Su’aalaha inta badan la si weydiiyo – Xuquuqda Shaqada: Su’aalaha iyo Jawaabaha waxtarka leh

Badbaadada shaqadu waa jaangooyooyinka
dhammaan xeerarka iyo qalabka loo sameeyay
si looga hortago loogana ilaaliyo dhacdooyinka
waxyeelada leh ee ka dhici kara goobta
shaqada (shilalka iyo dhaawacyada shaqaalaha
lab iyo dheddig, soo ifbaxa ama qaadista
cudurrada shaqada qofka u ka qaadi karo) iyo
si loo sameeyo goobaha shaqada oo ammaan ah
awgeed.

Waa muhiim inaad raacdo xeerarka
badbaadada iyo nadaafadda, ka digtoonow
xaaladaha khatarta ah, dhammaystirka
tababarka badbaadada goobta shaqada, oo aad
isticmaasho qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed
ee habboon (tusaale, koofiyadaha, galoofyada,
iwm.), qalabka oo ay tahay inuu shaqaalaha
siiyo loo shaqeeyaha. Intaa waxaa dheer , waa
muhiim in la soo sheego xaalad kasta oo khatar
ah ama aan caadi ahayn.

Talyaaniga, saacadaha shaqada ee waqtiga
buuxa guud ahaan waa 40 saacadood
todobaadkii, laakiin tani waxay ku xiran tahay
heshiiskaaga. Qandaraasyadu sidoo kale waxay
ogolaadaan saacadaha dheeraadka ah
(saacadaha shaqada ee dheeraadka ah), laakiin
waa inay xaddidan yihiin oo had iyo jeer ay
oggolaadaan loo-shaqeeyaha, gaar ahaan hab
qoraal ama si kale oo cad. Shaqaaluhu waxa uu
xaq u leeyahay 11 saacadood oo xidhiidh ah oo
nasasho ah 24-kii saacadoodba mar iyo nasasho
ugu yaraan 24 saacadood oo xidhiidh ah, oo ku
beegan Axadda, toddobadii maalmoodba mar.
Fasaxa sanadlaha ah ee la bixiyo waa inuu
noqda ugu yaraan afar toddobaad lamana
tanaasulidi karo ( oo lama diidi karo)

Maya, Talyaanigu waa mid ka mid ah dhowrka
waddan ee Midowga Yurub ee aan lahayn
qadarka mushaharka ugu yar ee loo shaqeeyaha
ay tahay inuu siiyo shaqaalahiisa qadar shaqo
oo cayiman. Marka loo eego sahanadii dhawaa,
celceliska mushaharka wuxuu u dhexeeya €7
iyo €9 saacaddii wadarta guud.

Ka faa’iidaysiga shaqada waxay dhacdaa
marka qofku, u dareymo xaalad baahi ama
dayac u ku sugan yahay, kuna qasbanado inuu
aqbalo xaalado shaqo ee cadaalad-darrada
ah. Kuwa iyaga ka faa’iidaysta shaqda ayaa
kafaa’iidaysta xaaladdaha nugul ee shaqaalaha.
Inta badan, kuwa laga faa’iidaysto xitaa ma
oga xaaladdaha ee ku sugan yihiin.
Marka loo eego sharciga Talyaaniga, ka
faa’iidaysigu shaqaalaha waa jiraa haddii:
– mushaharku aad ayuu u yar yahay marka loo
eego heerarka qaranka ama saacadaha la
shaqeeyay;
– Shaqaaluhu waxay shaqeeyaan saacado
badan oo xad dhaaf ah iyaga oo aan lahayn
nasasho, fasaxyo, ama fasax jirro;
– Xeerarka badbaadada goobta shaqada lama
ixtiraamo;
– shaqaalaha waxaa lagu kormeeraa iyadoo la
isticmaalayo habab bahdil ah;
– xaaladaha guryeynta ee la bixiyaa waa kuwo
aad u hooseysa ama liidata.
Dembigu wuu ka si culus yahay haddii:
– ku lug la-aashaha in ka badan saddex
shaqaale ;
– ku lug la-aashaha carruurta da’doodu ka
yar tahay da’da shaqada ;
– dadka geliyo khatar weyn.
Haddii falalka lagu gaysto gacan ka hadal ama
hanjabaad waxaa la fulinaya tilaabo xarig deg
deg ah: Xaaladdan oo kale waxaan lagu
tilmaama ka faa’iidaysiga baahida shaqaalaha
xagga shaqada oo aad u halis ah.

Ka faa’iidaysiga shaqada waxa lala xidhiidhin
karaa dambiyada kale ee halista ah sida:
– addoonsiga,
– ka ganacsiga dadka (shaqada, dhilleysiga,
tuugsiga, ka ganacsiga xubnaha jirka);
– iibsashada ama iibinta addoommada.

Sharciga Talyaanigu waxa uu dhigayaa
tallaabooyin taxane ah oo lagu ilaalinayo dadka
lagula kacay dembiga ka ganacsiga,
addoonsiga ama dhiig-miirashada shaqada..
Gaar ahaan, qalabka ugu horreeya ee la
tixgelinayo waa qodobka 18, kaas oo siinaya,
marka laga hadlayo dadka ajnabiga ah ee
dhibanayaasha ah ka ganacsiga ama “xaalado
rabshado ama dhiig-miirasho halis ah,”
suurtagalnimada bixinta sharci degenaansho
gaar ah, oo loo yaqaan “ogolaansho
degenaansho kiisaska gaarka ah.”

Haa, habraacyaduna way kala duwan yihiin
iyadoo ku xidhan xaaladda:

– Haddii ay jirto ka ganacsiga dadka, gacan-
ka-hadal, ama dhiig-miirasho daran, qofku

wuxuu codsan karaa sharciga ogolaanshaha
joogitaanka “xaalad gaar ah” (qodobka 18 ee
sharciga socdaalka isku dhafan). Waxaa jira
laba siyaabood oo lagu heli karo:

● iyada oo aan la soo sheegin kiiska ama
cabashada, laakiin gelaya barnaamijka
ilaalinta bulshada (iyada oo loo marayo
xarumaha ka hortagga rabshadaha, caafimaadka
iyo adeegyada bulshada, iyo xaruumo kale);
● adoo sheegaya kiiska-cabashada ama
bilaabaya dacwad ciqaabeed..

sharciga ogolaanshahani joogitaanka wuxuu
soconayaa 6 bilood waxaana la cusboonaysiin
karaa sanad ama ka badan, haddii loo baahdo,
sababo xagga cadaalada.
– Haddii dembigu inta badan khuseeyo ka
faa’iidaysiga baahida xagga shaqada oo la
ogaado inta lagu jiro hubinta ama baarista,
waxaad heli kartaa sharciga ogolaanshaha
joogitaanka “xaalad gaar ah”- art. 18 ter”,
sidoo kale kiiskan 6 bilood, la cusboonaysiin
karo.
Xubnaha qoyska dhibbanaha ee jooga
Talyaaniga waxay sidoo kale heli karaan
ogolaansho sababo qoys dartood si ay uga
baxsadaan xaaladooda nugul.

Maya, ka dib codsiga ogolaanshaha joogitaanka
ee kiisaska gaarka ah, garsooruhu wuxuu
hakiyaa dacwadda, haddii ruqsadda
degenaanshada la bixiyo, wuxuu amraa in
shaqada laga joojiyo, sidaas awgeedna
dacwadda lagu soo gabagabeeyo.

Haddii ka faa’iidaysiga baahida xagga shaqada
la ogaado inta lagu guda jiro baaritaanka
booliiska ama dacwad maxkamadeed, sharcigu
qasab ugumu dhigayo dhibbanaha inuu soo
sheego kiiska , laakiin kaliya waxa loogu
baahan yahay talooyin waxtarka leh in uu soo
gudbiyo inta lagu jiro dacwadaha dembiga si
loo aqoonsado kuwa ka masuulka ah.
Si kastaba ha ahaatee, kormeeraha shaqadu
(waa hay’ad dawladeed oo ilaalinaysa
xuquuqda shaqaalaha) wuxuu ka warbixiya
dhiig-miirashada, waxuuna soo gudbin kara
warbixino wanaagsan si aad u hesho sharciga
ogolaanshaha joogitaanka.

Maya, shuruud sharci ah maaha ee
ogolaanshahan joogitaanka. Ilaa hadda ma
cadda in ay qasab ku tahay xubnaha qoyska ee
ka faa’iidaysan kara sharciga degenaanshaha
sababo qoys dartood. Si kastaba ha ahaatee,
marka la codsanayo ogolaanshaha joogitaanka
ee ku xusan qodobka 18-ter, waxaa lagama
maarmaan ah in la tilmaamo meesha uu qofku
doonayo inuu ku noolaado.
Haddii Xarunta Booliiska – Xafiiska Socdaalka
uu u arko inay tahay shuruud lagama maarmaan
ah, waxaa lagula talinayaa inaad codsato
sababta qoraal ah lana xiriirto qareen si aad
ula tashato.
Boogo liiska xafiisyada caawinta sharciyada
ee aan lacag lagu weydinaynin ah:
https://www.jumamap.it/map/litemap.php?s
er=leg
Boogo Khariidadda Kormeerayaasha
Shaqada ee deegaanka:
https://www.ispettorato.gov.it/lagenzia/struttura-organizzativa/le-sedi-inl/cerca-le-sedi-
territoriali/

Ogolaanshaha deggenaanshada “xaalad gaar
ah” waxa ay ogolanaysaa helitaanka adeegyada
daryeelka iyo waxbarashada, diiwaangelinta
xafiiska diwaangelinta, xarumaha shaqada, iyo
shaqada iyo iskaa u shaqeysiga.

Haa, dadka hore u codsaday sharciga
degenaanshada waxay bilaabi karaan inay
shaqeeyaan. Rasiidka caddaynaya codsiga
wuxuu kuu ogolaanayaa inaad sii joogto Talyaaniga oo aad si ku meel gaar ah u
shaqeyso, xitaa haddii aan ruqsadda weli aysan
soo bixin.

Waayida shaqadu ma noqonayso sabab looga
noqdo ogolaanshaha joogitaanka ee la bixiyay
si waafaqsan qodobka 18-ter.
Shaqaale ajnabi ah oo dhibane u ah
dhiigmiiradka shaqada wuxuu xaq u leeyahay
inuu iska diiwaan geliyo SIISL, Nidaamka
Macluumaadka ee SSIISL, Nidaamka
Macluumaadka ee ku darida bulshada iyo
goobta shaqada –
(SIISL, il Sistema informativo per
l’Inclusione Sociale e Lavorativa), waa goob
aad ku shuban karto CV-gaaga oo aad ka
daalacan karto tababaro iyo shaqooyin kala
duwan. Waxaad iska diiwaan gelin kartaa SIISL
adiga oo si toos ah u aadaya goobta INPS ama
adiga oo la xidhiidha hay’adda badbaadada
bulshada. Arrimahan oo dhan waxaa loo
baahan yahay dukumentiga aqoonsiga
dhijitaalka ah (SPID ama CIE)

Haa, dadka haysta kiisaska gaarka ah
ogolaanshaha joogitaanka waxay xaq u
leeyihiin:
– Gunnada taagererada dhaqliga ee
dadka ay haysato dhibaato dhaqaale
(iyadoon loo eegin xaaladaha
deganaanshaha, dakhliga iyo hantida)
– Taageerada dhaqaale ee qoysaska
caruurta leh.


Codsiga adeegyada kaalmada waxa kale oo
lagu soo gudbin karaa rasiidka caddaynaya in codsiga ogolaanshaha
joogitaanka la gudbiyay.

Dalka waxa ka jira shabakado habeysan oo
bixiya taageero, xog iyo hagis ah. Wicitaanadu
waa bilaash waana qarsoodi. (adigoon sheegin
magacaga) adiga oo wacaya lambarka
bilaashka ah ee qaranka 800290290; ama la
xidhiidh ururada shaqaalaha, ururada madaxa
banaan ama adeegyada deegaanka ee degmada
aad degan tahay.
Boogo liiska xafiiska caawinta ee ka
hortagga dhiig-miirashada shaqada:
https://www.jumamap.it/it/soleil/
Boogo liiska xafiiska caawinta xagga
sharciga
https://www.jumamap.it/map/litemap.php?s
er=leg

Haa, oo aad bay muhiim u tahay in sidaas la
sameeyo. Gaar ahaan, loo shaqeeyaha waa in
uu INAIL u soo sheego shil kasta oo keenaya
maqnaanshaha shaqada in ka badan saddex
maalmood (marka laga reebo maalinta shilka).
Cudurada shaqada (sida, kuwa shaqadu keento)
waa in sidoo kale u soo sheegan INAIL
shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha labadaba.
Haddii aad qabto dhaawac ka soo gaaray
shaqada , waa inaad:
● Isla markiiba u ogeysiisa cidda aad u
shaqayso, xataa haddii dhaawacu u muuqdo
mid fudud. Haddii aad ku guul dareysato inaad
sidaas samayso, waxaad halis u tahay inaad
lumiso dheefahaaga (sida , lacag celinta)
maalmo ka hor warbixintada;
● U gudbi loo-shaqeeyahaaga macluumaadka
ku qoran shahaadada caafimaadka (lambarka
aqoonsiga, taariikhda, iyo waqtiga soo
kabashada ee la filayo), iyo sidoo kale shahaadooyin kasta caafimaadka
oo xiga.
Haddii aad qabto cudur ku haleykay inta aad
shaqeyneysay , waa inaad:
● ku wargeli cidda aad u shaqayso 15
maalmood gudahooda marka ay dhacdo. Hadii
waqtiga xilli ka dambeyo aad sheegto, waxaad
waayi doontaa xaqa aad u leedahay magdhow
(magdhow) maalmo ka hor warbixinta;;
● Sidoo kale cidda aad u shaqayso u gudbi
dhamaan caddeymaha shahaadooyinka
caafimaadka ee bilowga ah iyo kuwa xiggaba .
Loo shaqeeyuhu waa inuu soo gudbiyaa
warbixin elektaroonig ah, isagoo isticmaalaya
foomka laga heli karo mareegaha INAIL –
modello disponibile sul sito dell’INAIL, laba
maalmood gudahooda marka uu helo
shahaadada caafimaadka ee tilmaamaysa
maqnaanshaha wax ka badan saddex
maalmood. Shaqaaluhu waxa kale oo uu qaadi
karaa tallaabo si madax bannaan haddii loo
shaqeeyaha uu ku guuldareysto inuu xareeyo
warbixinta.

Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin daryeel  caafimaad oo degdeg ah iyo magdhow (lacag  celin) haddii ay dhacdo shil ama cudur shaqo.  Loo-shaqeeyayaashu waxay mas’uul ka yihiin  badbaadada goobta shaqada waana inay  diyaariyaan jawi shaqo oo ammaan ah.

Haddii aad aaminsan tahay in loo 

shaqeeyahaagu aanu ixtiraamayn xuquuqdaada  qandaraaska iyo ururka, waxaad la xidhiidhi  kartaa urur shaqaale ama qareen si lagaga  joojiso xaaladda cadaaladda daradda ah oo aad  isku daydo inaad magdhow hesho waxyeelada  ku soo gaartay.

Waa muhiim inaad isla markaaba soo sheegto  nooc kasta oo dhibaatayn ama takoorid ah 

loo-shaqeeyahaaga ama maamulaha  

badbaadada goobta shaqada, ama inaad la  xidhiidho masuuliyiinta sida booliiska  (Booliska, Carabinieri, iwm.) ama  

kormeerka shaqada ee deegaanka – 

l’Ispettorato territoriale del lavoro. Haddii lagu  xad-gudbo xuquuqda shaqaalaha, waxaa jira  hay’ado iyo mas’uuliyiin karti u leh oo lala  xiriiri karo. 

Si aad naftaada uga ilaaliso takoorka goobta  shaqada ee ku salaysan cunsuriyadda,  galmoodka, nacaybka, ama xaaladaha  caafimaadka, booqo bogga: 

https://www.jumamap.it/it/faq/discriminazioni/ 

Haweenka dhibanayaasha u ah dhaqamada  daba-galka iyo faregelina ee soo noqnoqda,  dhibaataynta, iyo gacan ka hadal – ma aha oo  kaliya goobta shaqada -waxay wici karaan  lambarka bilaashka ah ee qaranka 1522 iyagoo  si buuxda aan magacooda u sheegin. Lanbarku  waxa uu ku hagaajin karaa ururka kuugu dhow  ee aad kala xidhiidhi karto caawimo iyo taageero. 

Boogo bogga ( Kharidad ku saabsan  

xadgudubka jinsiga ) pagina di Juma Map  sulla violenza di genere si aad u hesho ururka  kuugu dhow oo aad macluumaad u hesho.

Ma ogtahay in mashaariic dhowr ah ay ka  socdaan Talyaaniga si loola dagaallamo habka  dhiig-miirashada shaqada? 

Piemonte, Friuli Venezia Giulia, Emilia  Romagna, Liguria, Veneto 

Common Ground 

https://www.piemonteimmigrazione.it/lp/comm onground 

Lazio, Toscana, Umbria, Molise, Marche S.O.L.E.I.L. 

https://www.jumamap.it/it/soleil/ 

Umbria 

Umbria Legale e Sicura 

https://www.regione.umbria.it/-/umbria-legale e-sicura-interventi-di-supporto-all-integrazione sociale-sanitaria-abitativa-e-lavorativa

Sicilia, Basilicata, Calabria, Campania, Puglia Su.Pr.Eme 

https://www.supremeitalia.org/focus/helpdes k-anticaporalato/ 

Sardegna 

C.A.S.L.I.S. 

https://www.sardegnaimmigrazione.it/index. php?xsl=2420&s=49&v=9&c=95961&es=660 3&na=1&n=100&esp=1&tb=15026 

Boogo dhammaan mashaariicdan oo shaqeya : https://integrazionemigranti.gov.it/it-it/Altre info/e/2/o/18///id/32/Azioni-e-progetti 

Su’aalahan inta badan la is weydiiyo waxa  sameeyay Arci oo ku salaysan qoraalada  Infomigranti 

https://www.infomigranti.org/services/lavoro/

Loading

Waa maxay JumaMap

JumaMap – Services for Refugees waa khariidad loo sameeyay si ay kuu caawiso inaad si degdeg ah u hesho adeegyada kugu dhow ee waxtarka leh.
Halkaan waxaad ka heli kartaa meelaha lagu seexdo, lagu cuno, lagu barto af-Talyaaniga, iyo adeegyada taageerada caafimaadka, sharciyada ama nafsiyeedka, iyo sidoo kale adeegyo kale oo badan oo loo diyaariyey dadka socdaalka ah iyo dadka aan hoyga lahayn.

Mareegtu waxay ku jirtaa 17 luqadood.
Luqadda waxaad ka dooran kartaa liiska sare, oo ay ku jiraan: Albanian, Amharic, Arabic, Bengali, Chinese, Dari, Farsi, French, English, Pashto, Punjabi, Russian, Somali, Spanish, Tigrinya, Ukrainian, Urdu, Wolof.

Waxaad sidoo kale mobilkaaga kaga geli kartaa JumaMap: www.jumamap.it

Welcome Center

Haddii aad u baahan tahay taageero qof-qof ah, waxaad imaan kartaa Welcome Center:

Isniin
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Talaado
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada nafsiyeed (18–26 sano)
14:00 – 17:00 — Miiska taageerada caafimaadka
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada
14:00 – 18:00 — Miiska taageerada sharciga

Arbaco
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada

Khamiis
10:00 – 14:00 — Miiska taageerada sharciga (18–26 sano)
14:00 – 18:00 — Miiska hagista bulshada

Jimce
10:00 – 14:00 — Miiska hagista bulshada
16:30 – 19:30 — Miiska taageerada sharciga

Taageero dhijitaal ah

Talaado 9:30 – 14:00
Arbaco 10:00 – 15:00
Khamiis 9:30 – 16:30

Lambarka bilaashka ah ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga

Macluumaad iyo taageero telefoon ah waxaad ka heli kartaa lambarka bilaashka ah ee Arci ee magangalyo-doonka iyo qaxootiga:
800 905 570 (Gudaha Talyaaniga)
+39 351 1376335 (WhatsApp, Lycamobile iyo dibadda)

Waxay ka jawaabtaa Isniin ilaa Jimce, 9:30–17:00.
Waxa had iyo jeer shaqeeya fariin-qaade badan-luqadood oo leh shabakad tarjumaanno luqadeed ah oo ka jawaaba 35 luqadood.
Ama waxaad noogu soo qori kartaa: numeroverderifugiati@arci.it

Lambarka bilaashka ah ee dadka naafada ah ee socdaalka ah

NABILA waa adeeg bixiya dhageysi, taageero iyo hagid loogu talagalay dadka socdaalka ah ama qaxootiga ah ee qaba naafonimo ama nuglaansho kale.
Waxaad si bilaash ah ugu wici kartaa lambarka: 800 999 977.
Haddii aad doorbideyso inaad qof ahaan u hadasho, waxaad ballan ka qabsan kartaa Xafiiska Socdaalka ee Arci Nazionale:
Via dei Monti di Pietralata 16 – Rome.

Goob dhageysi iyo taageero loo hayo carruurta iyo dhallinyarada socdaalka ah

U-Report On The Move waa meel ammaan ah oo aad ku heli karto taageero sharci ah, sidoo kale waxaad si xor ah oo ammaan ah uga hadli kartaa dareenkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo welwelkaaga.
Khabiir ayaa ku dhageysanaya oo kaa caawinaya inaad heshid taageerada kugu habboon.
Adeeggu wuxuu shaqeeyaa Isniin ilaa Jimce, 9:00–18:00.

Si aad u isticmaasho, waxaad fariin ugu diri kartaa Facebook Messenger adigoo adeegsanaya madal U-Report On The Move.
Koox cilmi-nafsiyaqaan ah ayaa ka jawaaba fariimaha waxayna ku siiyaan taageero gaar ah oo taxaddar leh.