Su'aalaha soo laab-laabtaTakoorka

Takoorku waa hab-dhaqannada si toos ah
ama si dadbanba, u horseeda ka-saarid,
xaddidid ama doorbidid qof ama koox.
Dabeecadahani waxay ku salaysan yihiin
abtirsiinyo, dhalasho, isir la malaynayo, diin,
nooca galmoodka, jinsiga, da’da, muuqaalka
jireed ama heerka naafanimada. Takooriddu
waxay ka hortagtaa ama xaddidaysaa
aqoonsiga iyo ku-dhaqanka xuquuqda
aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee
dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha,
bulshada, dhaqanka iyo dhammaan qaybaha
kale ee nolosha bulshada.
Su’aalahan ee marwalba soo laab-laabta
waxaan ku sharixi doonaa hab sahlan oo la
fahmi karo qaababka ugu weyn ee takoorka
iyo talada la xiriirta sida loo soo tebiyo oo
loola dagaalamo.

Cunsuriyad waa aragti aan sal cilmiyeed aan
lahayn, wayna kala duwan tahay marka loo
eego marxaladaha taariikhiga ah iyo dalka ay
ka jirto, waxaana guud ahaan diidaya
mabda’a ah in bini’aadamka oo dhan ee uu
ku dhashayn xoriyad , xurmo iyo xuquuq,
sida ku cad baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda
Aadanaha (Qod.1). Cunsurinimadu waxay ku
keenta kalsooni darro iyo quudhsi ku
wajahan dadka leh sifooyin muuqaal iyo
dhaqan oo ka duwan dad kale , iyagoo si
khaldan u timaamaya inay yihiin “kuwa ka
hooseeya”.Tani waxay horseedi kartaa
takoorid bulsho, sharaf dhac, dhibaato
maskaxeed iyo mid jireed iyo, xaalado ka
daran , xasuuq ama dil wadareed.

Cunsuriyada iyo nacaybka waa erayo kala
duwan: cunsuriyaddu waxay ku salaysan
tahay xukun anshaxeed oo qofka u arka qofka
“kale” in uu ka hooseeya sababo arrimaha la
xiriira bina’aadanka ama dhaqamadooda ,
taasoo keenta isku dhac u dhexeeya dadka .
Dhanka kale, nacaybka ajaanibku waxa uu ka
dhashaa cabsi aan caqli-gal ahayn oo ay
dadka kale ka qabaan, oo loo arko in ay
khatar ku tahay ammaanka, oo ay ku
dhamaato falal takoor ah.

Midab-takoorka iyo naceybka ajaanibka
labaduba waa ifafaale bulsho, qaab dhismeed,
caadi ah iyo nidaam.
Naceybka Yahuudda, Islaam naceybka iyo
naceybka dadka lo yaqaano Rom iyo Sinti
waa tibaaxo ama erayo gaar ah oo cunsuriyad
ah oo loola dan leeyahay dadka Yuhuudda
ah (Naceybka Yuhuudda), Muslimiinta
(Islamophobia), Rom, Sinti iyo kooxaha
kale ee reer guuraaga ah (anti-Gypsyism).

Ma jiraan “jinsiyado”?

Cunsurinimadu waxay ku salaysan tahay
fikradda ah in ay jiraan ” jinsiyadaha “
aadanaha oo kala duwan, oo leh hidde side
astaamahooda kala duwan. Fikirkani ma laha
sal cilmiyeysan waxaana loo arkaa khalad iyo
dhibaato in ay keynto. Xitaa fikradda ” isir
ahaan ” waa fikrad, maaha xaqiiqo dhab ah.
Fadlan ogow: kuma aadan dhalan cunsuri,
laakiin waxaad ku noqon kartaa in laga
dhadhiciyo iyo saameynta dhaqanka.
macluumaad dheeraad ka daalaco website :
www.amnesty.ch/it/campagne/razzismo/razzismo

Talyaanigu waxa uu leeyahay nidaam sharci
oo ka ilaaliya midab-takoorka iyo takoorka,
oo ku tilmaaman qoddobka 3aad ee
Dastuurka (“Dhammaan muwaadiniinta
waxay leeyihiin sharaf bulsho oo siman,
waxayna u siman yihiin sharciga hortiisa,
iyadoo aan loo kala saarin jinsiga, midabka,
luqadda, diinta, ra’yiga siyaasadeed,
xaaladaha shakhsiyeed iyo bulsho”). Xeerka
Mancino (205/93) iyo qodobbada 604 bis
iyo 604 ter ee Xeerka Ciqaabta ayaa
ciqaabaya dacaayadda cunsuriyadda iyo kicin
nacaybka.
Caalami ahaan, Amarka EU 43/2000 iyo
78/2000 ee UE waxay ilaalinayaan takoorka ku salaysan jinsiyadda, diinta, da’da, iyo
sifooyinka kale. Baaqa Caalamiga ah ee
Xuquuqda Aadanaha iyo Axdiga
Caalamiga ah ee Ka-hortagga Takoorka
jinsiyadeed wuxuu mamnuucayaa dhammaan
noocyada takoorka, iyo Qodobka 21 ee
Axdiga Xuquuqda Asaasiga ah ee Midowga
Yurub wuxuu xoojinayaa mabaadi’daas.

Cunsurinimada hay’aduhu waa nooc ka mid
ah takoorid joogto ah oo ay sameeyaan
hay’adaha dawladda, adeegyada bulshada iyo
caafimaadka, dugsiyada iyo masuuliyiinta
dawladda, iyada oo loo marayo xeerar,
wareegtooyin, hab-dhaqanno iyo caadooyin
duug ah ama caadooyin cusub oo bahdilan
kooxaha bulshada qaarkood. Cunsurinimada
hay’aduhu inta badan way adag tahay in la
aqoonsado.
Cunsuriyada qaab-dhismeedku, si kastaba
ha ahaatee, dib loogama eedeyn karo hay’ado
gaar ah. Kuwani waa xiriiro taariikhi ah iyo
kuwo bulsho oo ku qotoma bulshada kuwaas
oo ka hor istaaga kooxo gaar ah, sida kuwa
asal qaxootiga aha iyo dadka asal ahaan ka
soo jeeda ajnabiga, inay helaan mansabyada
muhiimka ah ee siyaasadda, maamulka iyo
dhaqaalaha.

Ku dhaqanka sharciyada ka hortagga
takoorka macnaheedu maaha in si guul leh
loo dammaanad qaadayo xuquuqaha loo
siman yahay qof kasta oo bulshada ka tirsan.
Dalka Talyaaniga waxaa ka jira ururo iyo
naadiyo kala duwan oo ka shaqeeya ka
hortagga iyo la dagaallanka cunsuriyadda.
Haddii lagugu takooray isir, waxaad la
xidhiidhi kartaa:
• Lunaria – Xafiiska caawinta ka hortagga
cunsuriyadda:
https://www.lunaria.org/sportello-contro-ilrazzismo/
• UNAR – Xafiiska Qaranka ee ka dhanka ah
Takoorka isirka:
https://www.unar.it/portale/segnalare-unadiscriminazione

• ASGI – Ururka Daraasaadka Sharciga
Socdaalka:
https://www.asgi.it/servizioantidiscriminazione/
Helitaanka shaqo:
Heshiisyo caalami ah oo kala duwan iyo
sidoo kale dastuurka Talyaaniga ayaa
dammaanad qaadaya xuquuqda dadka
ajnabiga ah ama dadka asal ahaan ka soo
jeeda ajnabiga. Loo-shaqeeyuhu ma diidi karo
inuu qof ajnabi shaqaaleysiiyo sababtoo ah in
uu yahay ajnabi , mana siin karaan mushahar
hooseya , ama u shaqeeyo saacado dheeri ah ,
iwm.: Adeegsiga arrimaha sare aan ku soo
sheegnay waa inay noqotaa mid loo siman
yahay dhinac kasta.
https://www.asgi.it/servizioantidiscriminazione/accesso-al-lavoro/
Helitaanka guryaha dadweynaha iyo kuwa
si gaar loo leeyahay.

Hoyga ERP (“guryaha dadweynaha”) waxaa
heli kara in ay ku noolaadan dadka Talyaani,
Midowga Yurub iyo muwaadiniinta aan EUda ahayn ee haysta ogolaanshaha joogitaanka
Midowga Yurub ee dalka muddada dheer
deggan ama dadka haysta ugu yaraan
oggolaansho sharci laba sano ah; dadkaan 2da
sanno haysta waa inay sidoo kale muujiyaan
inay si joogto ah u shaqeeyaan ama shaqo
iskood u shaqeystaan.
https://www.asgi.it/servizioantidiscriminazione/alloggi-pubblici-e-privati/

Jinsigu waa u janjeerida in qofka lagu takooro
jinsigiisa, gaar ahaana waxay saamaysaa
haweenka iyo gabdhaha. Waxay ku xidhan
tahay doorarka jinsiga iyo fikradaha khaldan,
waxayna inta badan ku salaysan tahay
aaminsanaanta in hal jinsi (guud ahaan lab)
uu ka sarreeyo kan kale (guud ahaan
dheddigga). Naceybkani wuxuu horseedaa
takoorid una ciqaabaya jinsiga dumarka,
fikradda waxay keyneysa in loo qato inay
ragga ka sarreeyaan dumarka.

Waa hab-dhaqannada, caqiidooyinka iyo
takoorka dadka LGBTQIA+(waa erayo la soo
kob-koobay oo u taagan “Lesbian, Gay,
Bisexual, Transgender, Queer, Intersex,
Asexual”). Homo-lesbian-transphobia waxaa
lagu fulin karaa heerar kala duwan, laga
bilaabo mid ka mid ah hay’adaha iyada oo loo
marayo siyaasado iyo dhaqamo mid shaqsi
iyo mid gaar ah. Homo-lesbian-transphobia
waa marka ay LGBTQIA+ dadku dareemaan
xishoodka xaaladooda, inta badan is-karantiil
iyo ka fogaanshaha cilaaqaadka ama nolosha
shaqada.

Kartidu waa nooc ka mid ah takoorka iyo
nacaybka ka dhanka ah dadka naafada ah oo
ku salaysan qofku in uu isu arko qof “f karti “
leh inuu yahay , dadka kale u arkaa in ay
karti aan lahayn.Waxay isku muujisaa
dabeecadaha, dhaqanka , caadooyin iyo
siyaasado u arka dadka naafada ah inay yihiin
kuwo ka hooseeya, karti yar ama u baahan
gargaar. Firkadda Kartidu ku saleysan ,
waxay keyni karta ka hor istaagid , fikrado
xunxun, awood yari iyo fursadaha xaddidan
ee qaybaha kala duwan ee nolosha, sida
waxbarashada, shaqada, firaaqada iyo ka
qaybgalka bulshada.

Takoorku wuxuu ku baahsan yahay xaaladaha
kala duwan ee bulshada. Tusaale ahaan,
dhibka lagala kuulmo helista guryaha waaweyn ee qolal badan leh , adeegsiga
naaneysyo aan fiicnayen iyo aflagaadada
marka lagu sugan yahay dugsiga, takoorka
shaqada, luminta fursadaha shaqo iyo
diidmada joogtada ah ee codsiyada. Takoorku
wuxuu ka soo muuqan karaa meelo badan oo
la wadaago: gaadiidka dadweynaha,
deegaanada, maqaayadaha, dukaamada,
warbaahinta, dugsiyada, adeegyada
dadweynaha, isbitaallada, saldhigyada
booliiska iyo shabakadaha.

• Hadalada nacaybka ku saleysan : waa
isgaarsiin, hadalo ama dabeecado kicinaya
rabshado, cadaawad, takoorid ama nacayb ka
dhan ah shakhsiyaadka ama kooxaha dad ku
salaysan sifooyin sida isir, qowmiyad, diin,
lab iyo dhedig, nooca galmada, naafanimada
ama calaamooyin kale. Arrimahan aan sare
ku soo sheegnay waxay ka dhici karaan meelo
kala duwan, oo ay ka mid yihiin khudbado
fagaare laga soo jeediyo, qoraallo, boorar,
waraaqo, sawir-gacmeedyo, dukumeenti,
mareegaha internetka, blogs iyo qoraallada
shabakadaha bulshada. Hadalada nacaybka
waxaa ka mid ah caay iyo aflagaado,
hanjabaad, sumcad dil, dacaayad.
• Gacan qaad ama jir dil : weeraradan aan
loo meel dayin waxay ka dhacaan waddada,
gaadiidka dadweynaha, dugsiyada iyo
xaruumaha booliiska. Burbur loo geysta
hantida shaqsiga iyo midda dadweynaha.
• Dhibaateynta maskaxeed/qalbiga : bahdil,
go’doon, cadaadis dhanka shucuurta iyo
xasuusin dhib u keyna qalbigaaga , taasoo
keenta walaac iyo walaac

Qaybaha kala duwan ee midabtakoor waxaa
loola jeedaa habka ay noocyada kala duwan
ee takoorka iyo dulmigu ay isku milmaan
iskuna gudba, taas oo saameynaysa waayaha
shakhsiyaadka iyo kooxaha. Fikradani waxay
aqoonsan tahay in dadku ay la kulmi karaan
takoor isku mar ah oo ku salaysan dhinacyo
badan oo aqoonsigooda ah, sida “qowmiyad”,
lab&Dhedib, dabaqad bulsho, nooca galmada,
naafanimada, da’da, diinta iyo sifooyinka
kale.

La xidhiidh Lambarka bilaashka ah ee Kahortagga Takoorka 800901010https://www.pariopportunita.gov.it/it/numeriutili/800-90-10-10-numero-verdeantidiscriminazione/
La xidhiidh adeega ka hortagga takoorka
ASGI
https://www.asgi.it/servizio/antidiscriminazione/
La tasho liiska, ay daabacday Lunaria, ee
xafiisyada ka hortagga takoorka ee
Talyaaniga oo dhan:
https://www.cronachediordinariorazzismo.org/sportelli-contro-razzismo-e-discriminazioni/ 

kala xiriir Wixii macluumaad dheeraad ah:

A cura di Lunaria

Waa maxay JumaMap

JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.

Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.

Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it

Welcome Center

Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:

Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga

Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada

Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga

Taageero dhijitaal ah

Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30

Lambarka bilaashka ah ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)

Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it

Lambarka bilaashka ah ee dadka naafada ah ee socdaalka ah

NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.

Goob dhageysi iyo taageero loo hayo carruurta iyo dhallinyarada socdaalka ah

U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.

Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.