Categories
Evidenza Lavoro

Madal-ku-soo-dhoweynta-hal- gujisku waa online

Madashu waa online Fadlan -hal mar  Guji -click, waxaa samaysay UNHCR,  oo kaashanaysa Adecco Foundation, si  loogu oggolaado qaxootiga, magan  gelyo-doonka iyo dadka aan waddanka  lahayn inay ka faa’iidaystaan  xirfadahooda, oo u fududaysa ka qayb  gaadashada ama ka mid noqoshada ku  biirista suuqa shaqada.

Barnaamijka Soo-dhaweyntu waxa uu  hore ugu lug lahaa in ka badan 700  shirkadood waxana uu kor u qaaday in  ka badan 30,000 waddooyinka ka mid  noqoshada shaqada ee dadka qaxootiga  ah. Hadda, madasha cusub waxay sii  fududaynaysaa is-waafajinta baahida  shaqo iyo codsiga shaqo , taasoo  sahlaysa helitaanka fursadaha  shaqo iyo xoojinta hindisaha  iskaashiga ee shirkadaha iyo  ururada bulshada rayidka ah. 

Wax ka ogow madasha, Guji halkaan!

 110 Visite totali

Categories
aiuti sociali Evidenza

Kaalmada dhaqaalaha ee la siiyo dadka carrur haysta waxaa xaq u yeelanayaan sidoo kale kuwa haysta sharciga degenaanshaha inta ay sugayaan shaqo.

Maxkamadda Shaqaalaha ee Trento 19kii  Sebtembar 2023, waxay go’aamisay in  dadka haysta sharciga oggolaanshaha  degenaashaha inta ay sugayaan  shaqo ay sidoo kale xaq u leeyihiin inay ka  faa’iidaystaan Kaalmada dhaqaalaha  ee la siiyo dadka carrur haysta (AUU). Ruqsadda sugitaanka shaqaalaynta, dhab  ahaantii, waxay ka mid tahay ” Ruqsadda  ogolaansho shaqo oo lagu qoro ama lagu  calaamadeyo sharcigayada oggolaanshaha  degenaashaha kala duwan “, oo ah shahaado  xaq kuu siinaysa inaad qabato hawl shaqo  ugu yaraan hal sano laga bilaabo  diiwaangelinta liisaska shaqada ee xafiiska  shaqadaha.

Kaalmada dhaqaalaha ee caalamiga ah ee  la siiyo dadka carrur haysta waa taageero  dhaqaale oo loogu talagalay qoysaska haysta  carruur ee mas’uul ka yihiin sidaaso kale  waxaan xaq u leh muwaadiniinta / iyo  ajnabiga . Gaar ahaan, gunnadan sidoo  waxaa xaq u leh in la siiyo muwaadiniinta /  iyo dadka Talyaaniga u dhashay iyo : 

– kuwa / muwaadiniinta ah / iyo dadka u  dhashay Waddamada xubinta ka ah  Midowga Yurub, sidoo kale xubnaha  qoyskooda, dadka haysta xuquuqda  degenaanshada ama xaqa degenaanshada  joogtada ah 

– muwaadiniinta waddan aan ka tirsanayn  Midowga Yurub ee haysta sharciga  degenaanshaha Midowga Yurub ee  deganaanshaha muddada dheer ama qofka  in uu haysto ogolaansho shaqo uu ku  shaqeyn karo oo muddo ka badan lix bilood.

– dadka haysta ogolaanshaha joogitaanka  ujeedooyin cilmi baaris loo oggolaaday inay  sii joogaan Talyaaniga muddo ka badan lix  bilood 

– kuwa haysta sharciga daganaanshaha inta  ay sugayaan shaqada 

Waa imisa caddadka lacagta ? 

Kaalmadu dhaqaalae waxay u dhaxaysaa  ugu yaraan €50 bishii ilaa ugu badnaan  €175 bishii ilmo kasta oo ka mid qoyska. 

ilmo kasta oo ka mid qoyska da’doodana u  dhaxayso 18 iyo 21, qaddarku kaalamada  dhaqaale waa kala duwan yihiin ugu yaraan  €25 bishii ilaa ugu badnaan €85 bishii. Waxaa jiro karo kordhin kaalmo dhaqaalae  dheeri ah haddi qoyska ay dhaleyn  carruurta naafo ah ee lana nool yihiin,  hooyooyinka da’doodu ka yar tahay 21 jir,  qoysas dad badan ka kooban , labadaba  waalid shaqeeya, qoysaska dakhliga  sannadlaha soo gala uu ka yar yahay € 25  kun . 

Side qofka u codsan kaa Kaalmada gunnada  dhaqaalaha ee la siiyo dadka carrurta  dhalay /kana mas’uul ah . 

– Dhammaan dhallaanka dhawaan dhashay  iyo kuwa aan ka faa’iidaysan gunnada 2022,  codsiga waxaa lagu soo gudbin karaa  mareegaha INPS ama hay’adaha  

badbaadada bulshada ( u ka codso  shabakadda INPS

– Laga bilaabo Maarso 2023, kuwa horay  uga faa’iideystey gunnada uma baahna inay  cusbooneysiiyaan codsigooda. 

Cusbooneysiinta codsigu waxay noqon  doontaa mid is cusbooneysiineyso adigoo  codsi kale lagaga baahan, haddii codsiga la  gudbiyay aan la diidin, ogolaadasha lagala  noqon ama la joogin

– Lacagta Jeegga ku qoran waxaa qofka  loogu shuba Lambarka Xisaabta ee Bangiga  Caalamiga ah ( IBAN ) , ama lagu dira Xaruumaha Postada Talyaaniga , marka  laga reebo ka-faa’iideystayaasha la siiya  taageeridda dhaqaale ee lagu kabo  dakhliga aasaasiga ah , ilaa intu dhaqan gal  yahay , waxa loogu shubi doona isla kaarkii  hore ee taageeridda dhaqaale loogu shubi  jiray. 

– Carruurta da’doodu ka weyn tahay 18 jir  iyo kuwa ka yar 21 jir waa inay buuxiyaan  mid ka mid ah shuruudaha soo socda si ay  

uga faa’iidaystaan ee u helaan kaalmada dhaqaale : 

  1. In uu waxbarasho school ku jira ama  u ka qayb gala tababar xirfadeed, ama uu ku jira waxbarasho Jaamacadeed; 
  2. Qofka waa In uu ka qayb gala tababar  shaqo ama u shaqeynaya dakhligiisa guud  uu ka yar yahay yar €8,000 sanadkii;  
  3. in uu u diwaan gashan yahay sida qof  shaqa la’aan ah iyo in uu yahay qof ka  raadsato shaqo xafiisyada adeegyada  shaqada ee dadweynaha; 
  4. in qofka uu muddo dhoor bilood ah  noloshiisa u qabto adeeg kale duwan ee  waxtar u leh bulshada si iskaa wax u qabso

 1,996 Visite totali

Categories
Evidenza Lavoro

Dib u habaynta hindise-sharciyeedka tartamada dadweynaha ee shaqaaleysiinta xafiisyada maamulka dawladda 2023: waxaan ka qayb gali kara dadka sharciyada qaxootinimada haysta iyo ajaanibta kale ee xulashada ku soo baxa

Dib-u-habaynta hindise-sharciyeedka dadweynaha (Xeereedka Sharciga No. 80/2021, oo loo beddelay Sharciga Lr. 113 ee 6da Agoosto 2021), wuxuu soo bandhigayaa isbeddello muhiim ah si loo horumariyo helitaanka iyo tayada shaqaaleysiinta ee Maamulka Dawladda. Waxaa ka mid ah wararka ugu muhiimsan:
– Marka laga reebo muwaadiniinta Talyaaniga, dadka haysta aqoonsiga qaxoontinimada iyo muwaadiniinta Midowga Yurub ee leh xuquuqda degenaanshada ama ogolaanshaha joogitaanka muddada dheer ee Midowga Yurub waxay sidoo kale codsan karaan ka qayb galka tartamada dadweynaha ee shaqaaleysiinta xafiisyada maamulka dawladda;
-Waa la dammaanad qaaday dheeri la siiyay waalidnimada, sinnaanta jinsiga iyo qofkii waxbarashada dhibaato kale kulma sababo u gaar ah ;
– Xadka ugu badan ee 6 bilood ayaa loo dejiyay gabagabada nidaamka tartanka;
– Si uu qofka uga qayb gasho tartamada dadweynaha waa inuu isticmaala kaliya websitekan “inPA”, www.InPA.gov.it. Is diiwaangelinta websiteka waa lacag la’aan waxaana ku suurta galin karta oo keliya adoo isticmaalayo hababka aqoonsiga SPID, CIE iyo CNS.

La tasho bogga “SPID: maxaa loogu talagay, Sidee qofka u codsan kara e una isticmaali kara
Websitekan wuxuu higsanayaa inuu hagaajiyo tayada shaqaaleysiinta maamulka dadweynaha iyada oo loo marayo nidaam dhijitaal ah oo cusub oo fududeeya soona dedejiya xiriir u dhexeeya shaqada bixinta iyo baahida shaqado ee dadweynaha.

 Riix halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah

 3,292 Visite totali

Categories
Evidenza Salute

BARNAAMIJYADA EEGIDDA BILAASH AH SI LOOGA HORTAGO KANSARKA – GOBOLKA LAZIO

Categories
Asilo e immigrazione Asilo e immigrazione Evidenza Evidenza

Xeerka cusub ee socdaalka 2023: fududaynta so gelidda wadanka si sharci ah , la dagaalanka socdaalka “aan sharciga ahayn” iyo xaddidid sharciga ilaalinta gaarka ah

Wareegto cusub ee socdaalka (Wareegatada  sharciga 20/2023) ayaa dhaqan gashay. Waa  kuwan isbeddellada ugu waaweyn: 

CIQAAB AAD U ADAG OO LOOGU  

TALAGALAY DAMBIYADA LA XIRIIRTA  SOCDAALKA SHARCI DARADDA AH: Waxaa sharciga lagu soo kordhiyay Dembi cusub  ee sabab u noqda “dhimasho ama dhaawac ee  dembiyada la xiriira socdaalka sharci darrada ah”,  kaas oo xukunkiisa noqon doono ciqaabo culus:

  • laga bilaabo 10 ilaa 20 sano dhaawacyo halis ah  ama aad halis u ah oo soo gaara hal qof ama dad  badan;
  • laga bilaabo 15 ilaa 24 sano dhimasho qof;
  • laga bilaabo 20 ilaa 30 sano dhimasho dad badan.

Ka Eryidda ama ka dhoofinta dalka : Looma baahnaan doono Ansixinta garsooraha ee  meel marinta go’aamada cayrinta ee la amray ka  dib xukun ama go’aan la gaaray. 

QOONDADA XEERKA SOCDAALKA : 

  • Siyaabaha cusub ee loo qorsheynayo qulqulka ma imaatanka sharciga ah ee shaqaalaha ajnabiga ah.

Kootada ama qoondada ajaaniibta ee loo  ogolaanayo Talyaaniga in ay yimaadan ee fulin  doono shaqooyinka ee shaqaale ka noqon  doonaan ayaa la qeexi doonaa, ma ahan kaliya  hal sano laakiin waa muddo seddex sano ah  (2023-2025). 

Shaqaalaha rag iyo dumarba ah oo ka socda  wadamada kor u qaada ololayaasha warbaahinta ee dalkooda uguna dhiga khataraha socdaalka  ee aan sharciga ahayn waxa la siin doonaa  mudnaan. 

Wax ka beddelka xeerarka gelitaanka iyo  ogolaanshaha joogitaanka ee shaqooyinka  shaqaalenimo loo qaadanayo ajaanibka Bilawga xiriirka shaqo ee ajaanibka ee shirkadaha  Talyaaniga waa la fududeeyay waxaana la  dardargeliyaa habka soo saarista dukumeenti aan caqabad ku ahayn shaqada shaqaalino , xitaa  shaqooyinka xilliyeedka (shaqooyinka xilliyada  gaar loo baahdo). 

Barnaamijyada tababarka 

Ajaaniibta ku soo guulaystay , ayagoo ku  sugan wadankii ay ka yimaadeen, 

koorsooyinkii tababarka ee dawladda  Talyaanigu iyo Wasaaradda Shaqadu dawladda talyaaniga aqoonsada, waxay  awoodi doonaan inay soo galaan Talyaaniga  si ka baxsan Qoondada wareegtada socdaalka  

Muddada Ogolaanshaha Degganaanshaha  dib loo cusboonaysiiyay: 

Kadib Cusbooneysiinta ogolaanshaha joogitaanka  ee lagu bixiyo shaqada joogtada ah, iskaa u  shaqeysiga ama isu keenida qoyska wuxuu  Ogolaashaha sharciga ahaan doontaa ugu  badnaan muddo saddex sano, iyo ugu yaraan  muddo laba sano. 

TALAABOOYIN CUSUB OO LAGU  

XAKAMEYNAAYO SHARCIGA ILAALINTA  GAARKA. 

Aqoonsiga sharciga ilaalinta gaarka ah, tixraaca  ilaalinta nolosha gaarka ah iyo qoyska ee qofka  codsanaya ayaa meesha laga saaray. 

Digniin: isbeddelku wuxuu khuseeyaa oo keliya  codsiyada la soo gudbin doono 10/03/2023,  marka laga reebo kuwa horeba ballan uga  haystay Xarunta Booliska. 

Ciddii aan weli ballan ku lahayn Xarunta Booliska,  balse soo codsatay ka hor 10/03/2023, waxaanu  u soo jeedinaynaa inaad daabacdo (oo xafido) E mailka codsiga lagu soo bandhigay Xarunta  Booliska. 

FG : Sharciga ilaalinta gaarka ah ayaa la sii wadi  doonta in la bixiyo marka xaaladaha la qiimeeyo  in dib u celinta shisheeyaha ay horseedi karto ”  

cadaadis sababo qabiil, jinsi ,luqad, dhalasho,  diin, fikrado siyaasadeed, xaalado shakhsiyeed  ama bulsho” (ART 19, Paragraph 1 ee TUI). 

Ogolaanshaha sharciga ilaalinta gaarka ah ee  horay loo soo saaray ka hor 03/10/2023 ee loo  aqoonsaday ilaalinta iyo “ixtiraamka nolosha  gaarka ah iyo qoyska” waxaa la cusbooneysiin

karaa sanad kale, mar walbana waxaa loo rogi  karaa sharciga ogolaansho shaqo. 

Su’aalaha wixii ka dambeeya taarikhda  03/10/2023 ee sharciga ilaalinta gaarka ah 

Taladeynu waa in aad la xidhiidho hay’adda  ilaalinta adigoo kala xiriirtid lambarka  bilaashka ah ee dadka magangelyo doonka  iyo qaxootiga Arci (800905570 ama +39  3511376335, ama adigoo u soo qoraya  numeroverderifugiati@arci.it) ama adigoo la  xidhiidhaya qareen lagu kalsoon yahay si aad  u soo bandhigto codsiga sharciga ilaalinta  gaarka , kuna soo lifaaq dukumeenti ama  warbixin faahfaahsan codsiga kaas ah oo  sidoo kale iftiiminaya dhinacyada nolosha  gaarka ah (isku-dhafka shaqada bulshada iyo  /ama xubin qoyska ka tirsan) iyadoo la  tixgalinayo qodobka 5 faqradiisa 6 TU ee  socdaalka iyo farshaxanka. 8 ee ECHR, oo ay  tahay in had iyo jeer la ixtiraamo sababtoo ah  waxaa lagu tilmaamay Qoddobka . 117 ee  Dastuurka.

Categories
Asilo e immigrazione Asilo e immigrazione Before you go Before you go Evidenza Evidenza Lavoro Lavoro

Wareegtada qulqulka cusub ee ku soo galayaan shaqaalaha ajnabiga ah ayaa la daabacay

26 Janaayo 2023, Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ee 29 Diseembar 2022 (Wareegtada socdaalka) ayaa la daabacay, taasoo dejisay (saamiyada) kootada shaqaalaha ajnabiga ah ee u soo geli kara Talyaaniga si ay ugu shaqeystaan. Tirada ugu badan ee la aqbalay waa 82,705 qof, kuwaas oo:

– 44,000 sababo shaqo xilliyeed ee xilliyayo gooni loo baahdo;

– 38,705 sababo shaqo aan xilliyo gaar ah ku xirneyn , kuwaas ah :

  • 30,105 ayaa lo qoondeeyay in ay yimaadan si ay ugu hawlgalan shaqooyinka loo shaqeeyuhu u codsanayo ee qaybaha gaawaarida xamuulka qaada, dhismaha iyo dalxiiskahuteelada, makaanikada, isgaarsiinta, cuntada iyo dhismaha maraakiibta; shaqo u qofka u madax banaan yahay kuwaasoo aan ka mid ahayn shaqo xilli gooni loo baahdo.
  • 1,000 shaqaale ah oo rag iyo dumar ah oo dalka dibadiisa lagu soo tababaray, taas oo qayb ka ah barnaamijyada ay wasaaraddu ansixisay, oo uu ku jiro mashruuca Inta aadan tagin, Kaas dadka iska-diiwaangeliya. Beddelka ogolaanshaha joogitaanka Waxay codsan karaan beddelka sharciga degenaanshaha dadka haysta:
  1. Ogolaanshaha shaqada xilliyeedka
  2. Ogolaanshaha ujeedooyinka waxbarasho
  3. Ogolaanshaha joogitaanka aan xadidnayn ee wadamada kale ee EU

SIDA LOO CODSADO

Si ka duwan sanadihii ugu dambeeyay, ka hor inta aan loo dirin codsiga oggolaanshaha shaqaalaha in la shaqaaleysiiyo, loo shaqeeyuhu waa inuu ka hubiyaa Xarunta Shaqada ee aqoonta u leh in aanay jirin shaqaale kale oo hadda ka jooga waddankaTalyaaniya oo diyaar u ah buuxinta shaqada banan.

Si loo xaqiijiyo xaqiijintan, loo shaqeeyuhu waa inuu codsi shaqaale u soo diraa Xarunta Shaqada, isagoo buuxinaya foomkan. Halkan ka akhriso hagaha loo shaqeeyaha (guida per i datori/datrici di lavoro). Codsiga oggolaanshaha waxa la samayn karaa oo keliya haddii:

  1. a) Xarunta Shaqaalaynta aan ka soo jawaabin codsiga loo gudbiyay , shan iyo toban maalmood ee maalmaha shaqada gudahood laga bilaabo taariikhda ku qoran codsiga ;
  2. b) Shaqalaha ay soo gudbiyeen Xarunta Shaqaaluhu haddii loo shaqeeyuhu u arko in aysan ku haboonayn shaqada uu rabo in loo fuliyo;
  3. c) Haddii shaqaalaha ay soo dirtay xarunta shaqadu aanu iman waraysiga ( interviewga) , marka laga reebo sabab macquul , balaanta loogu yeeray , ka dib ugu yaraan 20 maalmood ee maalmaha shaqada laga soo bilaabo taariikhda ku qoran codsiga.

Haddii mid ka mid ah xaaladahaan ay dhacdo, loo-shaqeeyaha waa inuu ku caddeeyaa dukumenti kuna lifaaqo codsiga ogolaanshaha shaqada.

FIIRO GAAR AH: Xaqiijinta maqnaanshaha shaqaalaha jooga waddanka talyaaniga muhiim uma aha shaqaalaha xilliyeedka iyo shaqaalaha lagu tababaray dibadda.

Ka dib 30 maalmood laga bilaabo soo bandhigida codsiyada, haddii aysan jirin wax caqabad ah, oggolaanshaha ( nulla ostada) si toos ah ayaa loo soo saara ee loo soo dira – online – Wakiiladda Diblomaasiyadeed ee Talyaaniga ee dalalka ay ka soo jeedaan (Safaaradaha) kuwaas oo ku bixin doona fiisaha gelitaanka 20 maalmood gudahooda ee codsiga la xiriira.

RIIX MAALINTA

Dhammaan codsiyada waxaa la soo diri karaa laga bilaabo 27ka Maarso 2023, ilaa dhamaadka kootada ( saamiyda kala duwan) , iyo si kastaba ha ahaatee ugu dambayn 31 December 2023.

FIIRO GAAR AH: dhammaan codsiyada la soo diro waxaa la raacaya nidaamka soo dirista ee taariikhdooda sida ay u kala horeyaan. Tani waa sababta ay muhiim u tahay in la diyaariyo dukumentiyada waqtiga loogu tala galay , haddii kale waxaad halis u tahay in codsigaagu uu noqon doono “mid lagaa saara kootada” oo sidaas darteed aan la aqbalin.

Wareegto ka soo baxday wasaaradaha ayaa dhawaan la daabici doonaa iyadoo ay ku qoran tahay dhammaan tafaasiisha cusub la soo bandhigay iyo habraaca soo gudbinta codsiyada.

Macluumaad dheeri ah iyo faahfaahin ku saabsan kootada, su’aalaha iyo hababka, kala tasho bogga:

decreto flussi
Categories
aiuti sociali Evidenza

Gunnada gaadiidka 60 euro: Qofka xaqqa u leh iyo sida loo codsado

Waa maxay? Gunnada Gaadiidka waa kaalmo dhaqaale , ilaa 60 yuuro ah , oo qofka loogu tala galay in uu ku iisado kaar sanaadle ah ama bila ah si ugu raaco gaadiidka dadweynaha.

Waxa laga codsan karaa Online 31 December 2022.
Si aad u aragto haddii shirkadda kaarka aad ka codsatay u shaqaynayo , kala xiriir Liiska Hawl- wadeennada Gaadiidka Dadweynaha ee Deegaanka si aad u ogaatid in lagu fasaxay

iyo in aan lagu fasixin in aad ku raacdid gaadiidka dadweynaha kaarka gunnada Gaadiidka aad horey u dalbatay .

Yaa codsan kara?

Gunadda waxa codsan kara shakhsiyaadka dakhligoodu aan ka sareyn 35 kun oo Yuuro. Sideed loo codsada?

Si aad u codsatid, waa inaad ku soo gasha SPID-gaaga (Nidaamka Aqoonsiga Dijital ah ee Dadweynaha) ama Kaarka Aqoonsiga Elektarooniga ah (CIE) oo aad muujisaa lambarkaaga cashuurta.

Sidee ayaad u dalban kartaa gunnada carruurta?
Waalidiintu waxay codsan karaan gunnada wiilashooda / gabdhahooda ku tiirsan (haddii ay da’doodu yar tahay), iyagoo isticmaalaya SPID-kooda ama CIE oo muujinaya lambarkooda canshuurta.

Wiilasha / gabdhaha haddey qaangar yihiin , xitaa haddii dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin, waa inay si madax-bannaan u dalbadaan si ay u codsadaan gunnada.

Si aad u codsato gunnada, kala xidhidh

website-ka Wasaaradda Shaqada iyo Siyaasadda Bulshada oo raac tilmaamaha bogga.
Fiiro gaar ah: haddii aad ku dhalatay dalka dibaddiisa oo aadan ka helin degmadaada liiska ku yaal goobta “degmada dhalashada”, waxaad adiga ku qori kartaa magaca magaalada aad ku dhalatay.

Categories
Evidenza Minori Ucraina

KU SOO DHAWAADA ISKUULKA TALYAANIGA

KU SOO DHAWAADA ISKUULKA TALYAANIGA

Waxaan kugu soo dhaweyneynaa dugsiga Talyaaniga!
Dalka Talyaaniga waxa ku waajib ah dhammaan carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 jir in ay isu- diiwaangeliyaan dugsiga. Dhammaan ardayda, xataa kuwa naafada ah, waa in ay iska diiwaan geliyaan dugsiga.

Waxaan idin kula talineynaa inaad heshaan macluumaad ku saabsan goobta dugsiga idinku dhow, iyadoo ku xiran fasalka dugsiga ee caruutada dhigato si waafaqsan nidaamka dugsiyada Talyaaniga, sida lagu qeexay shaxda hoose.

Macluumaad faahfaahsan sidoo kale waxaa laga heli karaa:

https://cercalatuascuola.istruzione.it/cercalatuascuola/

Barnaamijka Scuola in Chiaro wuxuu kuu oggolaanayaa inaad:
· aad ka raadsatid dugsi ama xarun tababar xirfadeed waddanka guud ahaan;

· In aad ogaatid dhammaan macluumaadka laga heli karo dugsiyada nooc kasta iyo heerar kasta iyo xarumaha tababarka xirfadeed ee aad dooneysid;

· Is barbar dhig tababarka ay bixiyaan dugsiyada iyo xarumaha tababarka ee la doortay;
· si toos ah u gal adeegyada qaarkood ee la xidhiidha raadinta dugsiyada sida, tusaale ahaan, “diiwaangelinta khadka tooska ah”. Saldhigga macluumdka ee quudiya codsiga waxay u ka kooban tahay xog horay ugu jirtay nidaamka macluumaadka MI (si joogto ah loo cusboonaysiiyay) iyo macluumaadka uu dugsi kastaa geliya iyado loo marayo hawlaha laga heli karo bogga SIDI.

Waxaa si toos ah looga heli karaa Scuola in Chiaro bogga hoyga ee
MI https://www.miur.gov.it/.


Astaanta kowaad ee qalabka weyneynta waxay kuu ogolaanaysaa inaad dugsiga ka raadiso magaca machadyada ama nooca fasalka iyo magaalada


Astaanta Labaad Raadinta GOOBTA waxaa lagama maarmaan ah in la galo cinwaan, ka dibna dooro masaafada (RAGGIO) 1KM, 2KM iwm, iyo nooca waxbarashada: Dugsiga barbaarinta, dugsiga hoose iwm. Markaa waxaad dooran kartaa haddii aad rabto dugsiyada dawladda kaliya ama dugsiyada madaxa banaan ama labadaba, oo ugu dambeyntii guji View Map haddii aad rabto inaad ka aragto khariidadda uu dugsigu ku yaalo ama aad aragto Liiska


 

 
 

Astaanta Saddaxaad waa raadinta horumarsan waxayna kuu ogolaaneysaa inaad ka baarto liiska dugsiyada gobol ahaan, gobol, degmo, nooca dugsi, iwm.

ISKUULKA TALYAANIGA 

• • • 

• • 

Xanaanada ilaa 3 sano
Xanaanada laga bilaabo 3 ilaa 6 sano Dugsiga hoose laga bilaabo 6 ilaa 11 

sano
Dugsiga sare ee derejada 1aad laga 

bilaabo 11 ilaa 14
Dugsiga sare ee derejada labaad ee da’da 14 sano inta ka sareysa 

Dukumentiyada DIIWAANGELINTA
Si ay caruurtooda dugsiga ugu diiwangeliyaan, waalidku waa inuu buuxiyaa foomka u bixiyo xoghaynta dugsigu. 

Haddii waalidku hore u haystay dukumeentiyada soo socda, wuxuu u geyn karaa xoghaynta: 

shahaadada dhalashada shahaadada tallaalka 

dukumeenti caddeyn dugsiga uu ka dhigan jiray wadankii uu asal ahaan ka soo jeedo 

Maqnaanshaha dukumeentigan, waalidku wuxuu iskii u caddaynayaa taariikhda dhalashada ardayga, fasalka uu ilmuhu ka soo qayb galay waddankii uu asal ahaan ka soo jeeday iyo dhammaan macluumaadka kale ee loo baahan yahay. 

Waqtiga diiwaangelinta foomamka waxaa loo buuxiyaa habkaan
doorashada nooca dugsiga
doorashada in uu ardayda ka qayb galo 

iyo in uusan dooneyn in uu ka qayb galo duruusta diinta kirishtaanka 

Waxaad ku qori kartaa carruurtaada dugsiga wakhti kasta oo sanadka ah xitaa haddii hawlaha dugsigu ay bilaameen. Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay iskuul ka dhigtaan Talyaaniga xitaa haddii aysan loo hoggaansamin sharciyada joogitaanka dalka iyo tallaalka. 

Xanaanada iyo dugsiyadda xanaanada maadaama aysan ahayn dugsi qasab ah, tallaalada kahortaga ah ayaa lagama maarmaan u ah. 

DUGSIGA TALYAANIGA – SAACADDAHA IYO INTA JEER LA DHIGANAYO –
Dugsiyada waxa la dhigana ilaa 9 bilood. Waxuu bilaawda bartamaha Sebtembar waxaana ka xiraa bartamaha Juunyo. Xanaanada iyo dugsiyadda xanaanada waxay furan yihiin ilaa dhamaadka bisha June.
Waxaa jira laba xilli oo fasax ah oo dhammaan dugsiyada ah ka siman yihiin: qiyaastii laba toddobaad, qiyaastii toddobaad ee Christmas-ka, iyo Easter (sanadkan laga bilaabo 14 ilaa 19 Abriil). 

Maalmaha fasaxada kale waxa lo qaybiyaa sannad dugsiyeedka oo dhan waxayna ku xidhan tahay go’aamada dugsi kasta u gaarka ah. Dugsigu wuxuu kuu sheegi doonaa jadwalka dugsigiisa. 

Hawlaha dugsigu waxay badanaa la fuliyaa subaxdii, laakiin xaaladaha qaarkood waxay sii socdaan galabti. Wakhtiga gelitaanka iyo ka bixitaanka way kala duwan yihiin iyadoo loo eegayo darajada dugsiga, qaabka uu doorto waalidka iyo maamulka dugsiga . 

Weydii dugsiga wakhtiga la filayo in ay ilmahaaga tagayaan dugsiga. Maqnaanshaha ardayda waa in had iyo jeer ay caddeeyaan waalidka ama cid kasta mas’uul ka ah. 

BARASHADA DIINTA KiRISTAAANKA AMA DOORASHADA KALE
Waxbaridda diinta Kiristaanka ayaa la bixiyaa hal ama laba saacadood isbuuci , iyadoo ku xidhan derajada dugsiga.

Waqtiga diiwaangelinta, waalidiintu waa inay caddeeyaan haddii ay doortaan 

Waxbarashada Katooliga in ay ogol yihiin Waxbarashada Katooliga in aysan ogolayn 

QADADA DUGSIGA IYO GAADIIDKA 

Marka hawlaha waxbarashadu ay sii socdaan galabtii, ardayda waxay ku leeyihiin qadada dugsiyada dhexdooda. Waalidiintu waxay bixiyaan iyadoo loo eegayo dakhliga qoyska khidmad ka duwan si ay u cunaan qadada caruurtooda.
Waa suurtogal in la codsado cunto gaar ah sababo caafimaad ama sababo diimeed.
Si aad isu diiwaan geliso cuntada dugsiga, inta badan, waa in codsi loo gudbiyaa maamulka degmada aad degan tahay, iyada oo loo marayo dugsiga.
* Wixii su’aalo ama dhibaatooyin kale ah, fadlan la xiriir xafiiska dugsiga. 

ILMAHAAGU /HADII UUSAN AQOONIN TALYAANIGA
Haddi ilmahaagu aanu aqoon luqada talyaaniga, dugsigu waxa uu qabanqaabin doonaa hawlo barista afka iyo qoraalka ah; Mashaariicda waxaa loo fulin doonaa si gaar ah ama koox yar. Si loo gaaro hadafkan, dugsiyadu waxay isticmaali doonaan macalimiintooda iyo dhammaan agabka laga heli karo waddanka. 

KULAMADA WAALIDKA IYO MACALIMINTA
Macallimiintu waxay si xilliyo ah ula kulmaan waalidiinta si ay ugala hadlaan jadwalka fasalka, carruurtooda, dhibaatooyinkooda iyo horumarkooda. Waqtiyadan la kulanka waa mid aad muhiim u ah sababtoo ah dugsiga iyo qoyska ayaa sidoo kale iska kaashan kara ujeedada ka qayb qaadashada wanaagsan iyo ka mid noqoshada xaaladan cusub. 

Macallin kastaa wuxuu u sheegaa waalidka maalinta iyo wakhtiga ay la kulmi karaan. Waalidiintu waxay kaloo waydiisan karaan waraysi ay la yeeshaan macalimiinta. 

QIIMEYNTA 

Sanad dugsiyeed kasta waxa loo qaybiyaa xilli 3 bilood ah ama afar bilood ah.

Dhammaadka xilliyadda 3 biloodka ama afar biloodka macalimiintu waxay sameeyaan qiimaynta natiijada tacliimeed ee ardayda waxayna diyaariyaan “dokumentiga qiimaynta” kaas oo la gaarsiiyo waalidiinta. Qiimaynta waxaa lagu muujiyay warbixin waxbarashadda ardayga ee dugsiga hoose iyo tobnaadyada oo leh buundooyinka 1 ilaa 10 ee dugsiyada derajoyinka 1aad iyo 2aad. 

XANAANADA IYO DUGSIYADDA XANAANADA
Dalka talyaaniga, xaadirinta caruurta ee xanaanada iyo dugsiyada xanaanada maaha qasab. Xaaladaha qaarkood waxaa lagu talinayaa in si tartiib tartiib ah ugu qayb galan, iyadoo la dhimay saacadaha ugu horreeya. Madama usan ahayn dugsi qasab ah ma jiraan waqti xaddidan u gaar ah. Waxaa suurtogal ah in lagu bilaabo waqtiyo kala duwan subaxdii oo si tartiib tartiib ah loo gaaro 40 saacadood toddobaadkii. Maadaama tiaabadan ay si xoog leh u saameeyaan dabeecadaha ilmaha, waxaa habboon in lala wadaago macallimiinta hababka ugu qayb galayaan dugsiga. 

DUGSIGA HOOSE 

Dugsiyo badan waalidiintu waxay kala dooran karaan saacado kala duwan iyo habka u shaqeyo dugsiga::
Fasalka ” waqti buuxa” “: 40 saacadood todobaadle ah (badanaa laga bilaabo Isniinta ilaa Jimcaha (tusaale ahaan 8 ilaa 16 – saacadood iyadoo ku xiran isla dugsiga), iyada oo ay suurtogal tahay in ardayda ka cunaan qadada dugsiga ee wax ka dhiganayaan. 

fasalka “waqtiga caadiga ah”: 24, 27 ama 30 saacadood todobaadle ah. Xaaladdan oo leh tiro doorsooma oo xilliyada galabnimo oo ku xiran maamulka dugsiga. Maadooyinka la baranaya waa: Luuqadda Talyaaniga, Xisaabta, Sayniska, Taariikhda, Juquraafiga, Tignoolajiyada iyo Computarka, Ingiriisiga, Farshaxanka iyo Sawirka, Cilmiga Jimicsiga, Waxbarashada Muusiga, Diinta (ama maaddo kale))

* Weydii macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay. 

DUGSIGA SARE EE DERAJADA KOOWAAD
Dugsiga sare ee derajada kowaad waxa uu bixiyaa 30 saacadood totobaad-ki.Dugsiga qaar waxa suurto gal ah wakhti dheer oo durusta la qaadan karo ilaa 36/40 saacadood totobaad-ki oo galabtii dugsiga lagu soo laabto. 

Dugsiga sare ee derajada kowaad Nella maadooyinka loogu tala galay waa: Talyaani, taariikhda, juqraafiga; Xisaabta iyo sayniska; Farsamada; Ingiriisi; Luuqadda labaad ee bulshada; Fanka iyo sawirka; Waxbarashada jirka iyo ciyaaraha; Muusiga, Diinta Katooliga (ama mawduuc kale). 

2 saacadood ee luqadda bulshada labaad ee ardayda ajnabiga ah ee dhawaan timid waxaa suurtogal ah in loogu beddelo baridda luqadda Talyaaniga si kor loogu qaado. 

Kadib dugsiga sare ee derajada 1°aad, ardayda waa inay dhigtaan ugu yaraan 2 sano oo ah dugsiga sare ee derajada 2aad ama koorsooyin xirfadeed. 

* Weydiiya macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay. 

DUGSIGA SARE EE DERAJADA LABAAD
Dugsiyada sare ee derajada 2aad waxay u qaybsan yihiin machad xirfadeed, machadyo farsamo iyo dugsiyo sare. Dugsiyada noocaan ah, koorsooyin gaar ah ayaa lagu dooran karaa, taas oo ah, koorsooyin qoto dheereeya culuumta qaarkood, oo ku xiran qaybaha ardayga si weyn u xiisaya. Machadyada xirfadaha waxaa lagu gartaa xiriir dhow oo lala yeesho adduunka shaqada iyo wadooyin kor u qaada maaddooyinka waxbarasho ee la taaban karo , halka farsamayaqaannada iyo dugsiyada sare ay aad ugu jihaysan yihiin aqoonta aragtida, in kasta oo farsamayaqaannadu ay bixiyaan waxbarasho hab shaybaar oo gaar.

* Weydiiya macalimiinta liiska agabka dugsiga ee loo baahan yahay.
Marka laga reebo fasaxyada qaranka, ee dadweynaha ka wada siman yihiin , runtii, gobollada go’aanadooda gaarka ah ayaa sannad walba go’aamiya bilowga iyo dhammaadka hawlaha waxbarashada, maalmo la maqnan karo iyo fasaxyada kale. Jadwalka gobolka oo la daabacay: 

Categories
aiuti sociali Asilo e immigrazione corsi Evidenza Lavoro Ucraina

Assolavoro: adeegyada shaqada iyo taageerida ee qaxootiga/iyo

AssoLavoro, , Ururka Qaranka ee Xafiisyadda Shaqada ka shaqeeya , wuxuu  hormariyaa , iyada oo la kaashanaysa UNHCR, mashruuca ” Martigelinta & Shaqada” kaas oo bixiya adeegyada shaqada iyo taageero la taaban karo siiyana  dad haysta sharciyadda qaxooti-nimadda  ilaalinta caalamiga ah,  ilaalinta ku meel gaarka ah iyo ilaalinta ka gaarka ah.

Adeegyada la bixiyo 

Ururka wuxuu u fidiya Shaqaaluhu imanaya Talyaaniga Adeegyada is dhex galka bulshada iyo dammaanad-qaadka helista shaqado , adeegtada waa lacag la’aan ,   waxaa ka mid ah:

  • Hanuuninta iyo tababarka bilowga ah. Waa Lacag la’aan, kulanka macluumaadka laysku weydaarsanayo ugu horeya oo ujeedadiisu tahay kor u qaadista wacyiga suuqa shaqada ee Talyaaniga iyo  Wakaalada Shaqaalaynta. Inta uu shirku socdo, waxaa lagu soo bandhigi doona  khariidad ku saabsan adeegyada iyo adeegyada ay Hay’aduhu u qabtaan dadka imaanaya 
  • Isku-dheelitirnaanta Xirfadaha. Isku-dheellitirka Xirfadaha (BdC) waa qalab aasaasi ah oo kuu oggolaanaya inaad ku ogaato  xirfadaha oo aad falanqeyso sifooyinka shakhsi ahaaneed ee  qofka si aad u awooddo inaad u jihayso waddada tababarka ugu habboon isaga (Koorsada aasaasiga ah ee luqadda iyo dhaqanka Talyaaniga ama koorso tababar xirfadeed) .
  • Koorasyada aasaasiga ah ee Talyaaniga. Inta lagu jiro koorsada, ardaydu waxay codsan karaan in loo soo celiyo kharashaadka cunnada  iyo hoyga, waxayna xaq u leeyihiin gunno saacadii ah € 3.50 / saac. Dhamaadka koorsada tababarka, gunno hal mar ah oo ah € 1,000 ayaa la siin doona.
  • Koorsooyin tababar xirfadeed. Inta lagu jiro koorsada, ardaydu waxay codsan karaan in loo soo celiyo kharashaadka cunnada  iyo hoyga, waxayna xaq u leeyihiin gunno saacadii ah € 3.50 / saac. Dhamaadka koorsada tababarka, gunno hal mar ah oo ah € 1,000 ayaa la sin doona (haddii aan hore loo bixin  dhammaadka koorsada aasaasiga ah ee luqadda iyo dhaqanka Talyaaniga)
Xuquuqda kuwa ka qayb galaya koorsada

Ka faa’iidaystayaasha ilaalinta caalamiga ah, ilaalinta ku meel gaar ah iyo ilaalinta gaarka ah ee ka qaybqaata koorsada tababarka aasaasiga ah ama xirfada, ama ka shaqeeya Wakaalada Shaqaalaynta, waxay xaq u leeyihiin qaar ka mid ah tabarucyada muhiimka ah. Si faahfaahsan

  • Caawinaad dhaqaale ee xanaanada caruurta . Caawinaad  dhaqaale ee xannaanada caruurta ayaa bishiiba la binayaa ugu badnaan €150 ilaa sannadka  caruurta  ay gaarayaan sanadka saddexaad iyo ilaa  ka qaybgalka xanaanada ee soo dhamaato ee muddada looga tala galay.
  • Taageerada waxbarashada. Waa kuwan qaar ka mid ah tabarucaadka lagu taageerayo kharashaadka uu qofka ku bixiya waxbarashada:
  1.  Taakuleyn dhaqaalae ee soo iibsashada agabka waxbarashada iyo buugaagta caruurtooda (200 €)
  2. Taakuleyn dhaqaale si loogu soo iisado  buugaagta ama agabka kale ee wax waxbarashadda ee ardayda dhigata koorsooyinka fiidkii (200 €)
  3. Ka qayb qaadashada kharashaadka ku baxay kharashka jaamacadda (200 €).
  4. Taakuleyn dhaqaalae ee iibsashada buugaagta ama agabka kale waxbarasho ee ardayda fasalada 1aad iyo 3aad (200€ )
  • Dib u soo celinta lacag loogu soo  iibshay waxyaabaha aasaasiga u ah dhallaanka. Ka qayb qaadashadda  kharashaadka lagu galay iibka alaabta lagama maarmaanka u ah daryeelka ilmahaaga ilaa sanadka saddexaad jirsan doono, ugu badnaan € 800. Codsiga waxaa loo samayn karaa caruur  kasta.
  • Dib u celinta lacag ee  kaalmada cilmi nafsiga. Taakuleyn dhaqaale ee kharashaadka cilmi nafsadda ah ee nafsaddiisa ama xubnaha qoyska mid ka mid ah ugu badnaan € 200 macmiilkiiba.

Macluumaad intaas ka badan: Mashruuca Soo Dhaweynta &Shaqda

Categories
Asilo e immigrazione Before you go

Joogitaanka Talyaaniga

Waa dukumeenti ay soo saareen mas’uuliyiinta

Talyaanigu oo siinaya qofka ajnabiga ah xaqa
deggenaanshaha dhulka Dawladda. Muddada u
shaqeynaayo wuu kala duwaan karaa .

Ogolaanshaha joogitaanka waa in lagu codsadaa
siddeed maalmood oo shaqo gudahood marka la
soo galo dhulka Talyaaniga.. Dib u dhigista
waxaa lagu sababeynayaa kaliya sababo qof
awoodiisa ka baxsan . Ogolaanshiyaha
joogitaanka looma baxno in la codsato haddii
gelitaanka iyo joogitaanka Talyaaniga lagu
yimaado fiiso booqashooyin, ganacsi, dalxiis
iyo waxbarasho aan ka badnayn saddex bilood
waxaan ku filan in aad sheegto in aad ku sugan
taahay dalka.

Haddii muwaadinka ajnabiga ah uu Talyaaniga
u galo sababo shaqo ama midoobid qoys oo uu
codsanayo marka ugu horreysa ee sharciga
degenaanshaha, waa inuu aadaa xafiiska
socdaalka ee u gaarka ah (SUI) ee ismaamulka
awooda u leh (qui la mappa), sida aan horey u
soo sheegnay siddeed maalmood gudahooda
laga bilaabo gelitaanka . Codsiga ballanta waxa
lagu samayn karaa Boostada Elektrooniga ah
ee Shahaadaysan (PEC), iyadoo lagu lifaaqayo
koobiga fiisaha iyo shaambada gelitaanka.
waxaa xiggi doonaa wicitaanka qofka ajnabiga
ah ee xafiiska SUI si qofka u :
● soo gudbiyo dukumeentigii asalka ahaa ee la
codsaday;
● waa in uu doonto ( kid )xirmada ama qalabka
boostada ee ku habboon;
● muwaadiniinta da’doodu u dhaxayso 16 iyo
65, u saxiix heshiiska isdhexgalka (akhri Faq
gaar ah)

Haddii aad codsanayso ogolaanshaha joogitaanka
noocyada kale ee:
● shaqo sugid; sugitaanka dib u qaadashada
dhalashada; ilaalinta caalamiga ah; beddelka
ogolaanshaha joogitaanka; qoyska; iskaa u
shaqeysiga; shirkad ama dad aad u shaqayso;

shaqo arrimo gaar ah; shaqada hoose-
xilliyeedka;hawl fulin; sababo diimeed;

deganaanshaha la doortay; qof aan waddan ah

lahayn (cusboonaysiin); waxbarasho (ogolaansho
waqti-dheer); layliyo tababar xirfadeed; Kaarka
buluuga ah ee EU; Cusboonaysiinta ogolaanshaha
joogitaanka (cinwaanka, baasaboorka, xaaladda
guurka, isku qorida carruurta)
waa in u soo marsiyaa dukumtiyada codsigaaga
xafiisyada boostada ee la oggol yahay, iyaga oo
isticmaalaya qalabka ku habboon ee laga heli karo
dhammaan xafiisyada boostada, wakiillada iyo
degmooyinka idman.
● Codsiga ogolaanshaha joogitaanka waa in si toos
ah loogu gudbiyaa Xarunta Dhexe ee Booliiska
haddii sababahan khuseyaan :
Codsiga magangalyada caalamiga; codsiga
magangalyada caalamiga heerka 2aad ; xiilliga ugu
horeyo soo qaadashada sharciga ilaalinta
caalamiga, daryeelka caafimaadka; tartanka
ciyaaraha; cadaalada; caruurta aan qaan’gaarka
gaarin oo aan waalikood la socon; Casuumad;
caruurta aan qaan’gaarka ahayn ; xubnaha qoyska
(haddii ay dhacdo ogolaansho la siiyay ajnabi aan
eryin karin sida waafaqsan qodobka 19 T.U ee
sharciga ); bini’aadantinimo; qof aan wadan
lahayn; fasaxyada shaqada, iyo xaalad kasta oo
kale oo aan si cad loo sheegin.

Guud ahaan, waa lagama maarmaan in qofka u
keeno dukumeentigiisa aqoonsiga (tusaale,
baasaboor) iyo dukumeentiyada gaarka ah ee
looga baahan yahay nooca ogolaanshaha
joogitaanka ee la codsaday. Macluumaad intaas ka
badan, waxaa habboon in lala xiriiro xafiiska
boostada ee idman, xarunta booliiska, xafiiska
Padronato loo yaqaano ama degmada idman.
Xarunta booliiska waxay la hareysa koobiga
dhammaan dukumentiyada. Nuqul ka mid
dukumentiyada ayaa la siin doonaa codsaha.
Fiiro gaar ah: Qofka ajanabiga goortu u la tagto
xafiiska boostada falyka codsiga , wuxuu heli
doonaa fariin u tilmaamaysa maalinta ay tahay
inuu iska xaadiriyo Xarunta Booliska isagoo wata
sawiro waxaana lagu qaadi doonaa sawir iyo faraha

Dukumentiyada layska doonayo waa:
● shaambada dakhliga ee 16 euro;
● lacag bixinta, iyada oo la adeegsanayo warqad
hore loo daabacay PSE), rasiidhka waa uu ku
lifaaqnaado codsiga, € 30.46 ee soo saarista
ogolaanshaha joogitaankaee qaab elektaroonik ah;

● lacag bixinta iyada oo la buuxinay foonla laga
heli karo xafiisyada boostada, tabarucaad u
dhaxaysa 40 iyo 100 euro oo ku salaysan nooca iyo
muddada oggolaanshaha la codsaday. Fiiro gaar
ah: kuwan soo socda waa laga dhaafay bixinta
tabaruca:
● carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir;
● carruurta aan qaan-gaarin oo ay ku jiraan
waalididka ama guur la’aan waalidka ku dhalatay;
● Qofka haysta ogolaanshaha joogitaanka ee
caafimaadka ;
● Muwaadiniinta ajnabiga ah ee codsada soo
saarista ama cusbooneysiinta ogolaanshaha
codsiga iyo bixinta magangalyada caalamiga ah;
● codsada beddelka sharci degenaansho oo aan
weli dhicin;
● Codsadayaasha codsanaya cusboonaysiin
sharciga degenaanshaha ;
● Xubnaha qoyska ee muwaadiniinta Midowga
Yurub ee deggan sida uu dhigayo Xeer-dejinta
30/2007.

Muddada ogolaanshaha joogitaanka ee la bixiyay
waxay la mid tahay fiisaha gelitaanka, haddii loo
baahdo, iyo xaaladaha oo kala duwan ayadoo la
eegayo:

Shaqooinka haya’ad
ama shaqsi loo
shaqeya oo qandaraas
joogto ah leh

ugu badnaan 2 sano;

Shaqooinka haya’ad
ama shaqsi loo
shaqeya oo
qandaraasah oo xilli
cayiman ku eg

oo le’eg muddada la
xiriira shaqada ama ugu
badnaan 1 sano;

iskaa u shaqeyste

ugu badnaan 2 sano

shaqo xilliyeed

ugu badnaan 9 bilood
(iyadoon loo eegin qaybta
ama nuuca shaqada);

shaqo sugaya

ugu yaraan 1 sano, ama
dhammaan muddada
adeegga taageerada
dakhliga ee suurtogalka
ah ee uu helayo shaqaalaha ajnabiga ah,
haddii uu ka sarreeyo
(Sharciga 92/2012);

waxbarasho iyo
tababar

1 sano oo dib loo
cusbooneysiin karo;

xubnaha qoyska

xagga xubinta qoyska ee
xaqa u leh in dib loo
midoobo, ama ugu
badnaan 2 sano;

codsiga ilaalinta
caalamiga ah

6 bilood, dib loo
cusboonaysiin karo 6
bilood gudahood lana
cusboonaysiin karo 6
bilood ilaa laga
dhammeeyo nidaamka;

ilaalinta caalamiga ah
(Heerka caalamiga iyo
midka sussidariyaha )

5 sano

ilaalin gaar ah

2 sano

kiisaska gaarka ah

6 bilood iyo dib loo
cusboonaysiin karo 1 sano
ama ka badan;

Sharciga masiibooyin
awgood loo bixiyo

6 bilood

ogolaansho fal madani
ah oo gaar ah

2 sano

Tabaruceyaal shaqo

badiyaa 1 sano ama ugu
badnaan 18 bilood

cilmi-baaris cilmiyeed

oo la mid ah kan

barnaamijka cilmi-
baarista (Xeer-dejinta

Sharci ee 17/2008)

)

Dib u cusboonaysiinta ogolaanshaha joogitaanka
waa in la codsadaa (iyada oo loo sii marayo xafiiska
boostada ama xarunta booliiska, iyadoo ku xidhan
sababaha dib u cusboonaysiinta) ugu yaraan 60
maalmood ka hor taariikhda dhicitaanka. Eraygani
waa mid tilmaamaya oo keliya, haddii ay dhacdo u

hoggaansanaan la’aan ma jir doonto dembi loo
raacan doono qofka si degdeg ah. Dhanka kale,
qofka ajnabiga ah ee haysta sharciga
degenaanshaha ee dhacay in ka badan 60
maalmood ayaa loo arkaa sharci-darro, isagoo aan
codsan dib u cusbooneysiin.

Haddii ay dhacdo in la
codsado bixinta ama cusboonaysiinta
ogolaanshaha joogitaanka, qofku wuxuu ku
xisaabtami karaa sharcinimada buuxda ee joogista
wuxuuna ka shaqayn karaa ayaddo shurrudahan la
raacayo:
• Codsiga waxaa la soo gudbiyay ka hor inta uusan
dhicin sharciga, ama lixdan maalmood gudahooda
marka uu dhaco sharciga ;
• risiidhka caddaynaya soo gudbinta codsiga soo
saarista ama cusboonaysiinta ogolaanshaha waxa
bixiyay xafiiska awooda u leh. Marxaladdan oo kale
waxaa suurtagal ah in la iska diiwaan geliyo
Adeegga Caafimaadka Qaranka, la cusboonaysiin
karo kaarka aqoonsiga ee dhacay, la beddellan
karo deggenaansho, laga faa’iideysto ceyrta
dawladda bixisa , qaadashada liisanka
darawalnimada, iwm.

Ogolaanshaha joogitaanka lama cusboonaysiin
karo lamana kordhin karo haddii joogitaanka
Talyaanigu hakat laguna sugneyn muddo
waddanka , dibadda tayaaniga u ku qofka u ku
sugan yahay , muddo joogto ah oo ka badan 6
bilood , ama maqnaasho in ka badan kala badh
muddada ogolaanshaha joogitaanka uu
shaqeynaayo, ilaa sababo qofka ka awood ban ka
horjoogsan (adeeg ciidan iyo sida). Intaa waxaa
dheer, cusbooneysiinta ogolaanshaha joogitaanka
waa la diidayaa haddii ee la waayo shuruudaha
sharcigu u dejiyay arrintiisa.

waxbarasho, tababar shaqo ama tababar
Ka hor inta aysan dhicin ogolaanshaha joogitaanka
sababo shaqo awgeed gudaha kootada lagu
aasaasay wareegtada socdaalka. Haddii aan la
beddelin, waxaa weli loo isticmaali karaa in lagu
shaqeeyo xadka 20 saacadood todobaadkii.

shaqo xilliyeed

Ka hor inta aysan dhicin ogolaanshaha joogitaanka sababo shaqo awgeed gudaha kootada lagu aasaasay wareegtada socdaalka.

da’da yar (Qodobka 32, cutubka 1-bis)

ilaalinta bulshada (hadda loo yaqaan kiisas gaar

ah, qodobbada 18 iyo 22, 12 rubuc)

Qof ama qoyska dhib loo gaysta (hadda loo yaqaan kiisas gaar ah) (Qodobka 18-bis

Ogolaanshaha joogitaanka Midowga Yurub ee dadka deggan muddada dheer oo ay bixiso waddan kale oo xubin ka ah Midowga Yurub (Qodobka 9-bis)

ilaalinta gaarka ah (ee tixraacaya qodobka 32, farqadda 3, ee xeer-dejinta no.25 ee 28 January 2008)

masiibooyinka (waxaa loola jeedaa qodobka 20- bis)

deganaanshaha la doortay (ee tixraacaya qodobka 11, farqadda 1, xarafka c-quater), ee digreetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda 31 Ogosto 1999, n. 394

si ay u helaan dhalasho ama qof aan waddan lahayn

hawlaha isboortiga

shaqo faneed

sababo diimeed

si loogu caawiyo carruurta aan qaan-gaarin

daawaynta

Fiiro gaar ah: Ogolaanshaha degenaanshada ee la soo saaray iyadoo la sugayo aqoonsiga

magangalyada caalamiga ah waxay kuu ogolaaneysaa inaad shaqeyso laba bilood ka dib markaad gudbiso codsiga, laakiin looma rogi karo sharci kale.

Dadka haysta ogolaanshaha joogitaanka waxay awoodin in ay :

● Iska diwaangeli xarumaha shaqada oo aad helaan kaarka xirfadyaaqaan ;
● iska diwaangeli adeega caafimaadka qaranka;
● Iska diwaangeli INPS (Machadka Qaranka ee Taakhuleynta ama Badbaadada Bulshada);

● Iska diwaangeli INAIL (Machadka Qaranka ee Shilalka Shaqada);
● Codsiga diiwaangelintaada degmada aad degan tahay;
● ku biiris iyo/ama hormarin urur;
● ku biiris urur sida ururka shaqaalaha ;
● helitaan waxbarasho iyo tababar.

Waxay ku qasban yihiin inay tusaan oggolaanshaha joogitaanka iyagoo wata baasaboorkooda ama dukumeenti kale oo aqoonsi ah xaaladaha soo socda:

• shaqaalaha maamulka dadweynaha, haddii ay u baahan yihiin shatiyo, oggolaansho, diiwaangelin, iwm.
● Marka ay codsadaan saraakiisha iyo wakiilada amniga dadweynaha; haddii u diido in uu tuso dukumeentiyada, waxaa lagugu ciqaabi karaa xadhig ilaa 1 sano ah iyo ganaax dhan €2,000. Hay’adda amniga dadwaynaha, marka ay jirto sabab macquul ah, waxay sidoo kale codsan kartaa macluumaadka iyo caddaynta dakhliga qof kasta (shaqada ama ilo kale oo sharci ah), oo ku filan in uu nolashiisa muwaadinka ajnabiga ah iyo xubnaha qoyskiisa ee ku nool Talyaaniga.

• Waxa kale oo ay waajib ku tahay in ay u gudbiyaan wixii isbeddel ah ee ku yimaadda gurigooda caadiga ee ku nool yihiin Taliyaha Booliska ee awoodda u leh shan iyo tobanka maalmood ee soo socda. Xiriirkan waxa kale oo lagu fulin karaa iyadoo la adeegsanayo buuxinta dokumentiga martigelinta ee shaqsi iyo/ama gurigaaga deggenka ku ah ku wareejisid ama ka iibisid qof kale xaaladaha iyo siyaabaha sharcigu u jideeyey.

Maya: ogolaanshaha joogista waxa ay ahaanaysaa mid ansax ah ilaa uu ka dhacayo, si kastaba ha ahaatee, marka laga reebo shaqaale xilliyeedka, wadar ahaan muddo aan ka yarayn 1 sano. Haddii aan la helin heshiis cusub ka hor inta uusan dhicin ogolaanshaha joogitaanka, waxaa suurtagal ah in la codsado ogolaanshaha joogitaanka shaqada sugitaanka.

Waxaad la galayaa dambi lagu ciqaabi karo qofka ganaax u dhexeeya 5,000 iyo 10,000 euro

Heshiiska la qabsashada wadanka waa dukumeenti ay tahay in muwaadinka ajnabiga ah uu saxiixo oo si uu dadaal badan muujiyo xagga Qaranka Talyaaniga si uu u gaaro ujeedooyin gaar ah oo isdhexgalka, iyada oo loo marayo dhamaystirka hab luqadeed, la dhaqanka bulshada, si loo gaaro inta lagu jiro muddada ansaxnimada ogolaansho joogitaanka.. Marka la saxiixo, ajnabiga waxaa loo qoondeeyey 16 dhibcood, taas oo lagu kordhin karo helitaanka aqoonta qaarkood (heerka luqadda Talyaaniga A2, mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka, nolosha madaniga ah ee Talyaaniga) ama fulinta hawlo . Dhibcaha waa la dhimaa haddii ay dhacdo fal- dembiyeedka, dembiyada maamulka iyo canshuurta. Heshiisku wuxuu dhigayaa in laba sano gudahood shisheeyaha uu ku gaaro kootada 30 dhibcood si uu ugu sii sugnaado waddanka .

Xigasho: Xariirka Isdhexgalka Ajaaniibta (Wasaaradda Shaqada iyo Siyaasadda Bulshada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Waxbarashada).

Leggi anche: