La cusbooneysiiyay Abriil 2025
Haa. Dalka Talyaaniga laba qof oo isku
jinsi ah ayaa samaysan wada
noolaanshaha lamaanaha.
Waxa loo baahan yahay warqadda
aqoonsiga , warqad caddaynaysa inaadan
hore ugu guursan Talyaaniga ama
waddan kale. Si aad u guursato waa
inaad la xiriirtaa xafiiska diiwaangelinta
madaniga ah ee degmada oo aad rabto
inaad ku guursato marka ka dib waxaa la
soo saari doono qoral lagu tilmaamayo
taariikhda arooska dhici doono.
Muwaadiniinta talyaanigu waxay kala
soo bixi karaan warqadda xafiiska
diiwaangelinta aqoonsiga caddaynaysa
inaadaysan hore ugu guursan,
muwaadiniinta ajnabiga ah waxay sida
caadiga ah ka heli karaan shahaadadan
mas’uuliyiinta qunsuliyada ee
waddankooda dhalasho.
Haa, laakiin nidaamku wuu yara adag
yahay.
Magangalyo doonka, oo aan awoodin
inay la xiriiraan mas’uuliyiinta
waddankooda oo aan weli haysan
jawaab sharci ah oo dhameystiran, ma
heli karaan aqoonsiga caddaynaya inaadaysan hore ugu guursan sida
darteed waxaan loo baahan yahay
qiimaynta garsooraha.
Ma jiro nidaam u gaar ah , si
magangalyo-doonku u fuliyo guurka waa
inay marka hore la xiriiraan degmada si
ay u codsadaan si ay degmada u soo
saaro qoran tilmaamaya taariikhda
arooska u dhici doono. Degmadu,
awoodi wayday inay fuliso, waxay qasab
ku tahay inay diido codsigan. Diidmada
degmada waa in lagu soo gudbiya hab
qoraal ah, sarkaalku waa inuu soo
gudbiya warqad ay ku qorantay
tixraacyada degmada taasoo uu ku
cadeynayo inaysan suurtagal ahayn in
fuliyo hawsha laga codsaday.
Diidmada qoran ee degmada ka dib ,
waxaad la xiriiri karta qareen oo aad
racfaan ka qaadan kartaa maxkamadda.
Garsooraha ayaa markaa qiimeyn doona
diidmada waxaana laga yaabaa inuu soo
saaro go’aan u oggolaanaya degmada
inay soo saari karaan qoral lagu
tilmaamayo taariikhda arooska dhici
doono..
Ma jiro waqti cayiman, waxay ku xiran
tahay degmooyinka iyo Maxkamadaha.
Haa, waad guursan kartaa!
Haddii aad qaxooti tahay, oo aadan
awoodin ama rabin inaad la xiriirto
mas’uuliyiinta waddankaagii, ma soo
saarin ama heli kartid warqadda
aqoonsiga caddaynaysa inaadaysan hore
ugu guursan (arrintani waxay caqabad
ku noqonaysa oggolasadaada guurka).
sidaas darteed, laga bilaabo 2022, waxaa
kugu filan inaad la xiriirto degmada aad
degan tahay, ama degmada aad rabto
inaad ku guursato, oo aad la xiriirto
nootaayo kana codsatid in lagu sameyo
“warqad sharci ah ” oo ku caddeynayo
inaadan ku qabin xaas Talyaaniga ama
dalal kale, sidaas darteed aad tahay doob.
Waxaad ka heli doontaa foomamka aad
buuxinayso si aad cadeyntan ugu
samayso xafiisyada dawlada hoose.
Booqo xaashida macluumaadka UNHCR
ee ku qoran lugadaha (Talyaani) iyo
(Ingiriis).
Fadlan ogow: Waxaa ku caawini karo
kale inaad daabacato Wareegtada
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo
xaashida macluumaadka UNHCR oo
aad la timaado degmada si aad u tusiso
warqadda sharciga ah oo ay
caddeynayso inaadan qabin xaas oo
tahay qof doob ah
Haa, laakiin nidaamka arrrintada ku
saabsan wey ka yara adag yahay.
Dadka haysta sharciga heer laabad
ee qaxooinimada ee aan la xiriiri karin
mas’uuliyiinta waddankooda, ma soo heli
karaan warqadda sharciga ah oo ay caddeynaysa inay-yan qabin xaas doob-na yihiin , loona baahan yahay in uu qiimeyo garsooraha.
Ma jiro nidaam gaar ah, sidaas darteed,
si aad guursato waa inaad marka hore
la xiriirtaa degmada si aad u codsato in
ay soo gudbiyaan taariikhda u dhici
doono meherka. Degmadu, haddi ay
awoodi wayday inay fuliso codsigaaga ,
waxay qasab ku tahay inay diido
codsigaga. Diidmada degmada waa in
ku soo gudbiyaa qaab qoraal ah, taas
micnaheeda tahay in uu sarkaalku
hawsha u xil-saaran keeno dukumeenti
ay ku jiraan tixraacyada degmada
taasoo uu ku cadeynayo inaysan
suurtagal ahayn in la fuliyo codsigaaga.
Diidmada qoran ee degmada ka dib ,
waxaad la xiriiri kartaa qareen oo aad
racfaan ka qaadan kartaa maxkamadda.
Garsooraha ayaa markaa qiimeyn doona
kiiska waxaana laga yaabaa inuu soo
saaro go’aan u oggolaanaya degmada in
soo gudbiso taariikhda u dhici doono
meherka.
Ma jiro waqti cayiman, waxay ku xiran
tahay degmooyinka iyo Maxkamadaha.
JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.
Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.
Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it
Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:
Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga
Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga
Taageero dhijitaal ah
Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30
Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)
Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it
NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.
U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.
Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.