Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.
Su’aalaha Badiya La Weydiiyo – Habka Xuduudaha ee la Dedejiyay
3 Marxaladood:
- Muujinta ujeeddada lagu codsanayo ilaalinta ama magangalyo caalamiga ah
Waad sheegi kartaa ujeeddadaada ah inaad codsato magangalyo caalami ah waqti kasta. Laga bilaabo Juun 12, 2026, ilaa Oktoobar 31, 2026, Xarunta Booliska iyo Xafiisyada Booliska Xuduudaha ayaa mas’uul ka ah in ay helaan ama soo gaarsisid codsigaaga.
- Diiwaangelinta codsiga
Muddo 5 maalmood gudahood ah marka aad muujiso rabitaankaaga inaad codsato ilaalin/magangalyadda caalami ah, codsigaaga waa in la diiwaan geliyaa. Marxaladdan, aqoonsigaaga sawirka leh waxaa la gelin doonaa nidaamka Eurodac waxaana lagu siin doonaa dukumenti shaqsiyeed oo ka kooban lambar aqoonsi oo gaar ah iyo taariikhda diiwaangelinta.
- Qaabaynta codsiga
5 maalmood gudahood marka la diiwaan geliyo, codsigaagu waa inuu rasmi noqdaa. Waa inaad ururisaa dhammaan dukumentiyada lagama maarmaanka ah si aad u taageerto codsigaaga ilaalinta/magangalyadda caalamiga ah, haddii ay khuseyso. Marka la rasmiyeeyo, waxaa lagu siin doonaa dukumeenti (oo hore u ahaa ruqsad degenaansho oo warqad ah oo magangalyo ah).
DIGNIIN
- Dhammaan codsiyada la soo gudbiyay laga bilaabo 12 Juun 2026 ilaa 31 Oktoobar 2026, CODSIGA ILAALIN/MAGANGALYADDA CAALAMI AH WAXAA LOO TIXGELINAYA SI RASMI IN LOO DHAMESTIRAY WAKHTIGA DIIWAANGELINTA!!
- HADDII AAD KU GUULDARAYSO INAAD TAGTO BALLAN QAADASHADA QORAALKA AH OO AAD HESHAY , CODSIGAAGA ILAALIYADDA/MAGANYGELYADDA CAALAMIGA AH WAA LALA NOQON DOONAA. HUBI INAAD MAR WALBA HELI KARTID SI AAD U HESHO DHAMMAAN XIRIIRADA KU SAABSAN CODSIGAAGA ILAALIYADDA/MAGANGALYADDA CAALAMIGA AH. HADDI CODSIGAAGA LAGA NOQDO OO AAD GO’AANSATO INAAD SOO GUDBISO CODSI CUSUB, WAXAA LAGA YAABA IN LAGU DHAWAAQO MID AAN DIB LOO FURI KARIN OO AAN DIB U EEGID LAGU SAMEYN KARIN
Waxaa Muhiim ah:
⮚ Inta lagu jiro habka baaritaanka, kaas oo aad isla markiiba imaan doonto, waxaa muhiim ah inaad sheegto dhammaan baahiyahaaga caafimaad iyo shuruudaha gaarka ah si aad u hesho ilaalinta la bixiyay haddii ay dhacdo nuglaanta (uurka, dhibanayaasha ka ganacsiga dadka, dhibanayaasha rabshadaha jinsiga ku salaysan, naafonimada jirka iyo/ama maskaxda, iwm.).
⮚ Inta lagu jiro nidaamka xuduudaha oo dhan, sharcigu wuxuu kuu arkaa inaad tahay qof aan ogolaansho ka haysan waddanka mana awoodi doontid inaad ka baxdo aagga qaabilaadda ee lagu qoondeeyay (waa qaanuun sharici ah oo kala soocaya joogiaanka jireed ee qofka ee wadan iyo ogolaashaha sharciga ah )
⮚ Inta lagu jiro nidaamka, waxaa laguu oggolaan doonaa inaad degto xarunta soo dhawaynta ee laguu xilsaaray. Waxaad ka heli doontaa go’aan ka yimid Wakiilka Dawladda ee heer Gobolka iyo Hay’adda amniga dadweynaha oo arrintan khuseeya, kaas oo tilmaamaya waajibaadkaaga. Waa inaad u hoggaansanata xeerarka xarunta xaalad kasta.
⮚ Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa in lagu hayo xuduudda/xarun loo diyaariyey in lagu hayo ama lagu xanibo qofka.
⮚ Habka xuduudda wuxuu socon karaa ugu badnaan 12 toddobaad laga bilaabo taariikhda diiwaangelinta codsiga.
⮚ 12-ka toddobaad waxaa ka mid ah: rasmiyeynta, dhageysiga iyo go’aanka Guddiga Qiimeeynta ee go’aamisa codsiyada magangalyadda , racfaan suurtagal ah iyo go’aanka ku saabsan mudnaanta iyo joojinta.
⮚ Haddii habka xuduudaha aan la dhammaystirin 12 toddobaad gudahood, waxaad gelaysaa nidaamka caadiga ah waxaadna xaq u leedahay inaad gasho dhulka qaranka.
⮚ Haddii aad rabto inaad racfaan ka qaadato go’aanka Guddiga Qiimeeynta ee go’aamisa codsiyada magangalyadda waa inaad sidaas sameysaa 5 maalmood gudahood marka la ogeysiiyo. Rafcaanku si toos ah uma hakinayo waxtarka go’aanka la isku haysto. Sidaa darteed, haddii aad heshay diidmo oo aad racfaan gudbiso, qareenkaagu waa inuu sidoo kale codsadaa in la joojiyo go’aanka diidmada ah, haddii kale weli waa lagu masaafurin karaa.
⮚ Habka dib u celinta qaxootiga waa in la fuliya 12 toddobaad gudahood marka Guddiga Qiimeeynta ee go’aamisa codsiyada magangalyadda ku wargeliyo natiijada diidmo ah ama laga bilaabo ogeysiiska diidmada Maxkamadda ee racfaanka.
⮚ Haddii habka dib u celinta aan la fulin 12 toddobaad gudahood, waxaad heli doontaa amar ah masaafurinta.


