FAQ - Frequently Asked Questions​

Ilmo ajnabi ah oo anan walidkiis la socon (MSNA) Waa qof imaday talyaniga asaga oo anan gaarin sideed iyo toban sano, Waalid uusan la socon heysana qof si sharci ah masuul uga ah. Hadi ad tahay ilmo anan qaangaarin, sharciga waxa uu dhigayaa in anan xuduuda lagaa celin karin lagana musafurin karin wadanka.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay in lagu geeyo hooy aad degto laguna siiyo gargaar caafimaad iyo wax barasho.

Marka ad ku imatid bad ama bari ciidanka xuduuda waxeey kaa xaqiijinayaan cimrigada iyo magacada. Inta lagu guda jiro wareysiga ama xaqiijinta waxad xaq u leedahay in uu kula joogo qof kuu turjumo. Hadi ad heysato sharci (basabooor, degenaansho,kaarka iskuulka,shahaadada dhalshada iwm), xisa hadi ey dhacsan yihin, usheeg dadka kula joogo ee kuu shaqeenayo: waxeey muhim u yihiin cadeen warbixinta aad sheganeysid. Waxa laga yabaa in eey askarta kaa qadan sharciga aad markaas dhiibtid marka hore isku day in aad koobi kasii sameesatid ama ayagaba ii sameeya ku dheh.

Waxaad mari doontaa wareysi aad la yeelatid shaqaalaha kaamka iyo turjumaan, waxa uu muhiim u yahay in eey helaan aqbaaraadkaaga sida  (Wadanka ad u dhalatay, tariiqda, wax barashadada, familkaga, iwm) ama in eey ku xaqiiqiyaan in aad tahay ilmo anan qaan gaarin kadib markeey si dhaba u xaqiijiyaan waxeey si saxa kugu diiwan galinayaan sida ilmo anan qaan gaarin (MSNA) kadibna maxkamada gobolka ayeey u dirayaan tasoo kuu magacaabeyso qof masuul ka ah.

Masuulka waa qof ey maxkamada kuso magacawdo kasoo ka masuul ah . Masuulka waxa uu masuuliyadeeda la wareegayaa arimo badan oo aadan qaban karin waalidka oo aanan kula socod asaga ayaana ah booskaas qofki gali lahaa.

Si fiican u ogoow: Inaad heysatid qof ka masuul ah wa wax aad xaq u leeahay in laguu magacabana waa waajib saaran xukuumada talyaaniga! Sida ku cad shariciga inta eey maxkamada kasoo magacaabeyso qof ka masuul ah xilkaas waxa sii heynayo maamulka kaamka aad ku nooshahay.

Adigo kaashanayo shaqalaha kamka iyo qofka kaa masuulka ah waxad isla firin kartiin nuca sijoorno:

  • Codsi sijoorno lasiiiyo da’ayarta;
  • Dhiibista dalabka qaxootinimo oo dhameestiran;
  • Dalabka sijoorno nuceeda yahay mid gaarka ah;
  • Sijoorno famil ama mid la siiyo dadka laga masuulka yahay.

Waa mid la siiyo ilmaha la xaqiijiyay in cimrigooda uuka hooseeyo sideed iyo tobanka sano, Waxaa laga dalbanayaa si toos ah kastuurada qaabilsan qaxootiga ayada oo uu tagayo qofka dalbadaha ah iyo qofka ka masuulka ah ama shaqalaha kaamka, sijoornadaas waxeey ku dhaceyso inta uuka gaaraayo sideed iyo tobanka sano.

Codsiga qaxootinimo waxa uu ilaaliyaa xuquuqda ilmaha kaso baxsada Dagaalo sokeeye, midab takoor, jisiyad naceeb iwm.

Waxaad ka dalba kartaa kastuurada adiga oo uu ku wehliyo masuulkagi kaso dhageesnayo wax walba. Codsigaada waxa loo gudbinayaa maxkamda  (CT) kadib waxa lagu siinaya balan laguugu wareesto kadibna waxaa lagusiin karaa mid ka mid ah sharciyada, sijoorno qaxootinimo, mid susidiyaariya la dhaho iyo mid qaas ah, waxeey qadan kartaa biloobin inaad gacanta kuso dhigta.

Sijoornadan waa mid ku siineyso magan galyo dhamees tiran waxana la siiyaa  ilmaha lasoo kulmay tacadiyo diimeed ama mid jir ahaaneed sida, adoonsi, kufsasho jir ahaaneed, iwm

waxaad ka dalban kartaa kastuurada adigo uu kula socdo qofki  kaa masuulka ahaa, kadib kastuurada waxey ku siineysaa sijoorno ku dhacxeyso 6 bilood kadib waxad u cusbooneysiisan karta oo aad ka dhiganeysa hal sano.

Sijoornada familka waxa la siiya ilmaha:

  • Hadi uu la joogo qof wadanka u dhashay oo hadi uu masuuliyad buuxda ka qaday qof walid ah oo uu lana dagan yahay oo uu ku qoranyahay xaga sharci.
  • Qof laguugu aaminay oo ehelkaga ah sida  (walalka/walasha, ayeyo/awoowe, edo/habaryar, ilmo adeer/ilmo abti).

Dooqa ugu dnabeyo waa in uu garaa qofka anan qaan gaarka aheen asaga ooka fiirsanayo racayana talooyinka walidka ama masuulka.

Marka aad buuxiso 18ka sano waxa mesha ka baxayo ilmo nimo, waxa mesha ka baxyo oo kale qofki kaa masuulka ahaa iyo waalidki laguu xil saaray waxaase mudan in la isla fiiriyo kahor;

  • in  Laguu dhereeyo xag dhaqale Inaad joogto oo lagfu caawio hadii aad u baahato ila aad ka buuxiso 21 sano tasoo ku xiran wax qabad kaga wase hadi loo arko in aad u bahan tahay caawin dheraad ah si ad dalka ula qabsatid.
  • In aad badasha sijornadadi hore oo aad ka dhigtaa Mid shaqo ama sijoorno ah ku sugasho shaqo aad balan qaadkeda heysatid. Arinkaa waxa loo bahanayaa in aad keentid warqado cadeenayo is diiwan galinta xafiiska shaqada, iskuulki aad soo dhigatay iwm.

Haa, waad u wareegi karta qof ehelkaga ah oo joogo wadan kale oo yurub ah. Iqofka  kaa masuulka ah iyo shaqaalaha kaamka ayaa kaa saacidyo qaabkaad u sameen laheed. Waxaa loo baahan doona sharciyo cadeeyo qofka aad ehelka tihiin xiriirka idinka dhaxeeyo iyo in uu masuuliyadaas qaadi karo qofka wadanka kale joogo.

Haa, Waxaad xaq u leedahay in lagaa qoro iskuul waxana kaa caawinayo qofka kaa masuulka ah iyo shaqalaha kaamka.

Haa, qofka kaa masuulka ah ayaa kugu caawin doono in aad iska qortid xarunta caafimaadka si laguu siiyo kaarka caafimaadka.

Hadi aad hada timid welina ana laga diiwan galin xarunta laga sameesto kaarka caafimaadka waxad sii qadan karta kaar yar oo ku eg gobolka kaso la dhaho  STP (Ajnabi wadanka joogo si ku meel gaar ah).Websetka  www.jumamap.it/map waxaad ka heleysa xarunta cafimad ee kugu dhaw.

Namarka bilaashak ahee qaxootiga  (Arci – oo tageere ka heleyso Unhcr)

Adeegaan bilaasha ah waxa uu saacidaa ajaanibta waxana laga sacidata wax badan, waxa ku diyaar ah turjumaano ku hadlo in ka badan 35 luuqadood, waxeyna furantahay isniin ilaa jimco sacada 9:30 ilaa 17:30.
Nambarka bilaashka ah: 800 90 55 70
Midka Leekaha ah: 351 1 37 63 35

 

Caawinta qaxootiga adeega wicitaanka (Save the Children)

adeega wicitaanka ee ka sacdaayo xag teleefan soo wac isniin ila jimco sacadaha   10 ilaa 17.
Nambarka bilaashka ah: 800 14 10 16 
Midka Leekaha ah: 351 2 20 20 16

 

Ablikeeshanka Miniila  (Missing Children Europe)

Ablikeeshankan waxa uu caawiyaa ilmaha qaxootiga ah waxa uuna u sahlaa adeegada wax barasho, kuwa caafimaad iyo qaar badan, waxad ka heleysa tusaale goobaha caafimaad ee kugu dhaw ama wax barasho. 
Si aad ulasoo degto abka: https://miniila.com/

 

Barnamishka U-Report on the Move (Arci – oo tagero ka helayo Unicef)

Howgan wuxu u gaar yahay qaxootiga da’a ahaan yar ama kuwa dhalinyarada ah ee joogo wadankaan: Wuxu siiyaa war bixin dhameestiran dhinac caafimaad iyo dhinac sharci iyo kuwa badan gaar ahaan kuwa cilmi  (dhageesi dad ku shaqo leh cilmu nafsiga).
Si aad nolaso xirirtid: http://bit.ly/messageUROTM

 

Xarunta JumaMap – Services for Refugees (Arci – tagero ka heleyso Unhcr)

xarun aad ka heleyso luuqado kala duwan oo sacidaayo qaxootiga: caawimaad sharci, mid caafimaad, shaqo raadin, hooy iyo cuno siin, la dagalanka tacadiga dumarka, wax barasho iyo arimaha cilmi nafsiga imw. Booqo
https://www.jumamap.it/map/

 

Kuwo kale oo ayagana ku anfacayo:

Telefoonka baluuga

Nambarka deg dega ah ee 114 waa mid u heegan ah arin walba oo eey qeyb ka yihiin ilmo sida tacadi loo geysanayo ilmo yar yar ama qof weyn oo eey meshana ilmo jogaan fadlan wac, waxa aad wici kartaa 24 saac 7da maalmood ee isbuucaba.
Nambarka adega deg dega ah: 114
Midka wareysiga: 1 96 96

 

Nambarka tooska ah ee ilmaha lumay:

namarka  116000 waa adeeg bilaash ah oo aad wacan karto hadi aad ilmo weysay . Shaqalaha waxa eey heegan yihiin 24 saac isbuucoo dhan waxeyna u gudbin doonaan arinkaga ciidanka u dhaw goobta kadibna eey la socon doonaan arinka hadhowna hadi laso hel ilmihi ayaga ayaa kuso ogeysiin doono.

Minori stranieri non accompagnati