbisay codsigaaga waxaad ku heli  doontaa Nulla Osta si aad u sii waddato hawsha midaynta qoyska. Haddii sabab jirta  awgeed aan lagu diido codsiga Nulla Osta  laakiin aad aaminsan tahay inaad xaq u  leedahay, waxaad racfaan u qaadan kartaa  Maxkamadda caadiga ah (Qaybta Gaarka  ah) ee meesha aad degan taha. 

Sharcigu wuxuu dhigayaa in fiisaha lagu  bixiyo 30 maalmood gudahooda laga  bilaabo codsiga, laakiin waqtiyadu wuu ka  dheeran karaan.

  • Laba jeer hubi dhammaan qaybaha  arjiga, gaar ahaan kuwa la xiriira  magacyada iyo taariikhda xubnaha  qoyskaaga ka hor inta aadan gudbin  codsiga. Magacyada iyo taariikhda  dhalashada waa inay waafaqaan kuwa ku  qoran baasaboorka. 
  • La xidhiidh xaaladda asalka ama meesha  ay deggan yihiin xubnaha qoyskaaga. Haddii aysan jirin wakiil diblomaasiyadeed  oo Talyaani ah oo ka socda waddamadan,  isla markiiba u sheeg waddanka xubnaha  qoyskaagu ay ka codsan doonaan fiisaha. Waxa kale oo suurtogal ku ah xilli kale in  aad bedesho waddanka ay deggan yihiinxubnaha qoyskaaga mar dambe, laakiin tani  waa inay oggolaato Xafiiska nulla ostada  soo saaray ( Prefettura ) beddekana  waxuu qaadan doonta wakhti. 
    • Dadka haysta ilaalinta caalamiga lagama  doonayo inay buuxiyaan shuruudaha  guriyeynta, dakhliga iyo caymiska  

    caafimaadka. 

    • Nulla osta waxay shaqeynesa 6 bilood  laga bilaabo maalinta la soo saaray, sidaas  darteed waa inaad ku ku xareysa  

    safaaradda 6 bilood gudahood. Hubi inaad  haysatid dhammaan dukumeentiyada  wakhtiga loogu talagalay codsiga fiisaha iyo  haddii ay jiraan dib u dhac ku yimaada  ballanta safaaradda, la xiriir lambarka  bilaashka ah ee Arci, ururada degaanka  ama qareenka lacag la’aan.

Waxaa soo qabanqaabiyay Caritas  Italiana, Consorzio Communitas iyo  Unhcr – Wixii macluumaad dheeraad ah  booqo: http://ricongiungimento.it/

CODSIGA VISA EE XIRIIRKA SAFAARADDA TALYAANIGA EE DIBADDA (Safaaradda iyo Qunsuliyadaha)

Waa kuwee dukumentiyada loo baahan  yahay? Kala tasho xaashida  

macluumaadka safaaradaha Talyaaniga  ee dibadda

Kadib marka aad soo qaadadato Nulla  Osta, waa inaad u dirtaa asalka 

( ORIGINAL ) xubnaha qoyska. Markay  helaan, qoyskaagu waa inay ballan ka  qabsadaan ergada dublamaasiyadeed ee  Talyaaniga si ay u codsadaan fiisaha.

  • Dukumeentiyada cadeynaya xiriirka  qoyska dhamaantood waa in lagu tarjumaa oo lagu sharciyeeyaa luuqadda Talyaani. 
  • Ergada diblumaasiyadeed ee Talyaanigu,  si kastaba ha ahaatee, way codsan karaan dukumeenti kasta oo dheeri ah haddii loo  arko inay muhiim tahay. Dhammaan  dukumeentiyada waa in lagu soo gudbiyaa  asal ahaan iyo nuqul. Dukumeentiyadii  asalka ahaa waxaa lagu soo celin doonaa  codsadayaasha halka koobiyada iyo  codsiga fiisaha la keedin doono. Koobi lama aqbali doono, marka laga reebo  koobiga kaarka aqoonsiga ama baasaboorka xubinta qoyska ee deggan  Talyaaniga. 
  • Farqiga u dhexeeya higaada ee magaca  qoyska, magacyada hore, sida magacyada  iyo/ama taariikhda dhalashada qaldan  iyo/ama goobta xaaska/ilmaha/waalidka ee  lagu sheegay “Nulla Osta” waxay keeni  doontaa dib u dhac ku yimaada habaynta  codsiga, tan iyo markii ay dhacday Kala  duwanaanshiyaha waxaa mas’uul ka ah  Xarunta Booliiska Talyaaniga ( Questura).. Foomka codsiga fiisaha, codsaduhu waa  inuu ku muujiyaa lambarka taleefanka  gacanta iyo cinwaanka Emailka oo sax ah. Codsadaha waxaa lagula talinayaa inuu  hubiyo Emailka maadaama Qunsuliyadda  Guud ay ugu soo gudbin doonto ogeysiisyo muhiim isla markaan waxaana  la raba inaad ku soo jawaabto isla Emailka. Waxaa lagugula talinayaa, haddii aad  awood u leedahay, inaad sidoo kale noogu  soo gudbiso codsigaga adigoo isticmaalaya pec. Si ay kugu suuta gasho  in aad nagala soo xiriirto pec la xiriir ururada maxalliga ah iyo/ama uu ku  caawiyo qareen. 
  • Xusuusnow in lacag bixinta qof ama qolo   saddexaad (Hay’ad ) ma noqon doonto   faa’iido wax ku ool ah ama fududaynta   hababka dib-u-midaynta qoyska.
  • Dalku-ku-galku wuxuu shaqaynayaa 1   sano
  • Baaritaanka DNA-da, waxaad la xiriiri kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ama  Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM:  +39 06 441609.225 /233/260/210). Tijaabadu waxay ku kacaysaa €230 qofkiiba. Haddii aadan awoodin inaad iska bixiso

Yaan kala xiriiri karaa macluumaadka iyo  taageerada buuxinta dukumentiga  codsiga? 

La xidhiidh lambarka bilaashka ah ee  magangalyo-doonka iyo qaxootiga (ARCI):  800905570 ama (+39) 3511376335 

Ama u qor email 

numeroverderifugiati@arci.it 

Wixii macluumaad dheeraad ah, taageero  ama talo – xitaa haddii ay dhacdo xadgudub  xafiis ama ku xadgudubka xuquuqdaada – waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa kuwa kale ururada maxalliga ee jooga Talyaaniga raadso la-talin xgga sharci oo lacag ah.

WARBIXIN KU SAABSAN SAFAARADA TALYAANIGA EE DIBADDA

CODSIGA OGOLAANSHAHA DEEGAANKA SABABAHA QOYSKA

48 saacadood gudahooda ka dib markii  qoyskaagu yimi Talyaaniga, waa inaad  gaarsiisa Dokumentiga caddaynta  martigelinta Xarunta Booliiska. 

8 maalmood gudahooda marka ay  yimaadeen, xubnaha qoyskaagu waa in ay  tagaan xafiiska socdaalka u gaar ah halkaas oo lagu siin doono xirmada ay ku  jiraan foomamka lagu codsado ogolaanshaha joogitaanka sababo qoys  awgeed.

Qalabka waxaa la abuuray iyadoo lala  kaashanayo Arci Porco Rosso ee  Palermo

I VIDEO

Waa maxay JumaMap

JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.

Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.

Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it

Welcome Center

Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:

Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga

Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada

Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga

Taageero dhijitaal ah

Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30

Lambarka bilaashka ah ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)

Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it

Lambarka bilaashka ah ee dadka naafada ah ee socdaalka ah

NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.

Goob dhageysi iyo taageero loo hayo carruurta iyo dhallinyarada socdaalka ah

U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.

Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.