SPID: maxaa loogu talagalay, cidda codsan karta iyo sida

spid

 SPID  waa Nidaamka Aqoonsiga Dijital ah ee Dadweynaha kaas oo kuu ogolaanaya inaad gasho adeegyada internetka ee xafiisyada dawladda iyo xafiisyaha gaarka loo leeyahay , oo wata labo aqoonsi (username iyo password)  uu shakhsi uu leeyahay.  Waxa loo isticmaali karaa qalab kasta loogu tala galay  si fudud oo ammaan ah sida : kombiyuutar, tablet-ka iyo smartphone, mar kasta aad dul taagan tagay goobta ama app-ka  adeegga  khadka  , badhanka “Enter with SPID”.

Yaa codsan kara
  • Dadka waaweyn ee haysta dukumeenti aqoonsi Talyaani oo shaqeynaya  iyo kaarka caafimaadka ama kaarka canshuurta, degana Talyaaniga ama dibadda
  • Muwaaddiniinta ajnabiga ah ee haysta sharciga deganaanshaha iyo deganaanshaha Talyaaniga 
Goobaha lacag la’aan ku bixiya SPID

Si aad u hesho ogolaashaha SPID waa inaad la xiriirtaa mid ka mid ah mas’uuulka  aqoonsiga dhijitaalka ah ee lacag la’aan ah ee ay awood siiso AgID kuwaas oo ah kuwan soo socda:

 

  • TIM id
  • SpidItalia
  • Sielte id
  • Poste ID
  • Namirial ID
  • LepIDa
  • Intesa ID

Shirkadee  ayaan  doorta ? Shahaadooyinka SPID la soo saaray dhamaantood waa isku mid, markaa waa ku filan in si fudud loo garto qofka kuu ogolaanaya inaad dhamaystirto nidaamka diiwaangelinta hab aad u  macquul ah, iyada oo lagu saleynayo aqoontooda ama khibradooda maamulayaasha kala duwan. Marka loo eego baahiyahaaga, waxaad kala dooran kartaa qaabab aqoonsi oo kala duwan iyo saddex heer oo kala duwan oo la xubo si aad u gasho adeegyada khadka.

Farqiga u dhexeeya saddexda heer ee amniga

Adeeg kastaa wuxuu u baahan yahay helitaan heer gaar ah oo la xubo. Waxaad u baahan tahay inaad aqoonsato heerka amniga aad u baahan tahay:

    • Heerka 1 , wuxuu ogolaanaya in lagu galo username iyo password;
    • Heerka 2, wuxuu ogolaanaya in loo gudbo heerka 1 aqoonsiga SPID abuurista OPT ku meel gaar ah ( hal mar password ) ama isticmaalka APP-ka laga isticmaalo smartphone ama tablet-ka;
  • Heerka 3, wuxuu ogolaanaya gelitaanka SPID iyo isticmaalka habab amni ah oo dheerad ah iyo qab kale ( Tusaale ahaan kadadka smart ) ee uu bixiyo maareeyaha aqoonsiga ka mas’uulka ka ah.
Sida loo codsado SPID haddii aad ajnabi tahay

Waxaad  dooran kartaa in lagu furo khadka bog ka  mid ka mid ah maamulayaasha idman, adigoo lacag lagu weydinin  ama aad lacag bixiso 

Waxay u baahan doonaan gaar ahaan :

  • ciwaanka iimayl ku gaarka ah (ha isticmaalin ciwaanada shaqada ama iimaylo kale oo maalin maalmaha ka mid ah laga yaabo in aadan heli karin)
  •  Lambarka teleefanka gacanta ee Taliyaaniga ama ajnabiga ah ee sida caadiga ah loo isticmaalo (xitaa haddii aad ku qorneyn simcard )
  • Dukumeenti aqoonsi oo talyaani ah oo ansax ah, sida kaarka aqoonsiga
  • Kaarka caafimaadka oo leh koodhka cashuurta ama kaarka cashuurta (ama dukumento kale u  dhigma )

Suurtagal ma aha in aad codsato SPID inta aad haysato sharci degenaansho oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, ogolaanshaha joogitaanka ayaa faa’iido u yeelan doona helitaanka kaarka aqoonsiga ee loo isticmaali doono codsiga SPID.

Hoos waxaa ku yaal muuqaal kaa caawin kara inaad abuurto SPID

In italiano:

In inglese:

Fonte video: Oxfamitalia

Loading

Waa maxay JumaMap

JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.

Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.

Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it

Welcome Center

Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:

Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga

Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada

Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga

Taageero dhijitaal ah

Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30

Lambarka bilaashka ah ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)

Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it

Lambarka bilaashka ah ee dadka naafada ah ee socdaalka ah

NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.

Goob dhageysi iyo taageero loo hayo carruurta iyo dhallinyarada socdaalka ah

U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.

Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.