Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo - Aqoonsiga naafada

Ma tahay qof la nool naafanimo oo aad
ula kulanto caqabadaha kala duwan ee
ka jira dunida aan ku noolnahay?
Dalka talyaaniga waxaad ka codsan
kartaa aqoonsiga naafada (sharci
104/1992) iyo/ama naafo /indho
la’aanta/Maqal la’aanta, kuwaaso qofka
xaq u siinayo kaalmo dhaqaale iyo
faa’iidooyin kala duwan. Boggaan
waxaan ku sharaxaynaa sida nidaamku
u shaqeeyo.

Waxaan ka hadalnaa naafanimada
( xaalad naafanimo) marka qofku, muddo
dheer, uu leeyahay cillad xagga jirka,
maskaxda, awoodda caqliga.,
neerfayaasha ama dareenka taas oo
adkeynaysa in uu qofka fuliyo hawl
maalmeedka qaarkood (sida shaqada,
dhaqdhaqaaqa ama is-daryeelida
naftiisa). Dhibaatooyinkan waxay
yimaadan marku u ah qofka fulin rabo
dhaqdhaqaaq ee caqabado kala duwan
ee nolosha ee ka hor yimaadan,
(tusaale, caqabadaha dhismayaasha uu
kala kulmo, caqabadaha xagga
bulshada…).
Dalka Talyaaniga, naafanimada waxaa
aqoonsan kara guddi dadweyne: qofka
danaynaya waa in u ka codsada guddiga
dadweynaha.
Guddiga waxa uu aqoonsada oo
qiimeeya naafanimada jirka, maskaxda
ama dareenka (naafanimada madaniga
ah, indho la’aanta madaniga ah, maqal
la’aanta, qofka in uu yahay maqal &
arag la’aan ) iyo wixii gargaar ah ee uu
qofku u baahan yahay (qiimaynta
bulshada, sharciga 104/1992).

Labada aqoonsi, oo inta badan wadajir
u wada socda, ayaa sidoo kale loo
dammaanad qaaday dadka ajnabiga ah
ee deggan Talyaaniga.
Codsiga labada aqoonsi waa kuwa aad
muhiim u ah sababtoo ah waxay yihiin
shuruudo lagu helo faa’iidooyin kala
duwan iyo dhaqaale, kaalmo, caafimaad,
taageero waxbarasho ama shaqo.

Waxa codsan karaan aqoonsiga naafada
(sharci 104/1992) iyo/ ama naafo / indho
la’aan/ maqal la’aan Muwaadiniinta hoos
ku qoran:
● Muwaadiniinta talyaaniga ee degan
Talyaaniga;
● Muwaadiniinta ajnabiga ah ee
Midowga Yurub ka tirsan ee si sharci ah
u deggan Talyaaniga kana
diiwaangashan xafiiska diiwaangelinta
ee degmada ay deggan yihiin;
● Muwaadiniinta ajnabiga ah ee aan ka
tirsanayn Midowga Yurub ee haysta
sharciga degenaanshaha caadiga ah
ugu yaraan hal sano.

Waxaad ka dalban kartaa INPS,
machadka badbaadada bulshada, kaas
oo ah hay’adda ugu muhiimsan ee
dadweynaha ee ka shaqeysa
hawlgabka, kaalmada dhaqaale dadka
shaqeeya ee xagga dhaqaalaha laga
qaba iyo dadka dhibaato dhaqaale ku
haysata dalka Talyaaniga. Codsashada
waxaa lagu samayn karaa online,
mareegaha INPS, ama iyada oo loo
marayo xafiisyada xiriiriya dawladda iyo
dadweynaha ( Padronato ) ama ururada
aan dawliga ahayn ( Associazione)
Si aad u dalbato nidaamka, waa inaad
raacdaa talaabooyinkan:
1.Marka hore waa inaad u tagta
Takhtarkaaga oo aad waydiisata INPS
inuu u soo diro shahaado caafimaad oo
hordhac ah, oo ay ku qoran yihiin

xogtaada shakhsiyeed, xogta kaarkaga
cashuuraha, iyo warqadda caddeynta
ogaanshaha cudurada.
Takhtarku wuxuu shahaadada ku
buuxinaya khadka, una gudbina INPS
wuxuuna bixiyaa rasiid ku qoran
lambarka shahaadada.
2. Kadib markaad hesho shahaadada
caafimaadka, waa inaad samaysaa
codsiga dhabta ah. Waxaad ku samayn
kartaa laba hab:
– Khadka tooska ah ee shabakada INPS
si aad u gasho khadka waxaad u baahan
tahay SPID (Nidaamka Aqoonsiga Dijital
ah ee Dadweynaha), CIE (Kaarka
Aqoonsiga Elektarooniga ah 3.0), ama
CNS (Kaarka Adeegyada Qaranka) Riix
halkan si aad u hesho adeega clicca
qui per accedere al servizio
– Iyada oo loo marayo xafiisyada xiriiriya
dawladda iyo dadweynaha (Padronato)
ama ururada aan dawliga ahayn (fiiri
liiska xafiisyada

https://www.jumamap.it/wp-content/uploads/Sportelli-disabilita-
JumaMap-8-aprile-2025.xlsx )

Xasuusnoow : inaad codsiga ku lifaaqi
karto warqadaha caafimaadka ee
takhasusiga.
Fadlan ogow: Shahaadada caafimaadku
waxay shaqaynaysa 90 maalmood si
aad u codsato naafanimada madaniga
ah!
3. Dhammaadka qiimaynta, Guddigu
wuxuu soo saaraa warbixinnada la
xidhiidha naafanimada (naafanimada/
indho la’aanta / maqal la’aanta)
boqolkiiba (naafo) ama xaaladaha indho
la’aanta (qayb ahaan ama guud ahaan)
ama maqal-la’aanta ama shuruudaha
gunnada qofka caawiyaha ah.
Warbixinta naafada (sharci 104/1992)
ayaa qeexaya in ay jirto xaalad
caafimaad culus iyo in kale.

Guddiga ayaa kuu soo diri doono
warbixintaada , laakiin waxaad sidoo
kale kala socon kartaa xataa bogga
INPS.
Fadlan ogow: haddii aadan rumaysan in
qiimaynta warbixinadu ay sax tahay,
waad u gudbisan kartaa ( Dacwo )
racfaan qof qareen ah oo ku doodo.

Takhtarkaagu ayaa soo dira codsi
booqashada guriga aad deggen tahay
laguga imaanaya (xitaa haddii uu ka
duwan yahay kan shahaadada
caafimaadka soo gudbiyay).
Shan maalmood gudahooda ee codsiga,
waxaad heli doontaa ogeysiinta
taariikhda iyo waqtiga booqashada guriga
lagugu soo boqon doono.

Warbixinada qaar waxay saadaaliyaan
dib u eegis waqti ka dib (sanad ka dib,
laba, saddex…). Warbixinta qiimayntu
waxay sheegaysaa in naafadu tahay “dib
u eegis” ama “aan dib loo eegi karin”.
Haddii naafadu ay isbeddesho muddo ka
dib (“dib loo eegi karo”), warbixintu
waxay tilmaami doontaa taariikhda
booqashada cusub ee dhakhtarka
cuduradda guud.
Xaaladahan oo kale , INPS lafteedu
waxay kuugu yeedhaysaa booqasho
cusub. Uma baahnid inaad
dhakhtarkaaga dib ugu noqoto si aad
ugu hesho shahaadada hordhaca ah.
Inta lagu jiro dib u eegista, waxaa lagu
weydiin doonaa waraaqaha caafimaadka
ee cusub, waxaana la soo saari doonaa
warbixin cusub.
Fadlan ogow in warbixinadaadu ay sii jiri
doonaan ilaa qiimaynta cusub la
dhameeystiri doono.

Haddii xaaladaadu ka sii darto waqti ka
dib oo aad ka haysato warqad
wanaagsan uu soo qoray dhakhtar
takhasus leh, waxaad codsan kartaa
qiimayn cusub.
Nidaamku wuxuu la mid yahay kii markii
ugu horeysay la raacay : shahaado
hordhac, codsi, qiimeyn, booqasho.

Nooca taageerida waa kala duwan yihiin
iyadoo ku xiran culeyska xaaladaha
naafo la aqoonsan yahay, laakiin
xaaladaha qaarkood, waxay sidoo kale
ku xiran tahay shuruudo oo kale duwan
(da’da, dakhliga qof soo gala , iwm.)
Marka loo eego naafanimada
(naafanimada madaniga ah, indho
la’aanta madaniga ah, maqal la’aanta,
qofka in uu yahay maqal & arag la’aan)
waxaa la bixiya gunnooyinka
hawlgabka,Jeeg lacageed iyo Gunnada
dadka gar-gaar dhaqaaale u baahan.
Hawlgab: haddii naafanimadaadu tahay
100% tahay oo aad ka weyn tahay 18
sano; ama haddii aad qayb ahaan
indhoole tahay ama indhoole buuxa; waa
in uusan dhaafin dakhli sanadeedka
gaar ku ah (qiyaastii 19,500 euro).
Jeeg lacageed: haddii naafadaadu u
dhexayso 74 iyo 99% oo aad ka weyn
tahay 18 sano iyo haddii dakhligaagu
aanu ka badnayn ku dhawaad 5,400
euro.
Gunnada qof gar-gaar u baahan:
iyadoon lagu eegayn da’da ama
dakhligaga, waxaa lagu siinaya guno
haddii aadan awoodin inaad si
madaxbannaan u socoto ama haddii aad
u baahan tahay gargaar joogto ah.
Waxaa la bixiyaa xitaa haddii aad gebi

Indennità di frequenza: viene concessa ai
minori con invalidità che frequentano la scuola
o centri di riabilitazione.

Per quanto riguarda invece la disabilità (legge
104/1992) se viene riconosciuta la
condizione di gravità sono possibili
varie agevolazioni:
– apre la possibilità di richiedere il sostegno a
scuola se l’interessato è minore;

– consente agevolazioni sul posto di lavoro
(permessi, congedi, scelta della sede esonero
dal lavoro notturno…)

– apre la possibilità di richiedere e ottenere
alcune agevolazioni fiscali (spese sanitarie,
ausili, assistenza, auto).

Il riconoscimento della condizione di gravità
viene tenuto in considerazione dai servizi
sociali dei comuni per attivare specifiche forme
di sostegno e di supporto.

ahaanba indho la’aan tahay.
Gunnada ka mid noqoshada: waxaa la
siiyaa carruurta aan qaan-gaarin ee
naafada ah ee dhigta dugsiga ama
xarumaha baxnaaninta.
Dhanka naafanimada (sharci 104/1992),
haddii xaalada ee culus tahay la

aqoonsado, waa suurtagal in qofka hawl-
fududeyn kala duwan uu heli kara:

– waxay suurtagal noqon karta codsiga
taageerada dugsiga haddii qofka

danaynaya uu yahay mid aan qaan-
gaarin;

– waxa surtagal ah in qofka goobta
shaqadiisa ka codsado (fasaxyo,
maqnaasho , doorashada goobta
shaqada, ka dhaafida shaqada
habeenkii…)
– waxay suurtagelineya codsiga iyo
helitaanka qaar ka mid ah u fududeynta
canshuur dhimis (kharashyada
caafimaadka, qalabka isticmaalka
naafada, gargaar, gadiid ).
Aqoonsiga xaaladda culus uu qofka ku
sugan yahay waxaa tixgaliya adeegyada
bulshada ee degmooyinka si loo fuliyo
qaabab gaar ah oo taageero iyo kaalmo
ku saleysan.

Dukumeentiyada muhiim-ka ah

Tababar: Sida loogu lifaaqo halkan guji
Si aad ugu lifaaqdo warqadaha caafimaadka halkan guji

NABILA è un Help Desk per cittadini migranti con disabilità e vulnerabilità che assicura assistenza socio legale, mediazione linguistica e orientamento ai servizi sul territorio nazionale.

Attraverso la linea telefonica gratuita 800 999 977, NABILA fornisce:

  • Ascolto e supporto da remoto
  • Orientamento ai servizi sul territorio grazie a JUMA MAP
  • Possibilità di richiedere appuntamenti in presenza (nella sede dell’Ufficio Immigrazione di ARCI Nazionale)

Waa maxay JumaMap

JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.

Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.

Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it

Welcome Center

Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:

Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga

Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada

Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga

Taageero dhijitaal ah

Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30

Lambarka bilaashka ah ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)

Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it

Lambarka bilaashka ah ee dadka naafada ah ee socdaalka ah

NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.

Goob dhageysi iyo taageero loo hayo carruurta iyo dhallinyarada socdaalka ah

U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.

Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.