KU SOO DHAWAADA ISKUULKA TALYAANIGA
Waxaan kugu soo dhaweyneynaa dugsiga Talyaaniga!
Dalka Talyaaniga waxa ku waajib ah dhammaan carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 jir in ay isu- diiwaangeliyaan dugsiga. Dhammaan ardayda, xataa kuwa naafada ah, waa in ay iska diiwaan geliyaan dugsiga.
Waxaan idin kula talineynaa inaad heshaan macluumaad ku saabsan goobta dugsiga idinku dhow, iyadoo ku xiran fasalka dugsiga ee caruutada dhigato si waafaqsan nidaamka dugsiyada Talyaaniga, sida lagu qeexay shaxda hoose.
Macluumaad faahfaahsan sidoo kale waxaa laga heli karaa:
https://cercalatuascuola.istruzione.it/cercalatuascuola/
Barnaamijka Scuola in Chiaro wuxuu kuu oggolaanayaa inaad:
· aad ka raadsatid dugsi ama xarun tababar xirfadeed waddanka guud ahaan;
· In aad ogaatid dhammaan macluumaadka laga heli karo dugsiyada nooc kasta iyo heerar kasta iyo xarumaha tababarka xirfadeed ee aad dooneysid;
· Is barbar dhig tababarka ay bixiyaan dugsiyada iyo xarumaha tababarka ee la doortay;
· si toos ah u gal adeegyada qaarkood ee la xidhiidha raadinta dugsiyada sida, tusaale ahaan, “diiwaangelinta khadka tooska ah”. Saldhigga macluumdka ee quudiya codsiga waxay u ka kooban tahay xog horay ugu jirtay nidaamka macluumaadka MI (si joogto ah loo cusboonaysiiyay) iyo macluumaadka uu dugsi kastaa geliya iyado loo marayo hawlaha laga heli karo bogga SIDI.
Waxaa si toos ah looga heli karaa Scuola in Chiaro bogga hoyga ee
MI https://www.miur.gov.it/.

Astaanta kowaad ee qalabka weyneynta waxay kuu ogolaanaysaa inaad dugsiga ka raadiso magaca machadyada ama nooca fasalka iyo magaalada
Astaanta Labaad Raadinta GOOBTA waxaa lagama maarmaan ah in la galo cinwaan, ka dibna dooro masaafada (RAGGIO) 1KM, 2KM iwm, iyo nooca waxbarashada: Dugsiga barbaarinta, dugsiga hoose iwm. Markaa waxaad dooran kartaa haddii aad rabto dugsiyada dawladda kaliya ama dugsiyada madaxa banaan ama labadaba, oo ugu dambeyntii guji View Map haddii aad rabto inaad ka aragto khariidadda uu dugsigu ku yaalo ama aad aragto Liiska
Astaanta Saddaxaad waa raadinta horumarsan waxayna kuu ogolaaneysaa inaad ka baarto liiska dugsiyada gobol ahaan, gobol, degmo, nooca dugsi, iwm.
ISKUULKA TALYAANIGA
• • •
• •
Xanaanada ilaa 3 sano
Xanaanada laga bilaabo 3 ilaa 6 sano Dugsiga hoose laga bilaabo 6 ilaa 11
sano
Dugsiga sare ee derejada 1aad laga
bilaabo 11 ilaa 14
Dugsiga sare ee derejada labaad ee da’da 14 sano inta ka sareysa
Dukumentiyada DIIWAANGELINTA
Si ay caruurtooda dugsiga ugu diiwangeliyaan, waalidku waa inuu buuxiyaa foomka u bixiyo xoghaynta dugsigu.
Haddii waalidku hore u haystay dukumeentiyada soo socda, wuxuu u geyn karaa xoghaynta:
✔ shahaadada dhalashada ✔ shahaadada tallaalka
✔ dukumeenti caddeyn dugsiga uu ka dhigan jiray wadankii uu asal ahaan ka soo jeedo
Maqnaanshaha dukumeentigan, waalidku wuxuu iskii u caddaynayaa taariikhda dhalashada ardayga, fasalka uu ilmuhu ka soo qayb galay waddankii uu asal ahaan ka soo jeeday iyo dhammaan macluumaadka kale ee loo baahan yahay.
Waqtiga diiwaangelinta foomamka waxaa loo buuxiyaa habkaan
✔ doorashada nooca dugsiga
✔ doorashada in uu ardayda ka qayb galo
iyo in uusan dooneyn in uu ka qayb galo duruusta diinta kirishtaanka
Waxaad ku qori kartaa carruurtaada dugsiga wakhti kasta oo sanadka ah xitaa haddii hawlaha dugsigu ay bilaameen. Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay iskuul ka dhigtaan Talyaaniga xitaa haddii aysan loo hoggaansamin sharciyada joogitaanka dalka iyo tallaalka.
Xanaanada iyo dugsiyadda xanaanada maadaama aysan ahayn dugsi qasab ah, tallaalada kahortaga ah ayaa lagama maarmaan u ah.
DUGSIGA TALYAANIGA – SAACADDAHA IYO INTA JEER LA DHIGANAYO –
Dugsiyada waxa la dhigana ilaa 9 bilood. Waxuu bilaawda bartamaha Sebtembar waxaana ka xiraa bartamaha Juunyo. Xanaanada iyo dugsiyadda xanaanada waxay furan yihiin ilaa dhamaadka bisha June.
Waxaa jira laba xilli oo fasax ah oo dhammaan dugsiyada ah ka siman yihiin: qiyaastii laba toddobaad, qiyaastii toddobaad ee Christmas-ka, iyo Easter (sanadkan laga bilaabo 14 ilaa 19 Abriil).
Maalmaha fasaxada kale waxa lo qaybiyaa sannad dugsiyeedka oo dhan waxayna ku xidhan tahay go’aamada dugsi kasta u gaarka ah. Dugsigu wuxuu kuu sheegi doonaa jadwalka dugsigiisa.
Hawlaha dugsigu waxay badanaa la fuliyaa subaxdii, laakiin xaaladaha qaarkood waxay sii socdaan galabti. Wakhtiga gelitaanka iyo ka bixitaanka way kala duwan yihiin iyadoo loo eegayo darajada dugsiga, qaabka uu doorto waalidka iyo maamulka dugsiga .
Weydii dugsiga wakhtiga la filayo in ay ilmahaaga tagayaan dugsiga. Maqnaanshaha ardayda waa in had iyo jeer ay caddeeyaan waalidka ama cid kasta mas’uul ka ah.
BARASHADA DIINTA KiRISTAAANKA AMA DOORASHADA KALE
Waxbaridda diinta Kiristaanka ayaa la bixiyaa hal ama laba saacadood isbuuci , iyadoo ku xidhan derajada dugsiga.
Waqtiga diiwaangelinta, waalidiintu waa inay caddeeyaan haddii ay doortaan
✔ Waxbarashada Katooliga in ay ogol yihiin ✔ Waxbarashada Katooliga in aysan ogolayn
QADADA DUGSIGA IYO GAADIIDKA
Marka hawlaha waxbarashadu ay sii socdaan galabtii, ardayda waxay ku leeyihiin qadada dugsiyada dhexdooda. Waalidiintu waxay bixiyaan iyadoo loo eegayo dakhliga qoyska khidmad ka duwan si ay u cunaan qadada caruurtooda.
Waa suurtogal in la codsado cunto gaar ah sababo caafimaad ama sababo diimeed.
Si aad isu diiwaan geliso cuntada dugsiga, inta badan, waa in codsi loo gudbiyaa maamulka degmada aad degan tahay, iyada oo loo marayo dugsiga.
* Wixii su’aalo ama dhibaatooyin kale ah, fadlan la xiriir xafiiska dugsiga.
ILMAHAAGU /HADII UUSAN AQOONIN TALYAANIGA
Haddi ilmahaagu aanu aqoon luqada talyaaniga, dugsigu waxa uu qabanqaabin doonaa hawlo barista afka iyo qoraalka ah; Mashaariicda waxaa loo fulin doonaa si gaar ah ama koox yar. Si loo gaaro hadafkan, dugsiyadu waxay isticmaali doonaan macalimiintooda iyo dhammaan agabka laga heli karo waddanka.
KULAMADA WAALIDKA IYO MACALIMINTA
Macallimiintu waxay si xilliyo ah ula kulmaan waalidiinta si ay ugala hadlaan jadwalka fasalka, carruurtooda, dhibaatooyinkooda iyo horumarkooda. Waqtiyadan la kulanka waa mid aad muhiim u ah sababtoo ah dugsiga iyo qoyska ayaa sidoo kale iska kaashan kara ujeedada ka qayb qaadashada wanaagsan iyo ka mid noqoshada xaaladan cusub.
Macallin kastaa wuxuu u sheegaa waalidka maalinta iyo wakhtiga ay la kulmi karaan. Waalidiintu waxay kaloo waydiisan karaan waraysi ay la yeeshaan macalimiinta.
QIIMEYNTA
Sanad dugsiyeed kasta waxa loo qaybiyaa xilli 3 bilood ah ama afar bilood ah.
Dhammaadka xilliyadda 3 biloodka ama afar biloodka macalimiintu waxay sameeyaan qiimaynta natiijada tacliimeed ee ardayda waxayna diyaariyaan “dokumentiga qiimaynta” kaas oo la gaarsiiyo waalidiinta. Qiimaynta waxaa lagu muujiyay warbixin waxbarashadda ardayga ee dugsiga hoose iyo tobnaadyada oo leh buundooyinka 1 ilaa 10 ee dugsiyada derajoyinka 1aad iyo 2aad.
XANAANADA IYO DUGSIYADDA XANAANADA
Dalka talyaaniga, xaadirinta caruurta ee xanaanada iyo dugsiyada xanaanada maaha qasab. Xaaladaha qaarkood waxaa lagu talinayaa in si tartiib tartiib ah ugu qayb galan, iyadoo la dhimay saacadaha ugu horreeya. Madama usan ahayn dugsi qasab ah ma jiraan waqti xaddidan u gaar ah. Waxaa suurtogal ah in lagu bilaabo waqtiyo kala duwan subaxdii oo si tartiib tartiib ah loo gaaro 40 saacadood toddobaadkii. Maadaama tiaabadan ay si xoog leh u saameeyaan dabeecadaha ilmaha, waxaa habboon in lala wadaago macallimiinta hababka ugu qayb galayaan dugsiga.
DUGSIGA HOOSE
Dugsiyo badan waalidiintu waxay kala dooran karaan saacado kala duwan iyo habka u shaqeyo dugsiga::
✔ Fasalka ” waqti buuxa” “: 40 saacadood todobaadle ah (badanaa laga bilaabo Isniinta ilaa Jimcaha (tusaale ahaan 8 ilaa 16 – saacadood iyadoo ku xiran isla dugsiga), iyada oo ay suurtogal tahay in ardayda ka cunaan qadada dugsiga ee wax ka dhiganayaan.
✔ fasalka “waqtiga caadiga ah”: 24, 27 ama 30 saacadood todobaadle ah. Xaaladdan oo leh tiro doorsooma oo xilliyada galabnimo oo ku xiran maamulka dugsiga. Maadooyinka la baranaya waa: Luuqadda Talyaaniga, Xisaabta, Sayniska, Taariikhda, Juquraafiga, Tignoolajiyada iyo Computarka, Ingiriisiga, Farshaxanka iyo Sawirka, Cilmiga Jimicsiga, Waxbarashada Muusiga, Diinta (ama maaddo kale))
* Weydii macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay.
DUGSIGA SARE EE DERAJADA KOOWAAD
Dugsiga sare ee derajada kowaad waxa uu bixiyaa 30 saacadood totobaad-ki.Dugsiga qaar waxa suurto gal ah wakhti dheer oo durusta la qaadan karo ilaa 36/40 saacadood totobaad-ki oo galabtii dugsiga lagu soo laabto.
Dugsiga sare ee derajada kowaad Nella maadooyinka loogu tala galay waa: Talyaani, taariikhda, juqraafiga; Xisaabta iyo sayniska; Farsamada; Ingiriisi; Luuqadda labaad ee bulshada; Fanka iyo sawirka; Waxbarashada jirka iyo ciyaaraha; Muusiga, Diinta Katooliga (ama mawduuc kale).
2 saacadood ee luqadda bulshada labaad ee ardayda ajnabiga ah ee dhawaan timid waxaa suurtogal ah in loogu beddelo baridda luqadda Talyaaniga si kor loogu qaado.
Kadib dugsiga sare ee derajada 1°aad, ardayda waa inay dhigtaan ugu yaraan 2 sano oo ah dugsiga sare ee derajada 2aad ama koorsooyin xirfadeed.
* Weydiiya macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay.
DUGSIGA SARE EE DERAJADA LABAAD
Dugsiyada sare ee derajada 2aad waxay u qaybsan yihiin machad xirfadeed, machadyo farsamo iyo dugsiyo sare. Dugsiyada noocaan ah, koorsooyin gaar ah ayaa lagu dooran karaa, taas oo ah, koorsooyin qoto dheereeya culuumta qaarkood, oo ku xiran qaybaha ardayga si weyn u xiisaya. Machadyada xirfadaha waxaa lagu gartaa xiriir dhow oo lala yeesho adduunka shaqada iyo wadooyin kor u qaada maaddooyinka waxbarasho ee la taaban karo , halka farsamayaqaannada iyo dugsiyada sare ay aad ugu jihaysan yihiin aqoonta aragtida, in kasta oo farsamayaqaannadu ay bixiyaan waxbarasho hab shaybaar oo gaar.
* Weydiiya macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay.
Marka laga reebo fasaxyada qaranka, ee dadweynaha ka wada siman yihiin , runtii, gobollada go’aanadooda gaarka ah ayaa sannad walba go’aamiya bilowga iyo dhammaadka hawlaha waxbarashada, maalmo la maqnan karo iyo fasaxyada kale. Jadwalka gobolka oo la daabacay: