Dib-u-habaynta naafada, oo dhaqan gashay 1-dii Maarso 2026, waa isbeddel weyn oo ku yimid nidaamka lagu aqoonsado naafada iyo naafanimada madaniga ah ee Talyaaniga.
Waxu ku xusan Xeerka Sharci-dejinta 62/2024 wuxuuna soo bandhigaya qaab cusub, dhab ahaantii waxuu beddelaya habka loo fuliyo:
- baaritaannada caafimaadka
- qiimaynta naafanimada
- qabyo-qoraalka warbixinnada la xiriira naafada madaniga iyo Sharciga 104
Dib-u-habayntu waxay higsaneysaa in nidaamku ka dhigo mid hawlaha xafiisyada la xiriiro la fudeeyo, waxaana la damacsan yahay in aan la tixgelin oo keliya baaritaanka caafimaadka, laakiin sidoo kale la tixgeliyo saameynta dhabta ah ee xaaladda naafanimada ay ku leedahay nolol maalmeedka qofka.
Maya. Dib-u-habayntu hadda waxay ku jirtaa marxalad tijaabo ah.
Taas macnaheedu waa:
- Gobollada ku lugta leh tijaabada (fiiri qodobka 8), codsiyada cusub ayaa la raacaya nidaamka qiimaynta cusub
- gobollada kale waxaa lagu fulinaya. nidaamka hore lagu dhaqami jiray
(Su’aalha Badiya La is weydiiyo – Aqoonsiga xaaladda naafada – JumaMap).
Hadafka Dowladdu waa in qaabka cusub lagu fidiyo dhulka qaranka oo dhan laga bilaabo 1 Janaayo 2027.
Sababtan awgeed, waa muhiim inaad hubiso gobolka aad codsigaaga u gudbinayso, maadaama habraacyadu ay kala duwanaan karaan.
Dib-u-habaynta ayaa si tartiib tartiib ah loogu soo bandhigay gobollo badan oo Talyaaniga ah. Hoos waxaa ku qoran liiska gobollada hadda ku lug leh xilligan:
Alessandria
Ancona
Arezzo
Ascoli Piceno
Asti
Bergamo
Bologna
Bolzano / Bozen
Brescia
Brindisi
Cagliari
Caltanissetta
Campobasso
Caserta
Catania
Catanzaro
Chieti
Como
Cosenza
Crotone
Cuneo
Firenze
Forlì-Cesena
Frosinone
Genova
Isernia
La Spezia
Lecce
Macerata
Mantova
Massa Carrara
Matera
Messina
Milano
Palermo
Pavia
Perugia
Piacenza
Pordenone
Potenza
Ravenna
Reggio Calabria
Rimini
Roma
Salerno
Sassari
Savona
Sondrio
Teramo
Terni
Torino
Treviso
Trieste
Udine
Venezia
Verona
Vibo Valentia
Vicenza
Haddii aad ku nooshahay gobolladan oo aad u baahan tahay inaad soo gudbiso codsi cusub, xaaladdaada waxaa lagu qiimeyn doonaa iyadoo la adeegsanayo nidaamka qiimeynta cusub. Hadafka dawladdu waa in qaabka cusub lagu soo kordhiyo dalka oo dhan marka la gaaro Janaayo 1, 2027.
- booqo ama u tag dhakhtarka
Dhakhtar guud ama midka taqasuuska leh , ayaa diyaariya shahaadada caafimaadka ee hordhaca ah isla markaana si elektaroonik ah ugu dira INPS (Machadka Qaranka ee Amniga Bulshada).
Dhakhtarku wax walba ayuu u dirayaa INPS. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad:
- In aad ballan qabsato
- soo gubiso dukumentiyada
- Xafidato rasiidhka ama warqadda caddeynta ah uu Dhakttarka ku guddon siiyay.
Taas macnaheedu waa in hawshu si deg-deg ah ee u fusho iyo INPS-na si toos ah ayay hawsha u bilaabaysaa, sidaas darteed: looma baahna in la soo gudbiyo codsi gaar ah ka dib marka la helo shahaadada caafimaadka.
Si aad u ogaato sida loo helo dhakhtar guud oo ku sugan Talyaaniga, la tasho websadka- (Xuquuqda caafimaadka ee Talyaaniga – JumaMap) FAQ – Il diritto alla salute in Italia – JumaMap
- Tag ama la xaadir ballanta qiimaynta
Kadib marka codsiga la diri , INPS ayaa kula soo xiriiri doonta iyada oo lagu soo diri doono farrin:
- SMS
- warqad (xaaladaha qaarkood)
- Bogga INPS online ka ah oo aad ku
leedahay file-kaga ku gaar ah
Badanaa waxaa lagu soo gudbin doona:
- Taarikhda baarista caafimaadka
- Waqtiga balanta aad leedahay
- Goobta aad balanta ku leedahay (ama habka)
Qiimeyntu waxay ka kooban tahay:
- Baaritaan caafimaad (sida hore, laakiin leh shuruudo cusub lagu soo daray)
- Xaaladaha qaarkood, sidoo kale qiimeynta dukumeentiga
Qiimayntu waxay tixgelinaysaa:
- caafimaadka
- madaxbannaani ama isku filnaananta
- nolosha bulshada iyo shaqada
Tani waa sababta aan uga hadalno Qiimaynta ee Dhinacyada kala duwan:
Koox takhasusyo badan leh ayaan qiimeeyn cudurka oo keliya, laakiin sidoo kale qiimeya xaaladda nolosha, rabitaanka, iyo caqabadaha aad la kulmi karto. Sidaa darteed, qiimayntu hadda kuma koobna boqolleyda caafimaadka, laakiin waxay tixgelisaa xaaladaha kala duwan ee uu qofku ku nool yahay, macnahan qiimeyntu waxay noqonaysaa mid dhinacyo badan leh.
- Helidda natiijada
Halkii kuwii hore laga isticmaali iray boqolleyda naafanimada , hadda natiijadu waxay u kala saartaa baahida loo qabo caawimaada afar heer oo xoog leh oo ku salaysan shuruudaha caalamiga ah ICF (Kala-soocidda Caalamiga ee hawsha caawimaada ).
- Fudud: caawanaad taageero yar.u bahan
- Dhexdhexaad: caawanaad u baahan taageero dhexdhexaad ah.
- Degdeg ah (Sare): La xiriira xaaladaha xaddidaadda daran ee madaxbannaanida.
- Degdeg ah (Aad u Sarreeya): Xaaladaha aan isku filnaynasho jirin ee u baahan daryeel joogto ah.
Aqoonsiga xaaladda
Shahaadada kama dambaysta ah waxay go’aamineysaa inaad naafo tahay iyo in kale. Iyada oo ku xiran darnaanta naafanimada (fudud, dhexdhexaad ah, daran, ama aad u daran), natiijadu waxay xaqiijineysaa xuquuqdaada oo ah :
- Faa’iidooyinka ama taagero dhaqaale: Waxay beddelaan hawlgabkii hore iyo gunnooyinkii hore.
Haddii qiimaynta aasaasiga ahi ay
go’aamiso naafonimo leh baahi “sare” ama “aad u sarreysa” oo taageero ah, si deg deg loogu bilaawaya faa’iidooyinka iyo gunnooyinka qof naafada ah (sida gunnada gargaarka ama gunnada iskaga bixiya qof gacan ku siiya fulintta hawlo maalmeedka).
- Canshuurta iyo faa’iidooyinka shaqada: Natiijada wanaagsan ee aqoonsiga naafanimada waxay damaanad qaadaysaa helitaanka ruqsadaha shaqada (tusaale ahaan Sharciga 104), dhimista canshuurta gaadiidka ama qalabka farsamada, iyo faa’iidooyinka iibsashada qalabka gargaarka.
Haddii qiimaynta aasaasiga ahi ay
go’aamiso naafonimo leh baahi “sare” ama “aad u sarreysa” oo taageero ah, si deg deg loogu bilaawaya faa’iidooyinka iyo gunnooyinka qof naafada ah (sida gunnada gargaarka ama gunnada iskaga bixiya qof gacan ku siiya fulintta hawlo maalmeedka).
- Canshuurta iyo faa’iidooyinka shaqada: Natiijada wanaagsan ee aqoonsiga naafanimada waxay damaanad qaadaysaa helitaanka ruqsadaha shaqada (tusaale ahaan Sharciga 104), dhimista canshuurta gaadiidka ama qalabka farsamada, iyo faa’iidooyinka iibsashada qalabka gargaarka.
Natiijada si toos ah ayaa laguugu soo dirayaa shaashaddaada Diiwaankaaga Caafimaadka Elettronikada (FSE).
Qalab dijitaal ah oo ururiya taariikhdaada caafimaad oo dhan (dukumentiyadaada caafimaadka). Faylka waxaa laga heli karaa iyada oo la adeegdsanyo SPID (Nidaamka Aqoonsiga Dijital ah ee Dadweynaha) ama dukumeentiga aqoonsiga (CIE).
Si aad u gasho Diiwaankaaga Caafimaadka Elektaroonigga ah Hakaan guii ama riixi ! Marka la soo koobo, maxaad helaysaa?
Waxaad heli doontaa dukumenti elektaroonig ah oo caddeynaya xaaladdaada gaarka ah ee qof naafo ah. Dukumentigan waa dukumeentiga kaliya ee looga baahan yahay:
1. Ku helid faa’iidooyin dhaqaale INPS.
2. Ku helid faa’iidooyinka Ka-dhaafitaan ama dhimis canshuurta Hay’adda Dakhliga.
3. Waxaad codsan karta adeegyada bulshada ee degmadaada aad degan tahay.
Xeerka Sharci-dejinta ee 62/2024 wuxuu higsanayaa in
- Meesha laga saaro jahawareerka u dhexeeya Shahaadooyinka Naafada ee Madaniga ah iyo Naafanimada:
– Warbixinta Naafada Madaniga ah: waxay qiimeysaa hoos u dhaca awoodda shaqada (oo lagu muujiyay boqolkiiba, tusaale ahaan, 74%, 100%).
Waxaa ugu horreyn loo isticmaalaa in lagu helo faa’iidooyin dhaqaale (faa’iidooyin, hawlgabyo) ama Ka-dhaafitaan ama dhimis canshuurta.
– Warbixinta Naafanimada (Sharciga 104/92): waxay aqoonsataa oo qiimeysaa naafanimada jireed, maskaxeed ama dareenka (naafonimada rayidka, indho la’aanta rayidka, dhegoolnimada, indho la’aanta dhegoolnimada) iyo baahi kasta oo gargaar ah oo ay ka mid yihiin in qofku u baahan yahay
(qiimaynta bulshada, sharciga 104/1992).
- Mideeyna labada warbixin
Iyadoo la raacayo dib-u-habaynta 62/2024, ma jiri doonto warbixinno gooni ah, laakiin hal shahaado oo qeexaysa xaaladda naafada ayaa jiro doono.
- Soo bandhigid ereyo cusub
Wareegtadu waxay meesha ka saartay ereyo ay ka mid yihiin ” “naafonimada “, ” curyaanimo ” ama “si ka duwan dadka kale” dhammaan sharciyada caadiga ah, iyadoo lagu beddelay “Qofka naafada ah”.
- Ka qayb galid “Mashruuca Nolosha“
Natiijo qiimeynta naafanimada ee la xaqiiiyay waxay ku waajibinaysaa hay’adda dadweynaha (Degmada iyo Hay’adda Caafimaadka Deegaanka) inay bilaabaan, marka la codsado, Mashruuca Nolosha Shakhsiga ah, qorshe shaqsiyeed oo isku dubaridaya dhammaan taageerada (dhaqaalaha, bulshada iyo caafimaadka) aad u baahan tahay,
La tasho Su’aalaha Badiya La Weydiiyo ee ku saabsan mashruuca nolosha iyo muhaajiriinta
Dib-u-habayntu waxay beddeshaa habka loo qiimeeyo.
Waagii hore, qiimeyntu waxay inta badan ku salaysnayd boqolkiiba naafanimada inte
loo qiyaaso , laguna xisaabiyay jadwal qaabaysan ee xoogta qofka isku xiraya cudur kasta boqolkiiba gaar ah.
Nidaamka cusubi wuxuu sidoo kale qiimeeyaa saameynta xaaladda ku leedahay nolosha qofka, isagoo tixgelinaya tusaale ahaan:
- Madaxbannaani shaqsiyeed
- Awoodda shaqada
- Ka qaybgalka bulshada
- ku culeyska fulinta hawlaha maalinlaha ah.
Habkani wuxuu higsanayaa in lagu aqoonsado naafanimada si macquul ah oo ku salaysan qofka.
Haa.
Iyada oo la adeegsanayo qaabka qiimeynta cusub, qiimeyntu waxay tixgelinaysaa caqabadaha dhabta ah ee nolol maalmeedka.
Tusaale ahaan, qofka aan u baahneyn caawimo ama taageero dheeraad ah iskuna filan wuxuu heli karaa qiimeyn ka duwan qofka qaba isla cudurka laakiin u baahan caawimo ama taageero dheeraad ah.
Mid ka mid ah ujeedooyinka dib-u-habaynta ayaa ah in la soo bandhigo hal shahaado oo naafonimo ah.
Mustaqbalka, warbixin keliya ayaa ansax u noqon karta adeegyo kala duwan, sida:
- Naafonimada Madaniga ah
- Aqoonsiga Sharciga 104
- Tallaabooyin kale oo daryeel ama
taageero ah.
Ujeedadu waa in la fududeeyo habka loogu talagalay dadka naafada ah iyo qoysaskooda iyadoo la yareynayo:
- Booqashooyinka soo noqnoqda
- Waqtiyada sugitaanka
- Habraacyada xafiisyada.
Dib-u-habayntu si toos ah uma beddesho shuruudaha helitaanka faa’iidooyinka.
Gaar ahaan:
- Heerarka caafimaadka lama dhimo
- Heerarka dhaqaale lama beddelo
- Lama dammaanad qaadi karo Heerka qiimaynta Boqolleyda aadka u sareysa.
Taa beddelkeeda, habka qiimaynta ayaa isbeddela, isagoo ujeedkiisu yahay in la tixgeliyo dhinacyada kala duwan ee nolosha qofka.
Si aad u codsato naafada madaniga ah ama faa’iidooyinka Sharciga 104, waa inaad:
- Waa in aad Soo ururisaa dukumentiyo caafimaad oo la cusbooneysiiyay iyo shahaadooyin caafimaad oo faahfaahsan.
Dhakhtarkaaga u keen waxyaabaha soo socda:
- Warbixinno caafimaad oo si joogto ah u cusbooneysiisay macluumaadkooda.
- Baaritaanno sax ah (waxaa la door bidaa in dhawaan la sameeyay)
- Shahaadooyinka isbitaalka
- Warbixinno caafimaad ee hore
Dukumentiyadu waa inay ahaadaan kuwo cad, la akhrin karo, luqadda Talyaani ah ku qoran , waana inay qeexaan sida naafanimadu u saamayso nolol maalmeedkaaga.
- Si taxaddar leh ula hadal dhakhtarkaaga, si cad u sharax dhibaatooyinkaaga nolol maalmeedkaaga, ka warbixi wixii xaddidaad shaqo ama bulsho ah aad la kulanto.
Dhakhtarka (dhakhtarka guud ama khabiirka) waa inuu ku soo diyaariya
shahaadada, sidaa darteed waa muhiim inaad soo gudbiso .:
- dhammaan cudurrada (xitaa in ka badan hal cudur)
- calaamadaha dhabta ah
- dhibaatooyin wax ku ool ah (socodka, shaqada, madaxbannaanida, iwm.)
Fadlan ogow: ha yareysan , qiimeyntu waxay ku saleysan tahay arrimaha aan kor ku soo sheegnay.
- Hubi shuruudaha maamulka
Kahor intaadan hawsha bilaawan , hubi inaad:
- haysato kood canshuurta (codice fiscale ) iyo dukumenti aan taarikhdiisa aan dhicin.
- Sharciga deganaanshaha Talyaaniga
- inaad haysato SPID/CIE (waxtar u leh la socodka adeega)
- U diyaar garoow haddii loo bahdo dukumeentiyo dheeraad ah oo lagu weydiyo.
Iyada oo ku xidhan xaaladda ama kiisaska:
- Shahaadooyinka shaqada (haddii aad shaqaysid)
- Diiwaanada waxbarashada (kuwa aan qaan-gaarin)
- Diiwaanada bulshada ama daryeelka
Gaar ahaan waxtarka qiimeynta “dhammaystiran” ee dib-u-habayntu ee la saadaaliyay.
Habka dib-u-habaynta ayaa saadaalinaya in, ka dib marxaladda tijaabada ah, nidaamka cusub laga hirgelin doono guud ahaan Talyaaniga laga bilaabo Janaayo 1, 2027.
Bilaha soo socda dhinacyo kala duwan ayaa la socon doonaa, sida ::
- Waqtiyada wicitaanka ee booqashooyinka baarista caafimaadka.
- Habraacyada qorista warbixinnada
- Saamaynta faa’iidooyinka dhaqaale iyo daryeel caafimaad.
Maxay muhiim u tahay in la helo macluumaad?
Inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, habraacyadu way kala duwanaan karaan gobol ilaa gobol.
Fahmidda dib-u-habaynta cusub iyo diyaarinta dukumentiyada si sax ah waxay kaa caawin kartaa adiga iyo qoyskaagaba inaad si miyir leh u wajahdaan habka codsashada.
Maadaama dib-u-habaynta ee socota in la hirgeliyo , waxaan kugula talineynaa inaad la socoto horumarkeeda si loo hubiyo inuu dhab ahaantii dhaqan galo Janaayo 2027.
NABILA è un Help Desk per cittadini migranti con disabilità e vulnerabilità che assicura assistenza socio legale, mediazione linguistica e orientamento ai servizi sul territorio nazionale.
Attraverso la linea telefonica gratuita 800 999 977, NABILA fornisce:
- Ascolto e supporto da remoto
- Orientamento ai servizi sul territorio grazie a JUMA MAP
- Possibilità di richiedere appuntamenti in presenza (nella sede dell’Ufficio Immigrazione di ARCI Nazionale)


