Imaatinka Talyaaniga Sabab Shaqo

Share on facebook
Share on twitter
Share on linkedin
Share on telegram

Tirada dadka ajnabiga ah ee loo ogolaado
Talyaaniga haa’yad ama shaqsi u shaqeeya (oo ay
ku jiraan shaqo xilliyeedka ) ama shaqaale iskood u
shaqeysta ayaa lagu qeexay “kootada gelitaanka”
ee lagu aasaasay wareegtada qulqulka, taas oo
go’aamisa tirada ugu badan ee ajnabiga ah ee ka
socda wadamada saddexaad ee soo geli kara
Talyaaniga shaqo awgeed. Siduu sharcigu dhigaya,
waxaa suurtagal ah in sabab shaqo lagu imaan
karo xitaa hab ka baxsan kootada gelitaanka.

Dal-ku-galka noocaan ah waxa codsan karaa dadka
haysta dhalashada mid ka mid ah dalalka lagu
tilmaamo sannad kasta Degreetada Madaxtooyada
ee Golaha Wasiirrada (DPCM) kaas oo jadwaleeya
socodka gelitaanka shaqada xilliyeedka oo keliya
qaybaha dalxiiska-hoteelada iyo beeraha: marka
ogolaanshaha shaqada soo baxda , shaqaalaha
ajnabiga ah waxay soomgeli karaan Talyaaniga oo
ay bilaawi karaan codsigooda ogolaanshaha
joogitaanka shaqada xilliyeedka.

Dalku-galka iskaa-u-shaqeysiga wuxuu u
oggolaanayaa inay galaan Talyaaniga ajaanibka
doonaya inay qabtaan hawlo shaqo oo xirfad leh
isla markaan uu shaqadiisa uusan hoos iman
haa’yad ama shaqsi. Si aad u hesho fiisada nuucan
ah , waxa suurtagal ah in lagu tixgeliyo kootada
DPCM ee barnaamijka gelitaanka ama qulqulka
soo galootiga , ama ka baxsan habkaan , xitaa
haddii suurtogalnimada dambe ay aad u xaddidan
tahay ficil ahaan. Intaa waxaa dheer, waxaa lagama
maarmaan ah in la muujiyo inaad haysato
dhaqaale kugu filan, hawsha aad damacsan tahay
inaad qabato waa inaan noqon shaqo sharcigu u
fasaxaya kaliya in ay qabtaan muwaadiniinta
Talyaaniga ama muwaadiniinta Midowga Yurub.

Queste FAQ sono parte del Vademecum “Benvenute e benvenuti in Italia” realizzato nell’ambito del progetto Before U Go

Asilo e immigrazione

Joogitaanka Talyaaniga

Waa maxay sharciga degenaanshada? Waa dukumeenti ay soo saareen mas’uuliyiinta Talyaanigu oo siinaya qofka ajnabiga ah xaqadeggenaanshaha dhulka Dawladda. Muddada ushaqeynaayo wuu kala duwaan karaa

 336 Visite totali,  7 visite odierne

Continua a leggere »
benvenuti Italia
Asilo e immigrazione

Imaatinka Talyaaniga

Waa maxay Fiisaha? Waa maxay Fiisaha?Fiisaha waa oggolaansho, oo ay bixisoQunsuliyadda ama Wakiil Diblomaasiyadeed ooawood u leh, kaas oo u oggolaanaya dadkaajnabiga ah inay soo

 306 Visite totali,  3 visite odierne

Continua a leggere »