Ma u malaynaysaa inaad halis ugu jirto inaad dhibaato ka soo gaarto Gudniinka Fircooniga ah (FGM)? Ma dareentay cadaadis ay qoyskaagu ama bulshadaadu kugu hayaan, mise waxaad ka walwalsan tahay inay kuu qabanqaabiyaan safar aad ku tagto waddankaagii hooyo si ay kuugu qasbaan in lagugu sameyo? Mise shaki badan kama qabtit oo waxaad rabtaa inaad si fiican u fahamto waxa u ku saabsan yahay qodobkaan?
Boggan, waxaad ka heli doontaa jawaabo waxtar leh oo kaa caawinaya inaad aqoonsato xaaladda oo aad ogaato sida loo codsado caawimo.
Haddii adiga – ama qof kuu dhow – aad khatar ku jirtaan ama aad u baahan tihiin caawimo, waxaad soo wici karta 1522, oo ah khadka taleefanka ee ka hortagga rabshadaha: waana bilaash, qarsoodi ah, ammaan ah, waana la heli karaa 24/7, xitaa luqado kala duwan lagu jawaabaya . Xusuusnow, keligaa ma tihid!
Gudniinka Fircooniga ah (FGM) waxaa ka mid ah dhammaan dhaqamada ku lug leh jarista, ka saarista (guud ahaan ama qayb ahaan), ama dhaawaca xubinta taranka dumarka ee dibadda sababo aan caafimaadka la xiriirin.Ma soo kordhiyaan faa’iidooyin caafimaad; taaso liddi ama ka soo horjeeda , waxuu sababi kara dhaawacyo jireed iyo kuwa nafsiyeed oo halis ah.
Gudniinka Fircooniga ah (FGM) wuxuu ka dhigan yahay xadgudub halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo nooc gaar ah oo takoor iyo dhibaatooyin ku salaysan xagga jinsiga , oo lagu dhibaateya malaayiin haween iyo gabdho oo adduunka oo dhan ah ku nool.
Sida laga soo xigtay UNICEF, in ka badan 230 milyan oo gabdho da’ yar iyo haween ayaa maanta la nool cawaaqib xumada ka dhalata gudniinka Fircooniga ah. Sannad kastana, malaayiin gabdho da’ yar ah ayaa halis ugu jira gudniinka. Inta u dhaxaysa 2020 iyo 2030, iyada oo aan wax faragelin ah oo wax ku ool ah la samayn, 68 milyan oo gabdho da’ yar ah ayaa lagu sameyn karaa gudniinka Fircooniga ah 25-ka waddan ee ugu badan.
Dhaqamada gudniinka fircooniga ah ee dumarka ayaa ka jira ugu yaraan 92 waddan oo adduunka ah,ee dhammaan qaaradaha, Laakiin waxay aad ugu badan yihiin Bartamaha Afrika iyo meelo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Aasiya. Dalalka ay ugu badan yihiin waa Soomaaliya, Guinea, Jabuuti, Sierra Leone, Mali, Masar, Suudaan, Eritrea, Burkina Faso, Gambia, Itoobiya, Mauritania, Chad, iyo Indonesia.
Waxay sidoo kale ka jiraan dalal badan oo reer Galbeed ah oo ku dhex jira bulshooyinka shisheeye ama kuwa asal ahaan ka soo jeeda dalalka kale, kuwaas oo ka yimid waddamo dhaqan ahaan ku baahsan.
Haa. In kasta oo dhacdadani ay qarsoon tahay oo ay adag tahay in la cabbiro, waxaa lagu qiyaasaa in qiyaastii 88,500 oo haween ah oo gudniin lagu sameeyay ay hadda ku nool yihiin Talyaaniga, ugu yaraan 8,200 oo ka mid ah waa carruur aan qaan-gaarin (xog: Jaamacadda Milan-Bicocca iyo Jaamacadda Bologna, 2025).
Qaar badan ayaa lagu sameeyay dhaqankan dalalkii ay ka soo jeedeen, laakiin xaaladaha qaarkood sidoo kale Talyaaniga.
Wadamada asalka ahaan ay ka soo jeedan oo ugu badan waa: Masar, Senegal, Nigeria, Burkina Faso, Ivory Coast, Itoobiya, Suudaan, iyo Guinea.
ay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay u kala saartaa afar nooc:
Qayb ama gebi ahaanba ka saarista kintirka iyo faruurta yaryar, iyadoo leh ama aan lahayn faruurta waaweyn.
Feerdin (Duris), jeexitaan, jaritaan, xoqid ama daloolin lagu sameeyo xubnaha taranka.
ay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay u kala saartaa afar nooc:
Qayb ama gebi ahaanba ka saarista kintirka iyo faruurta yaryar, iyadoo leh ama aan lahayn faruurta waaweyn.
Feerdin (Duris), jeexitaan, jaritaan, xoqid ama daloolin lagu sameeyo xubnaha taranka.
Dib-u-hagaajin, tolida faruuryaha ka dib dhalmada, sidoo kale waa wax caadi ah: dhaqankan waxaa sidoo kale ah mamnuuc oo sharciga ma oggola
Gudniinka fircooniga ah wuxuu sababi karaa dhaawac jireed iyo mid nafsiyeed oo daran, muddo gaaban iyo waqti dheerba.
Dhibaatooyinka degdegga ah: xanuun daran, dhiigbax, caabuqyo, xanuuno infekshanada, teetano,qofku kaadida ka imaan weydo, , kaadi hayn, nabaro ku dhaca xubinta taranka dumarka , kaadi mareenka, ama unugyada ku xeeran, khatarta dhimashada.
Dhibaatooyinka muddada dheer: xanuun daba dheeraada, caabuqyo soo noqnoqda, buro, nabarro, dhibaatooyin caadada ah, dhibato xagga galmada, dhibaatooyinka xilliga uurka iyo dhalmada, khatarta sii kordheysa ee gudbinta HIV.
Gudniinku wuxuu u baahan karaa qalliin lagu “furo” xubinta taranka dumarka ka hor galmada iyo dhalmada, taasoo khataro waaweyn u keeni karta hooyada iyo ilmaha.
Dhaawac nafsiyeed: dhaawac nafsiyeed, walaac, niyad jab.
Sababaha way kala duwan yihiin , laakiin guud ahaan waxay u qaybsan yihiin shan qaybood:
Xadgudub halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Waxaad xaq u leedahay sharafta jirkaaga, mana jirto cid kugu qasbi karta si lagugu dhibaateeyo sabab kasta ha ahaatee.
Maya! Diin ma jirto lagu sheegay Gudniinka Fircooniga. In kasta oo dadka qaar ay si khaldan u sheegan karaan in Gudniinka Fircooniga uu qayb ka yahay diintooda, haddana waa muhiim inaad ogaato in diinta aysan lagu sheegin. Waad diidi kartaa inaad gudniinka Fircooniga lagugu sameyo adigoon ku xadguudbeynin diintaada.
Haa, Gudniinka Fircooniga waa mamnuuc dalal badan oo adduunka ah, oo ay ka mid yahay Talyaaniga, halkaas oo Sharciga Lambarka 7/2006 uu mamnuucayo laguna muteysanayo ciqaabayo:
Ciqaabaha waxaa ka mid ah xabsi iyo xaalado sii xumeynaya haddii qofka ku lug leh uu yahay caruur aan qaan-gaarin
Haa. Sida laga soo xigtay UNHCR iyo Tilmaamaha Talyaaniga, qof kasta oo la kulmay ama halis ugu jira in lagu sameeyo gudniin fircooniga wuxuu xaq u leeyahay ilaalin caalami ah, sababtoo ah gudniinku waxaa loo aqoonsan yahay nooc halis ah oo cadaadis iyo rabshado ku salaysan xagga jinsiga.
Gudniinku wuxuu ku xadgudbaa xuquuqda aasaasiga ah sida sharafta jirka, caafimaadka, xorriyadda, badbaadada shakhsi ahaaneed, iyo xuquuqda xorriyadda ka baxsan dhaqanka aadanaha. Sababtan awgeed, waxaa heli karta aqoonsi qaxootinimo haddii aadan ilaalin ka heli karin waddanka aad ka timid gudniinta.
Khatartu waxay ku khuseyn kartaa adiga ama gabadhaada: xaaladahan oo kale waalidku wuxuu sidoo kale heli karaa in la badbadiyo. Xitaa kuwa horey lagu sameeyay gudniinka gabdhaha ayaa wali xaq u yeelan kara ilaalin, maadaama dhaqanku uu yeelan karo khataro mustaqbalka ah (dib-u-habayn, cadaadis, rabshado) iyo cawaaqib xumo joogto ah.
Haddii aad u baahan tahay caawimaad codsashada ilaalinta ama aad bilowdo codsi magangelyo, waxaad la xiriiri kartaa Lambarka Khadka Toll-Free ee Arci ee loogu talagalay Magangelyo-doonka iyo Qaxootiga (800 905 570 / WhatsApp +39 3511376335), ama la xiriir Xarumaha Ka-hortagga Rabshadaha ama ururada gaarka ah (fiiri su’aasha xigta).
Haddii aad ka shakisan tahay in qof uu isku dayayo inuu ku geeyo waddanka aad ka soo jeedo si aad u marto nidaamka, isla markiiba raadso caawimo! Haddii aad isku aragto xaalad khatar ah, waxaad codsan kartaa magangelyo waxaadna xaq u leedahay in lagu dhageysto. Qofna kuma qasbi karo inaad marto Gudniinka Fircooniga ah. Haddii ay jirto khatar degdeg ah oo dhibaato ku keeni karto ama in lagu qasbo inaad meel tagto, wac lambarka gurmadka degdegga ah ee 112.
Haa. Haddii aad u malaynayso in adiga ama qof kuu dhow uu halis ku jiro, waxaad:
Lambarka wuxuu shaqeeya Isniinta ilaa Jimcaha, 8:00 subaxnimo – 14:00 galabnimo iyo 15:00 galabnimo – 20:00 fiidnimo.
• Xarumaha ka hortagga rabshadaha: La xiriir xarunta kuugu dhow si aad u hesho caawimo.
Boggan, waxaad ka heli doontaa macluumaad ku qoran 19 luqadood iyo khariidad xarumo
ka hortagga rabshadaha oo ku baahsan waddanka Talyaaniga guud ahaan: https://www.jumamap.it/it/violenza-di-genere/
• Karabiniyeri/boolis: Haddii ay jirto khatar degdeg ah oo dhib kugu dhiici karo ama in lagu qasbo inaad meel aad aado , wac lambarka gurmadka degdegga ah ee 112. Waa bilaash waana la heli karaa 24/7.
Wixii macluumaad dheeraad ah:
Linee guida e materiali utili per operatori/trici:
JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.
Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.
Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it
Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:
Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga
Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga
Taageero dhijitaal ah
Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30
Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)
Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it
NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.
U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.
Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.