Hagahan waxa ujeedadiisu tahay in uu bixiyo
macluumaad cad oo kooban ku saabsan tilmaamida
Wax ka beddelka jinsiga (” hagaajinta jinsiga”) ee
dalka Talyaaniga, kuna saabsan xuquuqda dadka
transgender iyo hababka la xiriira, iyadoo laga eegayo
aragti loo dhan yahay oo ixtiraamaysa kala
duwanaanshaha. Hagahan waxa uu tilmaamayaa
Axdiga Istanbuul, kaas oo jinsiga ku qeexaya hab
dhaqan wada socda , sida dabeecadaha, hawlqabadka
iyo sifooyin ay bulshadu qaar ka tirsan u aragto inay
ku habboon yihiin ragga iyo dumarka”. Macluumaadka
ku jira boggan waxaa waa lagu faahfaahiyay bogga.
InfoTrans.
Qof kastaa wuxuu leeyahay aqoonsi ama cabir galmo oo u gaar ah, oo ka kooban qaybo kala duwan: aqoonsiga jinsiga, muujinta jinsiga, jihada galmada iyo galmada nafleyda.
Ahaanshaha transgender-ka ah waa xaalad caadi ah mana aha cudur. Qaar ka mid ah dadka transgender-ka ah, laakiin maaha kuligood , waxay la kulmi karaan xaalad aan raaxo lahayn sida xaalad bulshada laga sooco, oo ay go’aansadaan inay is-beddel ku sameyaan jirkooda si ay u noqdo mid la mid ah sida ay dareemayaan, sida daaweynta hoormoonka iyo / ama qalliimo lagu sameyo.
Fadlan ogow: ereyga transgender ma tilmaamayo soo jiidashada ama jihaynta galmada!
Erayga transgender waxa loola jeedaa dadka la kulma
in la kala saari waayo qofka in u yahay lab ama
dhegdig , kuwaas lagu garto qofka jinsiga uu yahay
oo ka duwan jinsiga loo qoondeeyay dhalashadiisa
(waxaa lagu qeexa” qofka aan la caddeyn karin
jinsigiisa “). Dadaka waxaa lagu tilmaama in yihiin
cisgender, marka ay leeyihiin aqoonsiga jinsiga ee u
dhigma jinsiga loo qoondeeyey dhalashadooda :
tusaale ahaan, qofka dareemaya sida dumar oo kale oo
ku dhashay astaamo jireed oo dumar-nimo.
Dadaka transgender-ka ah xaaladooda waa caadi ah ee
maaha cudur. Qaar ka mid ah dadka transgender-ka ah,
laakiin maaha dhamaantood, waxay la kulmi karaan
xaalad aan raaxo lahayn asalkooda awgeed, oo ay
go’aansadaan inay isbedel ku sameyaan jirkooda si ay
ula qabsadaan dareenkooda, sida daaweynta
hoormoonka iyo/ama qaliinka.
Fadlan ogow: ereyga transgender ma tilmaamayo soo
jiidashada ama jihaynta galmada!
Qaar ka mid ah dadka transgender-ka ah ayaa qaata
Jidka xaqiijinta kala guurka jinsiga ee habka
hoormoonka iyo/ama habka xaqiijinta jinsiga
qalliinka. Tani maaha waddo qasab ah. Intaa waxaa
dheer, geeddi-socodku had iyo jeer isku mid maaha, laakiin waa la habeeyey iyadoo lagu saleynayo
baahiyaha gaarka ah.
Waxaa jira talooyin (Heerarka daryeelka) oo ay soo
jeedisay Ururka Adduunka ee Caafimaadka
transgender-ka (WPATH) iyo tilmaamo cilmiga
sayniska ee caalami ah oo hawlwadeennada daryeelka
caafimaadku u tixraacaan daawaynta hormoonnada.
Inta lagu jiro nidaamka kala-guurka, taageero nafsi ah
oo aan qasab ahayn ayaa la bixiyaa si loo helo
wacyigelin la xiriirta si loo qeexo aqoonsiga jinsiga
qofka u yahay (haddii jaahwareer jiro).
Inta lagu jiro hawsha nidaamka kala-guurka, waxay ku
kala duwan tahay qof ilaa qof, sidoo kale kharashyada,
kuwaas oo ku xiran hababka qurxinta, daawooyinka
iyo kaalmada sharciga.
Qofka doonaya inuu maro baarista caafimaadka ee
xaqiijinta jinsiga wuxuu la xiriiri karaa xarumaha
takhasuska leh. Infotrans.it waxay bixisa liiska
xarumaha daryeelka caafimaadka dadweynaha iyo
kuwa ku xiran Adeegga Caafimaadka Qaranka , ee
jooga Talyaaniga, awoodna u leh bixinta adeeggan: si
aad ula tashato booqo qaybta “Khariidada adeega”.
Hormone therapy waa xaqiijinta qofka lab iyo dheddig
midka uu yahay lana caddeyo midku uu yahay qofka.
Daawaynta Raganimada
Daawaynta hoormoonka raganimada waxay
yaraynaysaa sifooyinka galmada ee dheddigga
waxayna kicisaa kuwa labka ah iyada uu qaadanayo
daawooyinka testosterone. Isbeddelada ugu horreeya
waxay soo baxaan 3-6 bilood ka dib waxaana ka mid
ah joojinta xilliga caadada, hoos u dhigista codka iyo
koritaanka timaha.
Daawaynta De-Masculinization-ka
Daaweyntani waxay yaraynaysaa sifooyinka galmada
ee ragga iyadoo la adeegsanayo daawooyinka
antiandrogen, kuwaas oo xannibaya saamaynta
testosterone. Daawaynta waxay qaadataa dhowr bilood
si loo yareeyo timaha waxaana laga yaabaa inay u
baahato habab kale sida electrolysis.
Daawaynta Dumarka
Daawaynta hoormoonka dheddigga waxay keentaa
sifooyinka galmada ee dumarka iyada oo loo marayo
maamulka estrogen. Estrogens waxay dib u qaybisaa
dufanka jidhka, waxay sameeyaan naasaha oo koraan
iyo, oo ay la socdaan antiandrogens, waxay ka dhigaan
maqaarka mid siman.
Sida laga soo xigtay WPATH iyo tilmaamaha kale,
shuruudaha soo socda waa in la buuxiyaa si loo helo
daaweynta hoormoonka:
● iswaafaq la’aanta jinsiga oo calaamadahayda muuqda oo aan isbeddelin;
● Dadaal lagu bixiyo wargelinta oggolaanshaha
daaweynta;
● Haddii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad oo
jireed iyo/ama maskaxeed oo suurtagal ah inay
dhibaato ku keynaann natiijada daawaynta,
kuwaas waa in la daryeelo;
● Fahamka saamaynta daawaynta hoormoonku
ku leedahay bacriminta iyo ka hadalka
suurtogalnimada ilaalinta bacriminta.
Qaliinada wax ka beddel jinsiga waxay ka kooban
yihiin wax ka beddelka sifooyinka galmada iyada oo
ujeedadu tahay in la waafajiyo muuqaalka jireed ee
qofka aqoonsiga jinsigiisa.
Fadlan ogow: Dalka Talyaaniga waa inaad ka heshaa
ogolaansho ay ka soo baxa xukunka maxkamada
deegaanka (waxaa ka reeban waa qalliinka naasaha
lagu kordhinayo dadka loo qoondeeyay jinsiga lab
markii ay dhasheen).
Wareegtadii Wasiirka ee 03 Noofambar 1989 waxay
kuu ogolaanaysaa inaad codsato 80% magdhowga
hawlgallada qalliinka ee dibadda laga fuliyo marka aan
si degdeg ah looga helin Talyaaniga. Bixinta lacag
celintu waxay ku xidhan tahay go’aanka Maamulka
Caafimaadka Deegaanka (ASL) iyo, haddii ay dhacdo
diidmo, waa lagama maarmaan in rafcaan loo qaado
Maxkamadda .
Haa, nasiib daro, wadamo badan oo aduunka ah, dadka
LGBTQIA+ waxay la kulmaan dhibaatoyin , cadaadis
iyo takoorid, xuquuqdooda lama aqoonsana.
Talyaaniga waxaad xaq u leedahay inaad ka codsato
magangalyada caalamiga ah. Si aad wax badan u
ogaato, . Si aad wax badan ugu ogaato clik-gare
website-kan .
Wixii macluumaad dheeraad ah:
● La xidhiidh lambarka bilaashka ah ee Arci ee
magangelyo doonka iyo qaxootiga:
Wac lambarka bilaashka ah 800 905 570 / +39 351 137
63 35 (Whatsapp/Lycamobyle) Isniinta ilaa Jimcaha,
10 subaxnimo-5 galabnimo ama warqad u soo dir
email- numeroverderifugiati@arci.it
● La tasho khariidadda xafiisyada sharciga ah ee
looga tala galay dadka LGBTQIA+ [liiska
xafiisyada ]
Fadlan ogow: waxaan kugula talineynaa inaad la
xiriirto hay’adaha ilaalinta (ururada, naadiyada ) ka hor
intaadan tagin xafiisyada socdaalka.
Haa. Dalka Talyaaniga, wax ka beddelka
dhukumantigiisa (“sixitaanka diiwaanka”) waa xuquuq
uu aqoonsan yahay sharciga Lr. 164/1982. Dib u
eegista xogta shakhsi ahaaneed waxay kuu
ogolaanaysaa inaad bedesho xogta shakhsi ahaaneed,
sida magaca iyo jinsiga, dukumentiyada rasmiga ah ka
dib kala-guurka jinsiga.
Si wax looga beddelo dukumeentiyada waxaa lagama
maarmaan ah in la soo gudbiyo codsiga dib-u-dejinta
oo ay la socdaan dukumentiyada cilmi-nafsiga iyo
waraaqaha caafimaadka ee Wax ka beddelka ama
hagaajinta jinsiga iyo shahaadada dhalashada.
Dadka transgenderka ah ee qalliinka dibadda ku
sameeyay si kastaba ha ahaatee waxay la heli karaan
hagaajinta dukumeentiyadooda gudaha Talyaaniga
Haddii aad aaminsantahay in lagugu sameeyay takoor
ama dhibaato , waxaad la xidhiidhi kartaa xafiiska
caawinta ka hortagga takoorka. Warbixinadda
cusuriyada ee caadiga ah waxaa jira xafiiyo laga
diwaangeliyo gudaha talyaaniga oo dhan. kuwaas oo
la tacaalaya ka warbixinta iyo ilaalinta dadka la
kulmay takoorid nooc kasta ha ahaatee. Dhab ahaantii,
noocyada takoorka iyo dulmiga ayaa inta badan is dul
saaran.
Per saperne di più:
JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.
Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.
Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it
Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:
Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga
Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga
Taageero dhijitaal ah
Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30
Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)
Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it
NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.
U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.
Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.