Haa. Dalka Talyaaniga, haweenku waxay
codsan karaan joojinta ikhtiyaarka ah ee
uurka ( ilmo iska soo rididda ) 90 ka
maalmood ee ugu horreeya uurka sababo
caafimaad, dhaqaale, bulsho ama qoys.
Laga soo bilaabo 1978-kii faragelintan
waxaa nidaamiyay Sharciga 194/78.
90-ka maalmood ee ugu horreeya, laga
bilaabo maalinta ugu horreysa ee
caadadaada ugu dambeysa, waxaad
go’aansan kartaa inaad joojiso uurka.
Joojintu had iyo jeer waxay ku salaysan
tahay ikhtiyaari, waana bilaash oo lacag
lagu weydin maayo.
Qalabka Natiijada baaritaanka uurka ee
caddeyneya in aad uur leeyahay waxaa ula
tageysa rugta la-talinta qoyska ama
dhakhtarka. (waxaad ka iibsan kartaa
qalabka farmashiye kasta iyo dukaamada
badan sida supermarked-yada ). Waxaad
kala tashan kartaa liiska rugaha
caafimaadka ee bogga internetka ee
Wasaaradda Caafimaadka.
Dabadeed waa in dhakhtarku soo saaraa
dukumenti/Shahaado“documento/certifica
to” caddaynaya rabitaankaaga joojinta
uurka.
Fadlan ogow: Dhakhtar kasta ayaa samayn
kara shahaadadan: dhakhtarka rugta
caafimaadka, dhakhtarka qoyska, ama
dhakhtar kasta oo kale oo aad ku kalsoon
tahay.
Ka dib markaad wareysiga la yeelato
dhakhtarka si u helo xogtaada , waa inaad
sugtaa 7 maalmood ka hor intaadan sii
wadin ilmo iska soo rididda, ilaa ay jiraan
xaalado degdeg ah: Markaas dhakhtarku
isla markiiba wuxuu soo saaraa dukumenti
/shahaado, kaas oo aad isla markiiba la
xidhiidhi karto cusbitaalka si aad ufuliso
hawsha.
Ilmo soo rididda dalka talyaaniga ayaa
sharci ah tan iyo 1978. Iyadoo ay taasi jirto,
farsamada caafimaadka ee ilmo iska soo
xaaqid ee talyaaniga waa ay adagtahay
sababtoo ah dhakhaatiirta haweenka ee
damiirkooda u ka hor imaanayo oo aad u
tiro badan , kuwaso diida inay fuliyaan
farsamadda joojinta ikhtiyaarka ah ee
uurka. Dalka Talyaaniga, takhaatiirta,
suuxiyayaasha iyo kalkaaliyayaasha
caafimaadka , kuwaso diida inay fuliyaan
farsamadda joojinta ikhtiyaarka ah ee
uurka ayaa ka badan 70% wadarta guud.
Rugta caafimaadka “consultorio”, ee joogan
kooxd aqoon kala duwan leh (dhakhtarka
haweenka, shaqaalaha bulshada, cilmi-
nafsiga, umulisada, kalkaalisada) ayaa ah
qaab-dhismeedka kaa caawin kara
shahaado bixinta oo ku siin kara talo. Intaa
waxaa dheer, bukaan-socodyadu waxay
sidoo kale bixiyaan ballan-qaadyo isbitaal-
dhigid ka hor xarunta ku habboon, iyo
talada ka hortagga uurka. Waxaad ka
raadsan kartaa rugta kuugu dhow boggan
intermetka websiteka
https://obiezionerespinta.info/halkaas oo
aad sidoo kale ka heli doonto talooyin qiimo
leh oo lagula xiriiro xaruumaha ka madax
bannaan kuwa damiirka uu diidayo in ay
fuliyaan hawshan aad u baahan tahay.
Haa. Sharciga caalamiga ahi waxa uu
caddaynayaa in go’aannada ku saabsan
qofka jidhkiisa ay tahay in u asaga go’aan
ka gaaro si waafaqsan xuquuqda
madaxbannaanida iyo sharafta xubnihiisa .
.
Ku qasbida qof inuu yeesho uur aan uusan
dooneynin, ama lagu qasbo inay
raadsadaan ilmo iska soo ridid aan
badbaado lahayn, waa xad gudub xuquuqul
insaanka, waxaa ka mid ahaa xuquuqda
asturnaanta, madax-banaanida iyo sidu
doono xubnihiisa ama jirkiisa uu ka yeelo .
Si qof u helo adeega ilmo iska soo
xaaqidku waxa uu ku xiran yahay ilaalinta
iyo ixtiraamka xuquuqda bini’aadanka ee
haweenka, hablaha iyo dadka kale ee qaadi
kara uur, si loo helo cadaalad bulsho iyo
jinsi.
Si aad wax badan uga ogaato, akri
su’aalaha soo noqnoqanaya ee FAQ –
Amnesty International
Ilmo soo rididda waxa la ogol yahay 90 ka
maalmood ee ugu horreeya uurka, taas
oo ay tahay in la xisaabiyo laga bilaabo
maalinta ugu horreysa ee caadada u
dambaysa. Muddadan ka dib, waxay
suurtagal noqon kartaa oo keliya xaaladaha
Waxaa jira laba farsamooyin oo lagu fuliyo
joojinta ikhtiyaarka ah ee uurka. Haddii aad
uurkaad ka yar yahay 49 maalmood (7
toddobaad) , waxaad kala dooran kartaa
nidaamka qalliinka ama kan dawada si aad
iskaga joogisid uurka . Dhakhaatiirta
adeegga IVG waxay qiimeeyn doonaan
jiritaanka wax kasta oo suurto gal ah oo ka
hor imaan kara laba farsamo . Habka
dawooyinka waxa lagu fulin kara dalka
Talyaaniga ilaa toddobaadka toddobaad ee
uu qofka uur leeyahay; habka qalliinka
waxa lagu fulin kara toddobaadka
toddobaad ilaa toddobaadka 14-aad-16aad
(sidaas darteed waxa kale oo loo isticmaali
karaa ilmo iska soo rididda daweynta, ama
ITG).
– habka dawooyinka
Habka dawooyinku wuxuu ku salaysan
yahay qaadashada, 48 saacadood u
dhexeeya, laba daawo: mifepristone
(RU486) iyo prostaglandin (misoprostol ama
gemeprost).
“Kaniinika Ru486” “Pillola Ru486” waa
magaca ganacsiga ee daawada Mifegyne
(Mifeprostone) ee Exelgyne, kaas uu qofka
uu dooro in uu isticmaalo si aan qaliin
loogu sameyn marku doorto joojinta uurka si buuxdana sharciga 194 wuu ogol
yahay .
– habka qalliinka
Habka Ilmo iska soo rididda qalliinka waxay
ka kooban tahay joojinta uurka socda ee
lagu sameeyo hababka qalliinka.
Isbitaalada intooda badan waxaa suurtogal
ah in lagu sameeyo ilmo iska soo ridid
isbitaal maalinle ah, isla maalintaas taasna
uu qofka isbitaalka uu ka baxayo, sida
caada ay tahay dhowr saacadood ka dib
marka la sameeyo qaliinka. Qofka qaliinka
waxaa lagu samayn karaa suuxdin guud
ama mid aan dhameystirnayn , iyadoo la
suuxin ama la suuxiyo. Habka ugu badan
ee la isticmaalo waa waxa loo yaqaan
“hysterosuction – afka ilmo-galeenka ayaa la
fidiyay si loo geliyo tubo loona soo nuugo “,
ama ” aspirazione – xaaqidda uur-ku-jirka
“.
Fadlan ogow: waayo-aragnimada
farsamooyinka joojinta uurka ee ikhtiyaarka
ah way ku kala duwanaan kartaa gobol ilaa
gobol ama xitaa gudaha isla gudaha
gobolka.
Si aad ilmo iska soo xaaqdo waa in ay ku
weheliyaan waalidkaa ama dadka masuulka
ka ah (ama qof kasta oo kale oo awood
waalidnimo fulin karo ) kaas oo ay tahay in
uu kula saxeexo dukumeenti.
Haddii aadan awoodin ama aadan rabin
inaad kala hadasho waalidkaa/masuulkaa-
ga, waxa ugu fudud waa inaad taagto ruq
caafimaad . Rugta caafimaadka waxa aad
waraysi kula yeelan doontaa hawlwadeenka
arrimaha bulshada iyo kuwa cilmu-nafsiga,
kaas oo kula qiimayn doona xalalka
suurtogalka ah ka dib warbixin u qori doona
garsooraha mas’uulka ah ee maxkamadda
dhallinta.
Garsooraha ayaa isna soo saari doona
oggolaansho ilmo soo rididda.
Fadlan ogow: xaalad kasta, qofna looma oggola inuu la xiriiro waalidkaaga adigoon
ogeyn: ha ahaato xarunta la-talinta, ama
garsooraha mas’uulka ah, ama isbitaalka
aad ku sameyn doonto ilmo iska soo
rididda.
Haddii aad tahay muwaadin ajnabi ah oo
sharci degenaansho joogto ah ku leh
Talyaaniga, waxaad heli kartaa daryeel
caafimaad, laakiin waa inaad iska diiwaan
gelisaa Adeegga Caafimaadka Qaranka
“Servizio sanitario nazional”e ( (SSN).
Diiwaangelinta SSN waxay u
oggolaanaysaa helitaanka bilaashka ah IVG
(Joojinta Uurka uu qofka Iskiisa u doorto ).
Haddii aadan haysan sharciyada dalka la
xiriira soo gelidda iyo joogitaanka dalka ,
waxaad codsan kartaa kaarka S.T.P.
(Straniero Temporaneamente Presente)
wuxuuna shaqeynayaa muddo 6 bilood
guddohood ee dalka dhan. . Waxaa bixin
kara kaarka maamulka caafimaadka
deegaanka (ASL) ama Xaruumaha
isbitaalada.
Macluumaadka intaas ka badan , kala tasho
bogga is-dhexgalka soogalootiga.
Waxaa laga yaabaa inay dhacdo in arrinka
ku saabsan IVG, dukumentiyo dheeraad ah
qofka laga codsado si loo ogaado qofka in
uusan da’da yar uusan ahayn : Qofka
dada yar , waxaa laga yaabaa in loo
baahdo in lagu sameeyo baaritaanno
caafimaad, sida raajo Meesha hore ee
cududda oo ka sarreysa gacanta si loo
sameeyo xaqiijin dheeraad ah.
Fadlan ogow: la xariiridda xarumaha
caafimaad uma baahna in lagu wargeliyo
maamulada ama xafiisyadda dawladda
dalaka ka jira.
Talyaanigu waxa uu ogolaaday wax ka
bedel shariciga emendamento (DL Pnrr, art
44) taas oo dhab ahaantii sahlaysa
joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha
doorashada ka soo horjeeda ee adeegyada
la-talinta qoyska.
Wax-ka-beddelku dhab ahaantii wuxuu ka
faa’iido u soo kordinaya in gobollada,
abaabulidda adeegyada rugaha
caafimaadka, ay “isticmaali karaan, iyada
oo aan culeys cusub la saareynin
dhaqaalaha dawladda ,, sidoo kale ku lug
lahaanshaha qaybaha Saddexaad qolyaha
loo yaqaano kuwaas oo khibrad u leh
Taageerada dhalmada”.”
Tani waxay asal ahaan ka dhigan tahay in
ururada loo yaqaana u-ololeeyaha nolosha
(ka-hortagga ilmo soo rididda), sida Pro-Vita
& Famiglia, ay geli karaan dhismayaal ay
haweenku ka fulin karaan habka joojinta
uurka..
Haddii aadan rabin inaad la kulanto iyaga,
si cad u sheeg inaad rabto inaad la
hadasho shaqaalaha caafimaadka
(kaalkaaliyaasha, umulisooyinka iyo
dhakhaatiirta haweenka).
Xasuusnoow in IVG (Joojinta uurka
ikhtiyaarka ah) 90-ka maalmood ee ugu
horreeya gudahooda ay xaq u leedahay: la
xiriir xarunta kuugu dhow:
Macluumaad dheeraad ah
– Kahor, muddada lagu jiro iyo kadib
jooginta uurka : qoraalka
tilmaamaha ah aad ka aqarisan
kartid ee ilmo iska soo riridkaaga
bilaashka ah iyo , warbixinadooda
(Shabakadda internetka ee ku qoran
afka talyaaniga aad ka aqrisan
kartid )
– Diidmada la diiday : Ololaha
(Maaha Mid Ka Yar).
– Liiska xaruumaha caafimaadka
Talyaniga
JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.
Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.
Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it
Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:
Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga
Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga
Taageero dhijitaal ah
Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30
Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)
Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it
NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.
U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.
Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.