26 Janaayo 2023, Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ee 29 Diseembar 2022 (Wareegtada socdaalka) ayaa la daabacay, taasoo dejisay (saamiyada) kootada shaqaalaha ajnabiga ah ee u soo geli kara Talyaaniga si ay ugu shaqeystaan. Tirada ugu badan ee la aqbalay waa 82,705 qof, kuwaas oo:
– 44,000 sababo shaqo xilliyeed ee xilliyayo gooni loo baahdo;
– 38,705 sababo shaqo aan xilliyo gaar ah ku xirneyn , kuwaas ah :
- 30,105 ayaa lo qoondeeyay in ay yimaadan si ay ugu hawlgalan shaqooyinka loo shaqeeyuhu u codsanayo ee qaybaha gaawaarida xamuulka qaada, dhismaha iyo dalxiiskahuteelada, makaanikada, isgaarsiinta, cuntada iyo dhismaha maraakiibta; shaqo u qofka u madax banaan yahay kuwaasoo aan ka mid ahayn shaqo xilli gooni loo baahdo.
- 1,000 shaqaale ah oo rag iyo dumar ah oo dalka dibadiisa lagu soo tababaray, taas oo qayb ka ah barnaamijyada ay wasaaraddu ansixisay, oo uu ku jiro mashruuca Inta aadan tagin, Kaas dadka iska-diiwaangeliya. Beddelka ogolaanshaha joogitaanka Waxay codsan karaan beddelka sharciga degenaanshaha dadka haysta:
- Ogolaanshaha shaqada xilliyeedka
- Ogolaanshaha ujeedooyinka waxbarasho
- Ogolaanshaha joogitaanka aan xadidnayn ee wadamada kale ee EU
SIDA LOO CODSADO
Si ka duwan sanadihii ugu dambeeyay, ka hor inta aan loo dirin codsiga oggolaanshaha shaqaalaha in la shaqaaleysiiyo, loo shaqeeyuhu waa inuu ka hubiyaa Xarunta Shaqada ee aqoonta u leh in aanay jirin shaqaale kale oo hadda ka jooga waddankaTalyaaniya oo diyaar u ah buuxinta shaqada banan.
Si loo xaqiijiyo xaqiijintan, loo shaqeeyuhu waa inuu codsi shaqaale u soo diraa Xarunta Shaqada, isagoo buuxinaya foomkan. Halkan ka akhriso hagaha loo shaqeeyaha (guida per i datori/datrici di lavoro). Codsiga oggolaanshaha waxa la samayn karaa oo keliya haddii:
- a) Xarunta Shaqaalaynta aan ka soo jawaabin codsiga loo gudbiyay , shan iyo toban maalmood ee maalmaha shaqada gudahood laga bilaabo taariikhda ku qoran codsiga ;
- b) Shaqalaha ay soo gudbiyeen Xarunta Shaqaaluhu haddii loo shaqeeyuhu u arko in aysan ku haboonayn shaqada uu rabo in loo fuliyo;
- c) Haddii shaqaalaha ay soo dirtay xarunta shaqadu aanu iman waraysiga ( interviewga) , marka laga reebo sabab macquul , balaanta loogu yeeray , ka dib ugu yaraan 20 maalmood ee maalmaha shaqada laga soo bilaabo taariikhda ku qoran codsiga.
Haddii mid ka mid ah xaaladahaan ay dhacdo, loo-shaqeeyaha waa inuu ku caddeeyaa dukumenti kuna lifaaqo codsiga ogolaanshaha shaqada.
FIIRO GAAR AH: Xaqiijinta maqnaanshaha shaqaalaha jooga waddanka talyaaniga muhiim uma aha shaqaalaha xilliyeedka iyo shaqaalaha lagu tababaray dibadda.
Ka dib 30 maalmood laga bilaabo soo bandhigida codsiyada, haddii aysan jirin wax caqabad ah, oggolaanshaha ( nulla ostada) si toos ah ayaa loo soo saara ee loo soo dira – online – Wakiiladda Diblomaasiyadeed ee Talyaaniga ee dalalka ay ka soo jeedaan (Safaaradaha) kuwaas oo ku bixin doona fiisaha gelitaanka 20 maalmood gudahooda ee codsiga la xiriira.
RIIX MAALINTA
Dhammaan codsiyada waxaa la soo diri karaa laga bilaabo 27ka Maarso 2023, ilaa dhamaadka kootada ( saamiyda kala duwan) , iyo si kastaba ha ahaatee ugu dambayn 31 December 2023.
FIIRO GAAR AH: dhammaan codsiyada la soo diro waxaa la raacaya nidaamka soo dirista ee taariikhdooda sida ay u kala horeyaan. Tani waa sababta ay muhiim u tahay in la diyaariyo dukumentiyada waqtiga loogu tala galay , haddii kale waxaad halis u tahay in codsigaagu uu noqon doono “mid lagaa saara kootada” oo sidaas darteed aan la aqbalin.
Wareegto ka soo baxday wasaaradaha ayaa dhawaan la daabici doonaa iyadoo ay ku qoran tahay dhammaan tafaasiisha cusub la soo bandhigay iyo habraaca soo gudbinta codsiyada.
Macluumaad dheeri ah iyo faahfaahin ku saabsan kootada, su’aalaha iyo hababka, kala tasho bogga:
